Dardaaran Waalid iyo Damac Shaqo!!!.

0
Monday January 04, 2021 - 21:57:53 in Wararka by
  • Visits: 2826
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dardaaran Waalid iyo Damac Shaqo!!!.

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,

Nin Oday ah ayaa Subaxaan noogu yimid Makhaayadda Mogadishu Mall, waxa uu nagu yiri: Wiilkeeyga ayaa Subaxaan galayo imtixaan Shaqo ee iigu duceeya.

 
Aniga iyo Hooyadiisba aad ayaan ugu soo dadaalay in uu Jaamacad dhameeysto.
 
Aqoontiisa waan ku kalsoonahay, Subaxaan waxa uu diyaarsaday Shahaadooyinkiisii iyo CV Run ah, Anna waan la dardaarmay oo dhagtaan wax ugu sheegay.
 
Waxaan ku iri: Aqoon, Shahaado iyo CV ha isku haleeyn ee marka aad Guddiga hor tagato Saddax arrimood midkood sheego sidaa oo kaliya ayaa Shaqo lagu helaa.
 
1. Al-Shabaab ayaan ka soo goostay, haddana waan ka soo hor jeedaa.
 
2. Qurbaha ayaan ka imid oo aan muddo ku maqnaa weliba Wadamada Reer Galbeedka.
 
3. Waxaan ka imid Somali Land, Midnimada ayaan kala shaqeeynaa Adeerkeey.
 
Saddaxdaa oo kaliya ayaa Shaqo lagu helaa ayaa dhagta ugu sheegay , Saddaxdaa midkoodna ma ahan Wiilkeeygu ee iigu duceeya in aan la fahmin sirta Wiilkeyga, isaguna uuna hilmaamin Dardaarankeyga.
 
Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip