HALKAN KA AQRISO W/W MOGTIMES DAILY NEWS PAPER 24 FEB 2021

0
Wednesday February 24, 2021 - 10:29:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 792
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W/W MOGTIMES DAILY NEWS PAPER 24 FEB 2021

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo geeriyooday iyo R/W ROOBLE oo ka hadlay

Allaha u naxariistee waxaa Xalay geeriyood ay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ahaa ugaas ka beesha Xawaadle.


Marxuumka ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuu haleelay cudurka Coronavirus.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey geerida Ugaas Xasan, oo la she egay in maalmihii u dambeeyey uu la il daraa xanuunka COVID-19.

Allaha u naxariistee Ugaaska ayaa ka mid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed kuwooda ugu fac aweyn, uguna saameynta badan, waxaana aad loogu xasuustaa doorkii uu ku lahaa yagleelidda maamul goboleedka HirShabeelle.

Ugaaska oo fadhigiisa ugu weyn uu ahaa ma gaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waayihii dambe ku noolaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo Xalay uu ku gee riyooday.

Ra’iisul wasaare Rooble oo ka tacsiyadeeyey geerida Ugaas Xasan ayaa qoraa uu soo saa ray ku yiri, "Waxaan Qoyskiisa,Asxaabtiisii & Gu ud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiy eynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka Soomaaliyeed. Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelka & ummaddana sabir iyo iimaan Allaha ka siiyo.”

Dad badan ayaa maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ugu geeriyooday cudurk aan oo ku soo laba kacleeyey dalka, Faadumo Cali Nakruuma oo ka mid aheyd kuwooda ugu da’da weyn hobollada Qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi ayaa ka mid aheyd dadkii u geer iyooday cudurka.

DF oo go’aan kasoo saartay dibad-baxa ay mucaaradka iclaamiyeen Jimcaha

Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundu bey Jimcaale oo shir jaraa’id ku qabtay M/Muqdi sho ayaa ka hadlay mudahara adka ay iclaamiy een golaha midowga musharaxiinta Soom aali ya, isagoo shaaciyey in ays an ogolaan doonin in banana bax lagu qabto magaalada Mu qdisho.

Waxa uu sheegay in dowladdu go’aamisay in gabi ahaanba la joojiyo isusoo baxyada iyo kul amada laga maarmi karo, go’aankuna uu sidaas ahaan doono.

"Sida aad ka war-qabtaan banaanbax waa la joojiyey ha noqdo mid dowladda lagu taageera yo ama ha noqdo mid looga soo hor jeedo, la bada dhinac ee dowladda iyo mucaaradka wax ay xaq u leeyihiin inay banaanbax soo abaabula an, laakiin hadda kuligood waa sharci darro, ci dii sameysana iayada unbaa is xilqaantay,” ayuu yuri wasiir Xundubey.

Waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho ay ka duwan tahay magaalooyinka kale ee dalka, isla markaana aysan ogolaa doonin inuu ka dha co banaanbax ay dhigayaan dad hubeysan. "Haddii ay dhaceyso in la ogolaado banana bax waa inay soo baxdaa qiimeyn kale, cudurka oo naga yaraada iyo amniga oo ay wax iska bed elaan, waxaa jira dad is xil-qaamay oo isku da yey inay xaliyaan arrintaas, waxaana hadda soc da wadahadal, sidii uu horay u sheegay ra’iisul wasaaruhu weli waxaa furan albaabka wad ahadalka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiir Xasan Xundubey.

Waxa uu sheegay in la joogo xilli wax kasta la isku gaarsii karo warbaahinta, isla markaana aan loo baahneyn banaanbax, "Waxaan ugu ba aqeynaa dadka banaanbaxa abaabulaya inay adeegsadaan 40-kaan kaamiro ee hadda i hor taagan, meel kasta ayaa la iga daawanayaa,” ayuu yiri.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, "Isku soo bax lama ogolaa doono qof walba wixii uu qabo wa rbaahinta hanoo soo mariyo caburin ma jirto, wa saaradda amniga oo aan masuul ka ahay ha u soo sheegto hadii ay jirto qof la caburiyey.”

Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya oo Laga Helay Xanuunka Covid-19

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Max amed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in laga helay xanuunka Covid-19 maalintii siddee daadna uu si gaar ah u karantiilan yahay.

Wasiirka ayaa hadalkan u shee gay telefiishanka dawladda Soo maaliya. Wasiirka ayaa sheegay inuu ku sugan yahay dalka Burundi, halkaas oo uu kaga qaybgalayey shir, halkaasi oo uu shee gay inuusan ka bixin degaanka uu ku sugan yahay.

Wasiirka ayaa hadalkan sheegay isagoo ka hadlayey in cudurka Covid-19 uu aad ugu faaf ay Soomaaliya. Waxa uu sheegay in aysan xillig an maangal ahayn in dadweynaha Soomaaliye ed loogu baaqo dibadbaxyo abuuri kara khatar caafimaad oo saamaynaysa bulshada.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya ayaa sheegay inay qabanayaan bannaanbax cu sub maalinta Jimacaha 26-ka Febraayo ee tod dobaadkan, iyada oo dowladduna ay arrinkaasi mamnuucda

.Xigasho:-puntlandmirror.net

Madaxweynaha Jubaland oo kulan gaar ah la yeeshay wefdi ka socda Beesha Caalamka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubal and Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Ma daxtooyada ku qaabilay wafdi heer caalami ah oo uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Qa ramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan.

Wefdiga waxa ka mid ahaa Wakiil ka Midowg a Yur ub ee Soomaali ya Nicolás Berla nga Martínez iyo Safiirka Taly aaniga.Masuuliyiintan ayaa yeeshay kulamo miro dhal ah iyadoo sidoo kale hab maqal Iyo muuqa al ah ay kaga qeyb galeen Safiirka Mar aykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Yamam oto iyo Wakiilka Midowga Afrika Danjire Franc isco Caetano Madeira. Kulamadan ayaa diirada lagu saaray xaalada hii u danbeeyay ee Sooma aliya iyo arrimaha Doorashooyinka.

Mareykanka oo Cuna-qabatayn Ku Soo Rog ay Saraakiil Ka Tirsan Al-Shabaab Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in uu Soomaaliya la garab taagan tahay taageero ball aaran si ay u soo ceshato nabadda ugana adk aato al-Shabaab.

Ku simaha Waliika Mareykan ka ee Qarama da Midoobay, Ri chard Mills, ayaa isagoo ka had layay kulankii Golaha Amaanka ee xaaladda So omaaliya waxa uu sheegay in Washington ay li iska cunaqabat eynta ku dartay saddex xubnood oo ka tirsan al-shabaab, kuwaasoo xayiraado si gaar ah loo saarayo.

"Dowladda Mareykanku wali waxay diiradda saareysaa xakameynta awoodda al-Shabaab ay ku fulin karaan weerarrada ka dhanka ah rayid ka, waxayna diyaar u tahay in ay wadashaqeyn la sameyso dowlad goboleedyada si loo hirge liyo qaraarka cunaqabateynnada Soomaaliya ee tirsigiisu yahay 751,” ayuu yidhi Mr Mills.

Mills ayaa sheegay in saddex sarkaal oo ka tirsan al-Shabaabka Soomaaliya ay cunaqabat ayn ku soo rogtay dowladda Mareykanka.

"Annagoo taas ka duuleyna, waxaan ku faane ynaa in aan Shalay caddeyno in aan annaga iyo dowladda Soomaaliya si wadajir ah u magacaw no 3hoggaamiye oo ka tirsan al-Shabaab oo la gu daray liiska cunaqabateynta, kuwaasoo mag acyadoodu kala yihiin: Abuukar Cali Aadan, Macallin Ayman iyo Mahad Karate” ayuu yiri Mills.

"Tallaabadan cunaqabateynta ah waxay ka turjumeysaa in beesha caalamku ay la xisaabt ameyso dadka wiiqaya nabadda Soomaaliya, amniga iyo xasiloonida,” ayuu hadalkiisa sii raac iyay. Mareykanka ayaa dowladda Soomaaliya gacan mug leh ka siiya arrimaha soo celinta ammaanka iyo dib u dhiska ciidamada.

Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliya howlo millatari kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in dalka lagaga saaro kooxda mintidka ah ee al-shabaab

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaab ay Guddoomiye Gobol (Wareegto)

Madaxweynaha DG Puntland Siciid C/hi De ni ayaa Guddoomiye cusub u magacaabay G/Sanaag, isagoo xilka qaadis ku sameeyay Gu ddoomiyihii hore ee Gobolkaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayaa la gu magacaabay G/yaha Sanaag, waxaana Guddoomiyihii hore ee Gobolka loo magacaabay La-taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimd iisa shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dar-dar gel inta howlaha maamul iyo horumarineed ee Gobolka Sanaag.Wuxuu xeeriyey:

1-Waxaa Siciid Axmed Jaamac Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.

2-Waxaa Guddoomiyihii Hore ee G/Sanaag Cali Xuseen Soomaali loo magacaabay La taliyaha W/Arrimaha Gudaha Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay

Ciidanka Dowladda oo qabtay Nin Watay Qaraxii Ka Dhacay Xamar-Weyne.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaa sada Maamulka G/Banaadir Cali Yare ayaa War kasoo saaray Qarax Is-miidaamin ah oo ka dha cay meel ku dhow Saldhiga Booliska degmada Xamarweeyne ee Gobolka Banaadir.

Qoraal uu bartiisa Facebook kusoo qoray Guddoomiye Cali Yare Cali ayaa waxaa uu ku sheegay in Nin watay jaakad waxyaabaha Qar xa ay markii hore shacabka ka shakiyeen, isla markaana iyada oo la cersanayay uu tuuray Jaakada Qaraxa.

Waxaa uu sheegay G/ku-xigeenka in Jaa kada ay meel ku dhow Saldhiga Booliska degm ada Xamarweyne ku qaraxday, iyadoona qarax aas jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyin ka Gobolka Banaadir.

"Nin wata suunka qarxa oo doonayay inuu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed ayay ciid amadu ka shakiyeen, iyaga ceyrsanaya ayuu tu uray suunka qaraxa, ka dibna meel cidlo ah ay uu ku qarxay suunkii.” Ayuu yiri Guddoomiye Cali Yare.

Sidoo kale Calu yare ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhaawacmay hal Sarkaal, isla markaana gacata lagu dhigay Qof laga shakinsan yahay inuu watay qaraxaas.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaro kale ee ka dhashay Qaraxii ka dhacay meel ku dhow Sal dhiga Booliska degmada Xamarweyne ee G/Ba naadir, waxaana halkaas ku sugan Ciidamo ba dan oo ka tirsan kuwa Booliska dowladda.

Mareykanka oo u muuqda inuu ku gacan see ray dalabkii Midowga Musharaxiinta

Dowladda Mareykanka ayaa u muuqata inay ku gacan seertay dalabkii ay musharaxiinta mu caaradka gaarsiiyeen Golaha Ammaanka QM, kaas oo ahaa in la dhiso gole hogaamin oo xilka kala wareega sii-hayaha madaxweynaha Soo maaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal ay laba maalin ka hore u direen Gol aha Ammaanka, ayey Midowga musharaxiinta ku dalbadeen in la dhiso gole loo dhan yahay oo xilka sii haya isla markaana dalka ka gudbiya marxaladaan kala guurka ah.

Hase yeeshee, dowladda Mareykanka ayaa ta as u aragta inay dib u dhac u keeni karto Soo maaliya, islamarkaana ay haboon tahay in dow ladda wakhtigeeda dhamaaday iyo maamul gob oleedyada ay ka shaqeeyaan hanaanka doora shada.

Sii hayaha ergayga Mareykanka u jooga Q/Midoobay Richard Mills ayaa khudbadii uu ka jeediyay kulankii Golaha Ammaanka QM waxa ku sheegay in waddo walba oo ka leexsan hana ankii dhawaan lagu heshiiyay ay gadaal u celin karto Somalida, wuxuuna diiday xukun KMG ah.

"Aan idiin caddeeyo, doorasho dhinac ah, do orashooyin isbarbar socda, ama qaab kale oo hanaan doorasho ah oo uu ku jiro xukun KMG ah oo waqti qaata waxaa kaliya oo uu sii kordh in karaa xasillooni darada, wuxuuna dib u dhac ku noqonayaa Soomaaliya,” ayuu yiri Richard Mils.

D/Mareykanka waxey taageersan tahay si la mid ah beesha caalamka in wax lagu wado sidii lagu heshiiyay 17-kii September, markaas oo ay dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ku heshiiyeen Muqdisho.

Go’aanka Mareykanka wuxuu dhabar jab ku noqonayaa midowga musharaxiinta kuwaas oo dalbaday in la dhiso gole hogaamin, maadaama ay diidan yahiin in Maxamed Cabdullaahi Farm aajo uu yahay madaxweynaha Soomaaliya.

Kooxo hubaysan oo Shalay ku dilay nin Ganacsade ah M/Gaalkacyo.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa xaafada hour mar ee magaalada Gaalkacyo ee Xarunta G/Mudug waxaa ay Shalay ku dileen Nin la she egay in uu ahaa Ganacsade, iyaga oo goobta ka baxsaday.

Ninka la dilay oo Magaciisa lagu soo koobay bidaar ayaa xilliga la dilayay waxaa uu ku sug naa halka loo yaqaano buulo bacleey ee xaaf ada Horumar ee Koonfurta M/Gaalkacyo.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegen in dilka Ninka Ganacsadaha ahaa uu salka ku haa yo aanooyin qabiil, gaar ahaan beelo dhowr jeer ku dagaalamay degaano ka tirsan G/Mudug.

Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug ee M/Gaalkacyo ayaa tegay halka dilka uu ka dha cay wallow ay baxsadeen dadkii ka dambeeyay dilkaas, waxaana meydka goobta ka qaaday ehellada Ninka la dilay.

Dilalka la xirira aanooyinka qabiil ayaa sanad ihii la soo dhaafay waxaa ay aad ugu soo kordh een degaannada Galmudug, iyada oo Madaxda Galmudug ay ka gaabiyeen inay wax ka qabt aan dilalkaas.

Mucaaradka oo jawaab ka bixiyey go’aankii DF ee Shalay

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo hadda ku magacaaban xoghayaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka fal-celiyey shirkii jaraa’id ee Sha lay wasiirka amniga xukuumadda xil-gaarsiinta Xasan Xundubey uu ku shaaciyey in dowladdu aysan ogo laa doonin in ‘banaa nbax uu ka dhaco magaalad Muq disho. ’Waxa uu sheegay in Xasan Xundubey ay is garanay een mudo ku dhaw 30-sano, isla markaana uu ku yaqaanay inuu yahay nin go ’aan leh, balseha dda uu is bedelay,

isagoo sheegay in dhibkii ka dhasha amarkii uu bixiyey Shalay uu dushiisa yahay.

Qoraalka uu Cabdiraxmaan Odawaa ugu jawaabay wasiir Xundubey ayaa ku bilaawday "Shalay waxaa shir jaraa’id qabtay Sii hayaha xilka Wasiirka Amniga Xasan Xundubeey Jim caale oo sheegay in mudaaharaadku sharci darro yahay, taas oo khilaafsan qodbobka 20-aad ee dastuurka, arrinta is waydiinta mudan waxa ay tahay sharci darrada uu sheegayo sii hayuhu muxuu u cuskaday, mise isaga ayaa badalay qodobkaas dastuuriga ah oo xaqaasi ku xusan yahay. Sida aan wada ognahay das tuurka waxaa wax looga badali karaa in saddax meelood labo barlamaanka Soomaliyeed ay ogolaadaan.”

"Xundubeey waxaan saxiibo nahay muddo 29 sano ah, sidaa si la mid ah isaga iyo Madaxwey ne Sh Shariif (gudoomiyaha Midowga murashax iinta) muddo intaa ka badan ayay is yaqaanaan Mudadaasi Waxaan ku aqaanay nin mabda’u ha go, aaminsan saraynta sharciga iyo nidaam ay asaas u tahay dhawrista xuquuqda asaasiga ah ee muwaadinka, waxa badalay koleey anigu ma garan isaguse waa og yahay,” ayuu yiri.

Qoraalka Odawaa ayaa intaas ku sii daray, "Waxaanse leeyahay saaxiib la tasho damiirk aada koleey sidaas si ka gadisan ayuu ku faray aaye.

Waxaadna ogaataa adiga iyo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday midna xaq dastuuri ah oo muwaadinku leeyahay ma diidi karo.”

Ugu dambeyntii Cabdiraxmaan Odawaa wax uu qoraalkiisa ku yiri, "Hadalka Shalay uu ka sheegtay Warbaahinta haddii ay ciidamada Bo oliska iyo Nabad sugiddu dhaqan galiyaan dhib ka ka dhashaa cidda masuulka ka ah waa Xun dubeey. Waxaana xasuusinaa in uu afhayeen u noqon Madaxweyne waqtigiisu dhammaaday in aysan ahayn mid u cuntanta.”

Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundub ey Jimcaale oo Shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si cad u sheegay in mudaharaadka ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya aan lagu qaban karin magaalada Muqdisho.

"Waxaan ugu baaqeynaa dadka banaanbaxa abaabulaya inay adeegsadaan 40-kaan kaamiro ee hadda i hor taagan, meel kasta ayaa la iga daawanayaa. Isku soo bax lama ogolaa doono, qof walba wixii uu qabo warbaahinta hanoo soo mariyo, caburin ma jirto, wasaaradda amniga oo aan masuul ka ahay ha u soo sheegto hadii ay jirto qof la caburiyey” ayuu Shalay yiri wasiir Xundubey.

Waare oo fasiraad ka bixiyey kulankii golaha ammaanka

Madaxweynihii hore ee dmaamulka HirSha belle, Md. Maxamed Cabdi Waare ayaa fasiraad ka bixiyey kulankii golaha ammaanka ee Qara mada Midoobay ee looga hadlay xaaladda adag ee Soomaaliya & doorashooyinka.

Waare ayaa shaaca ka qaaday inuu daawad ay kulankaasi iyo nuxurka khudbadihii laga jee diyey, wuxuuna sheegay inuu ka fa hmay fariin ku socota madaxda Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxda Soomaaliyeed si gaar ah loola hadlay, islamarkaana ay muhiim tahay inay fahmaan sida ay tahay in loo wajo xaaladda adag.

"Waxaan fiirsaday shirkii UN Security Council ee arrimaha Soomaaliya. Soomaaliya madaxd eeda waa lala hadlay. wax nin rag la yiraa wax aa ugu liita in la yiraahdo xaaskaada iyo ilmaha adu waa dan-dareysan yihiin, mana fiirsan kar nee saan u dhaan,” ayuu yiri madaxweynihii ho re ee D/G/HirShabelle oo qoraal soo saaray.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in loo wada istaago muxaafad & mucaarad, bad-baadinta da lka iyo dowladnimada, si xal looga gaaro khilaaf ka ka jira dalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada ergayga QM ee Soomaalida uu khudbad dheer ee uu ka ga hadlay xaaladda dalka ka jeediyey kulanka Golaha QM, wuxuuna shaaca ka qaaday in haat an Somaliya ay ku socoto wado halis ah.


Farmaajo oo ka hadlay geerida Ugaas Xasan

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dha maaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay aa tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan umm adda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada G/ Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo Xalay uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Madaxweynaha ayaa xusay in Ugaasku uu ahaa hurmuud dhaqan oo lagu soo hiran jiray, door muuqdana ka soo qaatay dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, adkeynta wadajirka iyo dadaalladii dib u dhiska dowladnimada.

"Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Soomaaliyeed oo Xalay ku geeriyooday M/ Muqdisho. Ugaasku waxa uu astaan u ahaa sal danad dhaqan oo facweyn oo kaalin muhiim ah kaga jirtay wada noolaashaha bulshada Gobo lka Hiiraan iyo guud ahaan dalka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaa jo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoy giisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo ii maanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Madaxweynaha Hirshabelle oo ka tacsiyade eyay geeridii Ugaas Xasan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir sha belle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiy adeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ahaa Duu babka dhaqanka Soomaaliyeed, kaasoo Xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Md.Cali Guudlaawe ayaa ummadda Sooma aliyeed iyo qoyskiisa uga tacsiyadeeyay geerid iisa, waxaana uu Alle uga baryay inuu janatul Fardowso ka waraabiyo

"Waxaa uga tacsiyadeynayaa qoyskii, ehel adii iyo ummadda Soomaaliyeed uu ka geeriyoo day Ugaas Xasan, waxaan alle uga baryayaa in uu janatul Fardowso ka waraabihi, samir iyo iimaan uu Alle naga siiyo”ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sheegay in Ugaas Xasan uu kaalin weyn ku lahaa nabade ynta iyo dowlad dhiska, gaar ahaan doorkii uu ku lahaa dhismaha DG/Hirshab elle.

"Ugaaska waxaa uu ka mid ahaa ugaasyada faca weyn ee saldanada dhaqanka, wuxuu kaal in weyn ka qaatay dib u dhiska, nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo dowlad dhiska ah”ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.

QM oo Sheegtay in Kooxda al-Shabaab ay Halis Ku Hayaan ammaanka Soomaaliya

Q aramada Midoobay ayaa ka digtay in ururka al-Shabaab ay halis ku yihiin ammaanka dalka.

Ergayga gaarka ah ee Q/Mi doobay ee Soomaal iya Ja mes Swan oo hadal ka jee diyay Golaha ammaanka ay aa sheegay in kooxda al-Shabaab ay khatar am ni oo weyn ku hayaan Soomaaliya iyo xas illoonideeda.

"Kooxda al-Shabaab ayaa weerarradeeda ko rdhisay tan iyo bishii August 2020, iyada oo 2021-kiina ay weerarradu gaadheen halkii ugu sarr eysay sida qaraxyada baabuurta lagu raro ee lagu beegsado masuuliyiinta iyo dadka kaleba” ayuu yiri danjire Swan.

Swan ayaa golaha ka hor sheegay in ciida mada Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaalinta ee AMISOM ay guulo ka soo hoyeen gobolka Sha beellaha Hoose walina ay socdaan howlgalladu.

Xafiiska kaalmada QM ee Soomaaliya ayuu Danjire Swan sheegay in uu sii wadi doono kaa lmada uu Soomaaliya siiyo.

Md.Swan ayaa sheegay in ay soo gabagabe eyeen wahannaan ay ugu talagaleen in ciidama da ammaanka ee Soomaaliya ay si buuxda ula wareegaan ammaanka dalka sanadkan2021-ka.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha oo Tacsiyadeeye geeridii ugasan Xasan Ugaas kahliif oo Xalay Muqdisho ku geeriyooday

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ay aa ka tacsiyeeyay geerida Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsa yay Magaalada Muqdisho o ku sugnaa.

Xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa dham maantood Alle Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ah aan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

"Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ug aas Rooble oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Soomaaliyeed oo Xalay ku geeriyooday M/ Mu qdisho. Ugaasku waxa uu astaan u ahaa sal da nad dhaqan oo facweyn oo kaalin muhiim ah ka ga jirtay wada noolaashaha bulshada Gobo lka Hiiraan iyo guud ahaan dalka.”

Beesha caalamka oo baaq deg deg ah u dirtay dowladda iyo M/gobaleedyada

Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay ugu baaqayaan dhamaan saxiixayaasha heshiiskii 17kii Sebtember inay si deg-deg ah isugu yimaadaan si loo dhamaystiro hirgelinta hannaanka doorashada, iyadoo laga amba-qaa dayo howshii ay qabteen Guddiga Farsamada ee ku kulmay magaalada Baydhabo 15-16 Feb raayo.

Madaxda Federaalka iyo kuwa Dowlad Gob oleedyada waa inay sidoo kale joogteeyaan xiriir furan oo ay la yeeshaan madaxda kale ee siyaasadeed ee Soomaaliya iyo bulshada rayid ka ah si loo xaqiijiyo in doorashadu ay hesho ta ageerada ugu ballaaran ee suurtagalka ah, isla markaana guddiyada doorashooyinku ay u hawlgalaan si ka madaxbanaan dano siyaasa deed.

Saaxiibada caalamku waxay ka walaacsan yihiin dhacdooyinkii rabshadaha watay ee ka dhacay Muqdisho 19kii Febraayo. Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan dhinacyada inay is-dejiyaan oo ay is xakameeyaan si loogu oggolaado wadahadalka siyaasadeed inuu horay usii socdo.

Hadda waxaa si kasii dhakhso badan sidii hore loogu baahanyahay in madaxda siyaasadeed ee Soomaaliya ay danta qaranka ka dhigaan tan koowaad, ayna ka wada shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorashooyin leh taageero ballaaran oo ku qabsooma sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtagalka ah, si dalka horay loogusii dhaqaajiyo. Saaxiibada caalamku waxay si firfircoon uga taageerayaan dadka Soomaaliyeed sidii ay ku gaari lahaayeen natiijadaas

Puntland oo dalbatay in xilalka laga qaado Taliye-yaasha Ciidamada Dowladda

Puntland ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in door mug leh ka qaadato xal u helidda xa aladda cakiran ee ka taagan doo rashooyinka dalka, iyadoo laga duulayo heshiiskii 17-kii Sep te mber ay dhinacyadu ku gaareen Magaalada Muqdisho.

Puntland ayaa war ay soo saar tay waxay ku sheegtay in ay jir aan caqabado soo baxay, kuwaa oo horgudban hirgelinta heshiiskii doorashooyinka.

Puntland ayaa sheegtay in isku dhacyadii 19-kii bishan ka dhacay Magaalada Muqdisho, ay abuureen kalsooni-darro siyaasadeed, mid amni iyo weliba mid bulsho, kuwaa oo sida ay sheegtay wiiqay guulihii laga gaaray wada-ta shiyadii socday.

Puntland ayaa soo saartay 3 qodob oo ay sheegeyso inay tahay in la raaco, si dib loogu abuuro kalsoonidii luntay, lagana gungaaro ism ari-waaga wiiqay hannaanka geedi-socodka ee doorashooyinka




Midowga Musharaxiinta oo ku gacan seyrey go’aanka dowlada ee dibadbaxyada

Midowga musharixiinta ayaa ku gacanseyray go’aankii dowladda ee ahaa in la joojiyay ama la mamnuucay gabi ahaanba isku soo baxyada si loo xakameeyo cudurka Covid 19.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah ka mid ah midowga musharixiinta ayaa shee gay in aysan dhag jalaq u siin doonin go’aanka dowladda ay isku hortaagtay dibadbaxa, isagoo sheegay inuu yahay xaq dastuur ah in dadku aragtidooda cabiraan.

"Markii ay dowladdu go’a ankan ku dhawaaq eysay ma alintii shalay magaalada Bele dweyne waxaa ka dhacayay dibadbax lagu taageerayay madaxweynaha xilhayntiisu dhamaatay Maxam ed Cabdullaahi Farmaajo, Muxuu yahay shar ci ga fasaxaya dibadbaxa madaxweynaha lagu tag eerayo ee diidaya kan looga soo horje edo. ”ay uu yiri Musharax Cabdiraxmaan Cabdish akuur.

Hase yeeshee Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa shirka jaraa’id ee uu qabtay shalay ka she egay inaan la mamnuucay nooc kasta oo dib adbax mid dowladda lagu taageersan yahay in mid kale oo looga soo horjeedo, iyada oo taa loo yeelayo sababo caafimaad iyo mid amni in taba.

Midowga Musharaxiinta ayaa dhowaan mar kale ku baaqay isu soo bax ballaaran oo looga ga soo horjeedo dowlada federalka iyadoo ku baaqday in dadku ay isugu yimaadaan fagaara ha Daljirka Dahsoon.

Koongo oo Koox Huutuu ah Ku Eede ysay Dilkii Danjire Attanasio

Jamhurriyadda Dimoqraadiga Kongo ayaa dilkii danjiraha Talyaaniga u fadhiyay dalkaas Luca Attanasio ku eedeysay koox fallaago ah oo ka soo jeedda Huutuuga Ruwanda.

Koongo aya asheegtay in kooxdaas ay ka dambeeye en qarax miino dhulka lagu aasay oo Isniintii Dorraad lala beegsaday kolonyo ka tirs an Qaramada Midoobay halkaasina ay ku geer iyoodeen danjir aha iyo laba ruux oo kale oo midi yahay darawal halka midka kalena lagu shee gay in uu ahaa sarkaal boolis ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda Koongo ayaa sheegtay in kooxda Huutuuga ahi ay sidoo kale rasaas huwiyeen kolonyada iyaga oo afduubtay afar qof oo kolonyada Qaramada Midoobay la socotay.

Danjire Anttanasio oo 43 jir ahaa ayaa ku ge eriyooday cusbitaalka kaddib dhaawac halis ah oo ka soo gaaray weerarka ay kooxdani ku qaa deen kolonyada uu la socday.

Danjirahaa ayaa la kulmay weerarka aroon imadii Dorraad xilli uu la socday mid ka mid laba baabuur oo ku safreysay mee loo 15 km dhanka waqooyi kaga beegan Goma. Kolonyada uu danjiraha la socday ayaa la sheegay in ay ahayd kolonyo ay hoggaaminaya say Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP.

Dowlad Carbeed Oo Xayirtay Duullimaad yada Ka Yimaada 10 Dal

Sida aynu ka soo xiganay Wakaalladda War arka Oman ee ONA waxay Guddiga Sare ee Ka-hortaga COVID 19 mamnuuceen dadka ka imaanaya 10 dal, cabsi dhanka Faafista COVID 19. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Cum an, ahna Madaxa Guddigaasi, Sayid Xamuud Bin Farysal Al-busaydi ayaa shir-guddoomiyey Kul ankaasi, waxaana la go’aamiyey in la mam nuucay dadka ka imaanayo 10-dal muddo 15 maalmood, oo ka bilaaban doonta Saqda Dhexe ee Habeenka Jimc aha ee soo socota.

Duulimaadyada dalalka laga mamn uucay dalka Cuma an ayaa kala ah: Et hiopia, Sudan, Leba non, South Africa, Brazil, Ni geria, Guinea, Gh ana, Sierra leon iyo tans ania

Ciidamo La Kulmay Dhibaatooyin Badan Oo Magan Galay Hay’ad Caalami Ah

15 Askari oo ka mid ah Ciidanka Ethiopia ee qeybta ka ah Hawlgalka QM ee dalka Koonfurta Sudan (UNMISS) ayaa la sheegay inay la kulm een dhibaatayn aan kala sooc lahayn, sababo la xiriirta iyagoo ka soo jeeday Qowmiyadda Tig rayga.

Wargeyska Sudan Tribune waxa uu Shalay qoray in 15-ka Askari ee asal ahaan ka soo je eda Qowmiyadda Tigrayga in lagu xiray, laguna jir-dilay Garoonka Diyaaradaha ee Jubba Airport oo ku yaala caasimadda dalka Koonfurta Sud an ee Jubba.

Wargeyska waxa uu bidhaamiyey in la rume ysan yahay in Askar aan Tigray ahayn ay si aan kala sooc lahayn ugu tacadiyeen 15-Askari ee ka soo jeeda Qowmiyadda Tigrayga.

Afhayeen u hadlay QM waxa uu sheegay in 15-ka Askari ee la jir-dilay ay haatan magan-gelyo ka heleen Xafiiska Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ku leedahay caasimadda dalka Koonfurta Sudan ee Jubba.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM, Step hane Dujarric waxa uu sheegay in 169 ka mid ah Ciiddanka Nabad-ilaalinta Ethiopia la filayey inay ka dhoofaan dalkaasi, si loogu soo bedelo Ciiddamo kale oo cusub. Waxa uu intaasi sii raaciyey inay Hay’adda UNHCR ku baraarug san tahay arrintaasi, oo ay Dowladda Koonfurta Sudan wada-xaajodo kala leeyihiin. Ciiddanka Nabad-ilaalinta Ethiopia ee ku sugan dalkaasi waxaa la sheegay inay Dowladda Sudan tag eeri jireen.

Baarlamaanka Canada oo shaaciyay sida Shiinaha uu ula dhaqmo muslimiin ta Uighur uu yahay 'xasuuq'

Baarlamaanka Canada ayaa u codeeyay in sida uu ula dhaqmo Shiinaha qowmiyadda Muslim iinta u badan ee Uighurs uu yahay "xasuuq" ka dhan ah bulshadaas. Moshiinka ku saabsan tac addiyada Shiinaha uu kula kaco Uighurs ayaa waxaa tageeray dhammaan xisbiyada mucaar adka iyo xildhibaanno ka tirsan xisbiga haya talada dalkaas.

Ra'iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau iyo qaar badan oo kamid ah golahiisa wasiirada ayaa ka aamusay arrintani.

Canada ayaa noqonayaa dalkii labaad ee aqoo nsado in xasuuq uu Shiinaha ku hayo dadka laga tiro badan yahay ee ka tirsan qowmiyadda Uighurs, Mareykanka ayaa horraan aqoonsaday dhibaatada lagu hayo dadkaas.Xildhibaanada Canada ayaa sidoo kale ansixiyay qaraar dow ladda looga codsanayo inay jeediso baaq ca alami ah oo lagu dalbanayo in Shiinaha aanan lagu qaban ciyaaraha Olimbikada ee la qabto xilliyada qaboobaha sanadka 2022 waa haddii Shiinaha uu si wado xasuuqa.

Shiinaha ayaa ka jawaabaya tallaabadan, wuxuu cambaareeyay isla markaana ka hor yi mid go'aanka kasoo baxay baarlamaanka Can ada, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ra'iisul Wasaare Trudeau ayaa ka fiirsan ayaa in uu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan talla abooyinka Shiinaha ee ka dhanka ah ah qow miyadda laga tiro badan yahay ee ku nool gob olka Xinjiang gaar ahaan in lagu tilmaamo 'Xas uuq'.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay baarit aano qoto dheer ka hor inta aanan la gaarin go' aan ka dhan ah Shiinaha.

Ka hor inta aysan codeynta dhicin, Erin O'Toole oo ah hoggaamiyaha mucaaradka ayaa shee gay in tallaabada looga golleeyahay in la diro farriin cad oo ku aadan in la xoojiyo xuquuqda aadanaha.

Mr O'Toole wuxuu sheegay in xayiraaddii dhawaan Shiinaha uu kusoo rogay BBC ay ka dambeysay warbixintii ay ka diyaarisay taca ddiyada iyo kufsiga laga geysto 'xeryaha dha qan celinta' ee ku yaalla gobolka Xinjiang. Xiriir ka Canada iyo Shiinaha ayaa sii xumaanayay sanadihii lasoo dhaafay iyadoo go'aankan ugu dambeeyay uu xaaladda uga sii dari karo.

Macluumaad sir ah oo laga helay xaaladda Mus limiinta Uighur ee u xiran dowladda Shiinaha

Turkiga : Shiinahu waa in uu wax ka baddelaa qaabka uu ula dhaqmo Muslimiinta dalkiisa

Shiinaha oo Muslimiinta dalkaasi ciqaab adag ku hayo Safiirka Shiinaha u fadhiyo Cana da Cong Peiwu ayaa warbaahinta Canada u sheegay in go'aanka kasoo baxay baarlamaan ka uu yahay 'mid faragelinayo arrimaha gudaha ee Shiinaha'

Wuxuu intaas ku daray in gebi ahaanba ay ka soo horjeedaan go'aankaas isla markaana wax xasuuq ah uusan ka dhicin gobolka Xinj iang.

Kooxaha u doodo xuquuqul insaanka ayaa sheegay in Shiinaha uu milyan qof oo ka tirsan qowmiyadda Uighurs uu ku hayo xeryo uu ku sheegay 'kuwa dhaqan celinta' oo ku yaalla gobolka Xinjiang.

Dukumeentiyo sir ah oo warbaahinta loo dus iyay sanadkii 2019 ayaa shaaca ka qaaday qa abka ay dowladda shiinaha u mareyso ta shkiilinta boqolaal kun oo qof oo ah muslimiin ku xiran xeryo aad loo ilaaliyo, kuwaaso oo ay doo neyso in maskaxiyan ay afkaartooda badasho. Dukumeentiyo rasmi ah oo ay nuqullo ka mid ah heshay BBC-da xilliggaas, gaar ahaanna barnaamijka baaritaannada Panora ma, ayaa muujinayay in dadka xeryahaasi lagu hayo ee maxaabiista ahi si khasab ah looga dhaadhi cinayo afkaar aysan raalli ka ahayn, ciqaabna ay halkaasi kula kulmaan.


Donald Trump oo la dul dhigay amar ku saabsan canshuur celinta

Maxkamadda ugu sarraysa Mareykanka ayaa madaxweynihii hore ee dalkaas, Donald Tru mp ku amartay in uu xafiiska dacwad oogis ta ee New York ku wareejiyo dhammaan duk umentiyada la xiriira canshuur celinta iyo xisaabihiisa kale.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa horay u diiday in uu soo bandhigo waraaqaha la xiriira canshuur celintiisa muddo sannada ah, maadaama sharciga uu dhigayo sidaas. Maxkamad hoose ayaa amartay in dukum ent igaas uu yahay mid khuseeya baaritaan dembi.

Go'aanka maxakamadda kama dhigna in duku mentigaas xilligan loo soo bandhigayo dadwey naha balse khubarada sharciga waxay sheeg een inay tahay mid lagu ogaanayo, laguna baa rayo sax ahaanshaha canshuur celinta qofka, la gana yaabo in dib dadweynaha looga soo ban dhigo haddii ay noqoto in wax dembi ah lagu helo.

Go'aanka maxakamadda sare ee Mareykan ka ayaa la aaminsan yahay in uu culeys ku yah aya Donald Trump oo in muddo ah ku jiray dag aal ah sidii uu u difaaci lahaa diiwaanka xisa abaadkiisa.

Bartamaha sanadkii hore, maxkamadda sare ee Mareykanka ayaa xukuntay in dukumentiga canshuur celintia Trump ay qiimeeyaan xafiiska dacwad oogista ee New York.

Haseyeeshee qareenadii matelayay Mr Tr ump ayaa go'aankaas kasoo horjeestay, iyagoo na ku dooday mid aan wanaagsaneyn balse maalin kahor, maxkamaddu waxay ku gacan se yrtay doodad qareenada madaxweyne Trump.

Sida ay kusoo warrameen qaar kamid ah warba ahinta Mareykanka, tani waxay ahayd fursaddii ugu dambeysay ee u furneyd madaxweyne Tru mp oo aqalka cad ka tegay bishii hore.

War qoraal ah oo uu soo saaray ayaa Mr Trump waxaa uu xafiiska dacwad oogaha ee New York ku eedeeyay kuwa isaga bartimaa meedsanaya, wuxuuna maxkamadda sare ku dhaliilay go'aanka ay gaartay.

Arrintan maxay salka ku heysaa?

Xafiiska xeer ilaalinta ee Manhattan ee dal ka Mareykanka Cyrus Vance, oo katirsan xisb iga dimuqradiga ayaa in muddo ah ku raad jog ay sidii uu gacanta ugu soo dhigi lahaa xogta la xiriirta canshuurta uu bixiyo madaxweyne Trump.

Mr Vance ayaa in muddo ah baaritaan ku ha yay eedeymo ah in madaxweyne Trump uu door ashadii 2016-ka bixiyay lacag aad u badan, lac agtaas oo la sheegay in uu siiyay laba haween ah oo uu xiriir kala dhaxeeyay.

Xeer ilaalinta waxay ku andacoodeen in helita anka dukumentigaas uu muhiim u yahay eedey maha loo heysto. Lacagahan ayaa la sheegay in uu bixiyay qareenkii hore ee madaxweyne Trump, Michael Cohen, lacagahaas oo la kala siiyay iyo Karen McDougal.

Mr Trump ayaa beeniyay in wax xiriir ah uu kala dhaxeeyay haweenkaas, wuxuuna go'aan ka maxkamadda ku tilmaamay "mid siyaasad eysan".

Madaxaweynihii hore ee Mareykanka ayaa lacago badan ka dhaxlay aabihii, wuxuuna sid oo kale lacago badan ka macaashay dhismaha guryaha, waxaase uu noqonayaa madaxweyni hii ugu horreeyay tan iyo 1970 ee aan dad weynaha usoo bandhigin canshuur celintiisa.

Kuuriyada Koonfureed: Ciidamo loo haysto inay il-duufeen arrin xasaasi ah

Saraakiisha Kuuriyada Koonfureed ayaa ku guuldareystay inay arkaan nin u dhashay Kuur iyada Waqooyi oo bishan kasoo gudbay xudd uudda sida weyn loo ilaaliyo inkasta oo ay qab teen kameerooyinka ammaanka isla markaana uu kasoo muuqday siddeed jeer.

Ciidamada Kuuriya da Koonfur eed ay aa sheegay inay qa adayaan tallaabooyin wax loo ga baddalayo howlgalka ciidamada ee aaggaas.

Ninka ayaa la sheegay in uu dabaal kaga soo gudbay badda, dharkii uu xirnaa ayaa qoyanaa, wuxuu soo lugeeyay ilaa 5 kiiloomiitar, muddo saddex saacadood ah ayay ku qaadatay in uu soo gaaro xadka sida weyn loo ilaaliyo ka hor inta aysan arkin ciidamada kadib markii saga laad uu kasoo muuqday kameerooyinka qarsoon ee ku rakiban xudduudda Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed.

Ma kala cadda sababta ninkaas ku kha sabtay in uu gaaro go'aan ah in uu kasoo tal laabo xudduudda halista ah.

Ninka wuxuu soo maray god ku yaalla dee gaanka ka caagan militeriga, militeriga Kuur iyada Koonfureed ma aysan arkin ninka, waxaa sidaas ku warrantay wakalaadda wararka ee Yonhap.

Maxaa dhacay intii uu lugeynayay ninka?

Wararka ka imaanaya Kuuriyada Koonfureed waxay sheegayaan in madaxda ciidamada ay qirteen in khalaadaad ay dhaceen 16-kii bishan Febraayo balse wax faahfaahin kama aysan bix in waxa uu ahaa ninkaas.

Lama ogo halka uu kasoo dhaqaaqay balse isaga oo qabo dharka dabbaasha ayuu yimid xudduudda dhinaca Kuuriyada Koonfureed gaar ahaan meel magaalada Goseong.

Wuxuu dharkii dabbaasha uu qabay ku qari yay dhagax, wuxuuna markii dambe garab raa cay deyrta xudduudda labada dal ee ammaan keeda sida weyn loo ilaaliyo.

Militariga ayaa qabtay abbaare 7:27 wakht iga dalkaas, wuxuu u sheegay in uu ka cabsanayo in militeriga ay dib ugu celiyaan Kuuriyada Waqooyi.

Mareykanka iyo K/Koonfureed oo dhoolatus wadajir ah samaynaya

Kuuriyada Woqooyi oo tijaabisay hub cusub oo "aan la aqoon"

Kuuriyada Koonfureed oo aqbashay wadahad allada Olambigga

Muxuu ahaa khaladaadka amniga ah ee dhacay?

Kameerooyinka qarsoon ee ammaanka ayaa dhowr jeer qabtay ninka, waxaana soo baxay digniinta ah in qof uu kasoo tallaabay xadka, markaas wax tallaabo ah ma aysan qaa din ciidamada.

Sarkaali ka tirsan ciidamada Kuuriyada Koon fureed ayaa sheegay in sarkaalkii u qaabilsanaa qalabka dusha kala socda amniga uu ku howl anaa hagaajintiisa maadama loo maleynayay in uu ciladeysnaa.

Halka sarkaal kale oo ka tirsan ciidammada uu xilliggaas isaga hadlayay teleefoon.

Ciidamada waxay sidoo kale sheegeen in ninka uu dabbaal kaga soo gudbay xeebaha ayna caawiyeen mowjadaha badda.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay wakaaladda warar ka ee Yonhap in ninka uu isagu go'aansaday in uu soo baxsado isla markaana aysan jirin wax caddeyn ah oo ku aadan in uu basaas ahaa.

Waa markii labaad muddo labo bilood gudahoo d ah oo walaac laga muujiyo amniga xudduudda sida weyn loo ilaaliyo ee Koonfurta iyo Waqo oyiga.

BOGGA CAYAAARAHA

Daadir Amiin Oo Ka Tagay Kooxda Geeska Afrika

Qoraal Ka Soo Baxay Daadir Amiin Cali oo ahaa tababarihii kooxda kubbadda cagta Geeska Afrika ayuu ku shaaciyay in gabi ahaan uu ka tagay kooxdii uu maamulayay,isagoo u suuri geliyay in aan keeno horyaalka Somalia Premier League, sidoo kalane mudo ka dib u qaaday horyaalka heerka labaad ee Soomaaliya.

"Shalay Oo Ay Taariikhdu Tahay 23-02-2021 Waxaan Joojiyay Xilkii Maclinimo Ee Aan Uhaayay Kooxda Geeska Afrika, Oo Aan Runti Waqti Quruxbadan Lasoo Qaatay, Sababo Aniga Ii Gaar Ah , Waxaan U rajaynayaa Guulal Fara Badan Iyo Xiliyo Fiican Insha allaah, Waxaan Aad Ugu Mahad celinyaa Dhamaan Maamulka Ciyaartoyda Iyo Taagerayasha Sida Quruxda Badan Aan U wada Shaqeenay Intii Aan Isla Joognay Mahadsanidiin” ayuu bartiisa bulshada ku soo daabacay Macallin Daadir Amiin.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip