QABIILKA, QABYAALADA IYO XALka QABIILKA:

0
Tuesday September 27, 2016 - 10:13:37 in Maqaallo by
  • Visits: 3532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    QABIILKA, QABYAALADA IYO XALka QABIILKA:

    Qabiil hadduu magaala deganyahay waxa la yiraa wuxuu leeyahay shiid iyo shaambaay. Haddii qabiilku miyiga degen yahay waxa uu leeyahay deegaan lagu yaqaan iyo soohdin , Tub iyo Ceel, sumad xoolaaha lagu dhigu, sumadaa waxaa kale oo lagu dhigaa kaxda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qabiil hadduu magaala deganyahay waxa la yiraa wuxuu leeyahay shiid iyo shaambaay. Haddii qabiilku miyiga degen yahay waxa uu leeyahay deegaan lagu yaqaan iyo soohdin , Tub iyo Ceel, sumad xoolaaha lagu dhigu, sumadaa waxaa kale oo lagu dhigaa kaxda ceel, dhagxaha, geedaha iyo dudumaha , xiriirka dibada ee qabiilada kale waxaa u xilsaaran Duubka oo badanaa dhaxal ku yimaada, arrimaha gudahana nabadoonka, oo xulid ku yimaada, laakin qabiilada oo dhami ma qabaan Duub labada xilna waxaa isku haya nabaddoonka.


Laakin markii dowladu tiri:: duubaa wax soo xulaa ayaa la wada sameeystay, kadibna markii la yiri nabadoonada loo baahan yahay iyana waa bateen oo duub barar iyo oday barar ayaa dhacay (inflation of elders).
Dhaqankii hore ee xeerka qabiilada somaalida waqtiga dagaalka waxaa jiray kuwa loo yaqaan Biri Ma geeydo oo aan la dilin, waxaa ka mid ahaa: Macallin dugsi quraan iyo ardaydiisa, dugsigana colka duulaanka ihi ma dhax gali jirin, Daharada lama gali jirin, reera aan rag la joogin xataa guriga lama baari Karin, haween, duub, waayeel, suugaanleeyda iyo maganta reerahaa iyana lama dili jirin, (kuwa hadda dagaalamaya dhaqankaa lama barin). baadida waqtiga colaada waa la isku celin jiray, xataa waa la waraabin jiray haddii baadida cidda lala dagaalamayo ceelka timaad illeyn waa xayawaan oomane.


Waqtiyadaa waxaa kale oo qadarin ku lahaa qabiilka dhaxdiisa Culumada, suugaanleeyda, faalshoowga, ula guduuda, garguduuda, haweenka abaay abaayda, umula salaam, waxaa kale oo jiray taakuleyn ama deeq la siiyo qofkii xantiira ( faqriya), waxbaa loo uruurin jiray si uuna faqri dartii uga qixin qabiilka, ileyn hadduu tago waxaa yaraanaya xubnihii qabiilka (clan members), hadduu xoola beelo ama uu irmaan beelo marka hore waxaa deg deg loo siin jiray xoola maashi ah, haddii guri ka gubto, agab cusub ayaa loo ururinayaa. Waxaa jiray Barbaar si mutadawac ( voluntary ) ah ugu diyaar ah goobiska beeraha iyo isla shubka xoolaha.

untitledXeerka soomaalida waxaa jiray in qabiilku uu qaabilo qaxooti dhaqaale oo qabaa’il kale ah sida ( abaaraha), waxaa qabiilka martida loo yahay uu siin jiray ceel biyood u gaar ah oo ay cabaan, haddii ceelashu yaryihiina waxaa loo cayimi jiray waqti ugaar ah oo ay ka cabaan ceelasha sida habeenkii, haddii qof eed ka soo cararay uu ka yimaad qabiil aan deris la aheyn qabiilka waxaa la siin jiray degenaasho shuruud leh.
Waqtiyadii hore qabiilku ceeb ayuu iska illaali jiray, si ayna magac xumo ugu dhicin waxa uuna dhowri jiray maganta, masaafurka, martida iyo guurka deegaankiisa dhaxdiisa. qabiilku waa badan jiray waana yaraa jiray kala go’a qabiilku wuxuu bilaawdaa haddii jilib ka mid ahi dareemo isku filnaasho sida in 100 geel ah uu iska bixi karo, markaana waxaa ay noqdaan walaalo is garab daga isna kaalmeeya haddii midkood xaaladu ku adkaato, Sidaas ayuu ahaa dhaqankeenii hore ee qabiilku.(qolyaha sheegta ururada xuquuqul insaanku dhaqankeenii hore wax haka barteen).
QABYAALADA:
Markii hore waxaa jiri jiray nabadoon ku shaqeeya mutadawac, awoodiisuna ku kooban tahay qabiilka dhaxdiisa, Waxaa bilaawday qaran nimo iyo in qabiiladu wax isku darsadaan, aadna looma lafa gurin sida wax la isagu darsanayo, maamulkii isticmaarka ayaa lagu bedelay dad somaali ah. qabyaaladu waxa ay ka jirtaa xarumaha dowlada, degmo iyo gobal. Qofna ma dooran ka mid noqoshada qabiilkiisa, mana jecla in qabiilkiisa dartii loo wax yeeleeyo..qaar baase jecel in wax loogu qabto qabiilkiisa dartii.
Dowladii shibilka (1960-1969)waxa ay dareentay in aan laga maarmin shaqada nabadoonada waxa ayna bilaawday in laga wada diiwaan galiyo wasaarada arrimaha gudaha mushaar joogta ahna loo qoro. mid been ah lama sameyn Karin, tiraduna waa xadidneed, Nabdoonku qofka qaaraan diidka ah saldhiga ayuu geyn jiray, ii xir iyo ii soo daa asagaa lahaa. Marna qabiilka looma arkeyn dhib waxaase la diidanaa qabyaalada. Gabyaagii caanka ahaa, tima cade ayaa yiri: Dugsi male qabyaaladu waxay dubato mooyaane. Ma dhihin qabiil ee wuxuu yiri qabyaalad.
QABIIL IYO QABYAALAD
Dowladii shibilka waxaa bedelay dowladii kacaanka, kacaanku waxa uu duugay qabiilkii laakiin qabyaalada ma duugin. kacaankii qabiil ayuu ku tiirsanaa qabiil ayaana lagu dumiyay, haddii uu mabda’ ku tiirsanaa lahaa wax aan mabda’ aheyn laguma ridi kareen. Intii mudda aheedba qabiilka nabadoonkaa ka masuul ahaa, qabyaaladana siyaasiga.
Waxaa xigay xaalada Hadda jirta.
Duubkii asalka ahaa ee gudaha deegaankiisa, geedka hoostiisa dhaqan ahaan caana geel lagu shubi jiray, waxa badalay ugaas loo yaqaan (Ugaas NIDO), oo caanaha gasaca Nidaha ee Holland lagula shubo Hotel aan deegaankiisa aheyn ama Ugaaska Arrimaha dibada ee wadanka ka banaanka lagu duubo, beesha caalamkana u booteeyo. Hadda ku dhaqanka qabiilka xoola dhaqatada ayaa u badan, qabyaaladana Diaspora, labadaa cirif ayaa loo dhaxeeyaa.
Waxaa la yiri: odayaashu 4.5 qabiilada wax ha ugu qaybiyaan, waxa ay aheyd qaybsi qabiil. laakin siyaasiyiintii ayaa qabyaaladeysay. Waxaa la sameeyay heshiis aan meelna ku qorneyn oo 4 wax lagu qaybsanayo, 4 xil, madaxweyne, Afhayeen Baarlamaan, Raisul wasaare iyo maxkamad sare, 4 wasaaradood ee waaweynka la yiraa Gudaha, Dibada, Maaliyada, Gaashaandhiga, 4 ta taliye ciidan.. aaway (.5 kii ) horabe dulmiga u haa, qaybsigii qabiilka waa ku jiraan laakiin qabyaaladaa lagu foociyay. Waxaad maqlee mid ku leh ; yaa wax tari karo aan rabnaa xataa 4 walaalo ah, haddii laga rumeeyo 4 isku qabiil ah asagaa mucaarad kow ah, cadaaladna ma aha 4 walaal lafteedu illeyn waxbaa la isku darsadaye.
Waxaa xun in qofka ficilkiisa wanaag iyo xumaanba loo nisbeeyo qabiilkiisa, Waa in loo nisbeeyo asaga iyo cidii qabyaaladeeysay, ma ahan in ciyaartooyda iyo daqaatiirta 4.5 lagu qaybsado, qabyaaladeynta madaxdu, qabiilka laftiisa ayey dhib u tahay in yar oo dana gaar ah leh ma ahine.
Qabiil deegaan waa horumari karaa dadkiisana wax u qaban karaa, hadiise la qabyaaladeeyo wax qabadku waa burbur, Haddii wax qabadkii loo macneeyo qabyaalad sida :Idaacada, websiteka , jaamacada reer hebel ama hebel baa heysta wasaaradaa ama wasaaradii reer hebel, Iyada oo la fiirinayo ruuxa madaxda ka ah, waxaa dhici karta in kan saas leh laftiisu uga faaiida badan yahya kan madaxda ka ah, waxaa dhacda marka hore odayga dhaqanka ayaa siyaasiga sameeyay, sida xildhibaan iyo wasiir, laakin marka dambe siyaasiga ayaa sameeya xakuma odayga .
Maxaa u sabab ah qabyaalada: Jahli, kibir, cadaalad daro, baahi, isla weynin, nin tooxsi, dulmi, faan damac xil uuna aqoona u laheyn, wadada u furan waa in uu jaran jar qabiil ka dhigto, dhibaato ayaa ka dhalanee doqon helay wax uuna xaq u leheyn.
Haddii baadiyaha aad maqasho: yaa tol aheey xoolaa la dhacay, laakin magaalda haddii aad maqasho yaa tol aheey qof ayaa raba xil uuna xaq u laheyn in uu tolkiis ka dhax dhaco ama tolkiis usoo dhacaan, dhibaatada ugu horeeysana isla iyaga ayuu la damacsanyahay.
XALKA:
Qayb ka mid ah xalka:
A) in iskoolada iyo jaamacadaha lagu dhigo xumaanta iyo dhibaatada qabyaalada.
B) In la abuuro Hayad si gaar ah loogu xil saaro la dagaalanka qabyaalada.
C) in maamulka la adkeeyo lagana daboolo luuqyada suura galinaya fal qabyaaladeed.
D) Qabiilkaa doonto ahaaw taasi dambi ma ahan ,laakin adigu iska bilaaw la dagaalanka qabyaalada.
E) si loo cirib tiro, in qabiil la haybsooco, waa in qodob dastuuri ah laga dhigaa in Madaxweynaha, Afhayeenka baarlamaanka ,Raisul wasaaraha shardi looga dhigo marka uu xil isku sharaxayo in uu arooso haween u dhalatay dadka la heyb sooco( ileyn asagaa u dhaartay in dadku u wada siman yahay), dadku waxa ay ku daydaan madaxdooda .
F) iyo wixii aad xal u aragto.
FG. Qoraalkan wixii ka qaldan waad ka sixi kartaa, wixii ka dhimanna waad ku dari kartaa.aragtidaada xor ayaad u tahay.
Qore : Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip