Taariikh Nololeedka Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Magaalada Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)

0
Thursday October 29, 2015 - 11:26:15 in Wararka by
  • Visits: 1241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikh Nololeedka Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Magaalada Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)

    Iyadoo 25-kii bishan Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho loogu magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa waxaa halkan idinkugu soo gudbeyneynaa ta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo 25-kii bishan Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho loogu magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa waxaa halkan idinkugu soo gudbeyneynaa taariikh nololeedka Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa cusub ee Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, wuxuu dhashay 1965, wuxuuna ku dhashay Magaalada Muqdisho.

Waxabarashadiisii Hoose iyo Dhexe wuxuu ku soo qaatay Madrasadii Allaahida 1980-1985, Dugsiga Sare wuxuu ku qaatay wadanka Masar asagoo ka baxay Machadka Albictha Alazhar al sharif , Cairo, Masar. Isla wadanka Masar ayuu ka bilaabay heerka aqooneed ee jaamacadda, wuxuuna ka qalinjabiyay Jamacadda American Open Univertity, Cairo, Masar sanad daraasadeedkii 2004-2008, asagoo ka bartay Daraasaadka Islaamiyah Wal Carabiyah, Sidookale wuxuu ka qaatay isla Al-azhar Al-shariif hal sano oo Cilmiga Bulshada.

Khibradiisa Shaqo

1986-1991, wuxuu ka shaqaynayay Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryaynta asagoo ka soo qabtay jagooyinka Madaxa Xafiisyada Logistics-ka iyo Wax soo saarka.

1992-1993, wuxuu soo noqday Agaasimaha Waaxda Batroolka ee Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta.

1993-1994, wuxuu noqday Agaasimaha Xafiiska Dagmada Wadajir ee Hy’atu-Al Culyaa.

1994-1996, Wuxuu ahaa Agaasimaha Xafiiska Gargaarka ee Hay’adda Muslim World League Laanta Dagmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

1995-1997, wuxuu ahaa Xoghayaha Hay’adda Slamic Relief Association, Xafiiska Mudisho.

1996-1998, wuxuu Aas aasay Maamulena ka noqday Xarunta Agoonta ee Albirri, Muqdisho.

2004-2010, wuxuu wakiil u noqday Shirkada Daawada Al-mustaqbal, laanteeda Cairo, Masar.

2005-2008, wuxuu noqday Wakiilka Shirkadda Dahabshiil qeybta Ajaanibta ee Cairo, Wadanka Masar.

2008-2013, wuxuu qabtay xilka Gudoomiyahay Xarunta Nabadda iyo Horumarinta Bulshada ee Cairo, Wadanka Masar.

2010-2011 wuxuu noqday Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Masar.

2009-2011, wuxuu xubin ka ahaa Ururka Saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Masar.

Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), intii uu ardayga ka ahaa Dalka Masar, wuxuu caan ku ahaa ka shaqaynta iyo u adeegidda Jaaliyadda Soomaaliyeed gaar ahaan ardayda, xoojinta xiriirka Jaaliyadda iyo kan dadka reer Masar, sidookale xoojinta xiriirka Safaaradda Soomaaliyeed iyo Jaaliyadda. Wuxuu aad uga digi jiray dhaqamada aan wanagsanayn oo ay qabyaaladdu ka mid tahay. 2011-2015, Wuxuu qabtay xilka Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbga Nabadda Horumarka (PDP).

Yuusuf




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip