Cumar Filish oo oo lagu soo wareejinayo shaqo ay horey u haysay wasiir Fowsiya

0
Wednesday January 13, 2021 - 22:35:54 in Wararka by
  • Visits: 313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cumar Filish oo oo lagu soo wareejinayo shaqo ay horey u haysay wasiir Fowsiya

    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka caafimaadka, Fowsiya Abuubakar Nuur iyo xubno ka tirsan waasaradda caafimaadka Soomaaliya. Kulankan ayaa waxa diirada lagu saaray sidii gobolka Banaadi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka caafimaadka, Fowsiya Abuubakar Nuur iyo xubno ka tirsan waasaradda caafimaadka Soomaaliya. Kulankan ayaa waxa diirada lagu saaray sidii gobolka Banaadir loogu soo wareejin lahaa gacan ku haynta maamulka caafimaadka, kaasi oo ay hadda gacanta ku hayso Wasiir Fowsiya. Ujeedka kulankan oo ahaa sidii loo daadejin lahaa adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada oo ay bixiso Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya, ayaa waxay dhiseen guddi labo geesood ah. Guddiga cusub ee Wasaaradda caafimaadka iyo gobolka Banaadir ay dhiseen ayaa waxay ka wada shaqeyn doona sidii gobolka Banaadir loogu soo wareejin lahaa Maamulida Xarumaha Caafimaadka ee ku yaala gobolka Banaadir. Wasiir Fowsiya oo kulankaas ka hadashay ayaa sheegtay in guddiyada labada dhinac ay xooga saari doonaan sidii bishan gudaheeda xarumaha caafimaad ugu wareejin lahaayeen maamulka gobolka Banaadir, oo uu horkacayo Cumar Filish. Sidoo kale guddoomiye Filish oo ka hadlay kulankaas ayaa isaguna sheegay in qorshahan ay kula wareegayaan caafimaadka uu wax badan ka bedeli doono tayada caafimaadka ee gobolka. Waxa uu carabka ku adkeeyay in maamulka gobolka Banaadir uu isbedel wax ku ool ah ay ka sameyn doonaan caafimaadka dalka oo wajahaya xaalado kala duwan. Maamulka gobolka Banaadir iyo Wasaarada caafimaadka Soomaaliya ayaa dhamaadka bishan wada saxiixan doona heshiiskan loogu wareejinayo gobolka maamulka xarumaha caafimaad.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip