Ar Gaalaa!!! Yaa Maqaarka meel daloosha ka fiiriyay.

0
Saturday January 02, 2021 - 20:30:40 in Wararka by
  • Visits: 2895
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ar Gaalaa!!! Yaa Maqaarka meel daloosha ka fiiriyay.

    Culumada Seyniska Reer Galbeedku waxa ey heleen Xayawaan aan Biya cabin. Haddii uu Biyo Cabana hore ka dhimanayo. Waxa laga helay Lamadegaanka Nevada ee Dalka Mareykanka. waxa uu cunaa nuuc Miro ah oo aan qoyaneeyn aad iyo aadna u qalalan. Dooligaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Culumada Seyniska Reer Galbeedku waxa ey heleen Xayawaan aan Biya cabin. Haddii uu Biyo Cabana hore ka dhimanayo. Waxa laga helay Lamadegaanka Nevada ee Dalka Mareykanka. waxa uu cunaa nuuc Miro ah oo aan qoyaneeyn aad iyo aadna u qalalan. Dooligaan oo ka kooban 20 Nuuc oo kala duwan hal Nuuc oo ka mid ah Biyo ma cabo. waxa la geeyay Sheybaar, waxaa la siiyay Biyo yar, hore ayuu ka dhintay, Afka iyo Maqaarka meeshii Biyo laga siiyo ama looga mudu Hore ayuu ka dhimanayaa. Xaywaankaa waa Nuuc ka mid ah Dooliga, ey u bixiyeen Dooligii Kangaroo,( F.S: 1aad) bacdamaa uu Muuqaal ahaan Dooligu u eg yahay Xayawaanka Kangaroo ee Laga helo Dalka Australia. ( F.S:2aad)

Waxay yiraahdeen waxaan helnay Daliil cad oo aan ku beenino, waxa Qur’aanku uu sheegayo ee ah : ( ﻭﺟﻌﻠﻨﺎ ﻣﻦ ﺍﻟﻤﺎﺀ ﻛﻞ ﺷﺊ ﺣﻲ ) ﺍﻷﻧﺒﻴﺎﺀ 30. Suuradda Ambiyaa’ Aaydda 30aad, oo leh: Noolaha oo dhan si uu u jiro waxa uu u baahan yahay Biyo.

kadib Maxaa dhacay ?

Mid khubaradii ka mid ah ayaa yiri: Anigu Muslim ma ihi, Laakin Kitaabkaan Qur’aanka la leeyahay waan Aqriyay, wax been ahna kuma arag.

Sheeybaar ayuu geeyay Dooligii, waxa uu sameeyay baaritaan dheer, waxa uu baaray Xubnahiisa dheef shiidka iyo Xubnaha Neefsiga. waxa uu arkay in ey u shaqeeyaan sidii warshad yar oo kale. Fiiri Aaydda 88 daad ee Suuradda Namli:

﴿ﺻُﻨْﻊَ ﺍﻟﻠﻪِ ﺍﻟَّﺬِﻱ ﺃَﺗْﻘَﻦَ ﻛُﻞَّ ﺷَﻲْﺀٍ}

oo cadeeynee sida Sancada uunka Alle ey u tahay mid sugan.

Caalimkii Seynisku waxa uu yiri: Dooligani waxa uu Cunaa Miro aad u qalalan, Dheef shiidkiisu marka uu shiido waxa uu ka soo saaraa Gaaska Hydrogen – H. Hawada uu ku neefsanayana waxa uu ka helayaa Oxygen sida noolaha kale oo dhan oo Dadkuna ku jiro ey uga helaan Oxygenka hawada.

waxaan Ognahay in Biyuhu ka sameysan yihiin, Laba Gaas, Oxygen iyo Hydrogen. H2O waxa ey la mid tahay Biyo.waxa uu ogaaday Cilmi baaruhu in Dheefshiika Dooligu uu Gaaska ama Hawada ka helo, Laba Heydrogyn iyo Hal oxygen kadibna Biyaha uu ku noolaanayo uu dhaxdiisa ku sameeysto Dooligu.

Runtii, Dooligaannu Biyo la’aan ma noolaan karo, laakin biyaha gudahiisa ayuu ku sameeystaa, Aayadda Qur’aanku ma dhihin in uu Biyo cabo, ee waxa ey tiri: Biya la’aan ma noolaa karyo.

Saaxiibaddii ayuu Gaalkii ku yiri: Tani ma ahan Daliil aan ku beeni karno Aayadda Qur’aanka, ileeyn Dooligani Biya la’aan ma noolaa karo, Laakin, Gudahiisa in uu ku sameeysto ayaa Alla qadaray, waana Mucjiso.

Faahfaahin.

Nuucan Dooligaa, Abtirsigiisa xayaawaan ee uu ka soo jeedo waa: Animal> Chordata> Mamal> Rodenta> Heteromyidne> Dipodonys. Dooligaan waxa uu noolaa karaa 2-5 Sanno. godad ayuu ku noolyahay. Sida Kangaroo ayuu Qandi leeyahay laakin ilmaha kuma qaato ee waxa uu ku qaataa Raashinka. ( F.S: 3 &4aad)

Ar Gaalaa, muxuu isku dayay in uu Diinta beeniyo, Laakin Mucjisada Qu’aanka ayaa ka hor timid.

FG: Iga Raalli ahaaw haddan markaan kula aaday Abtirsiimo Dooli, ama fahamku kugu adkaado, waxaan rabay oo kaliya in aad ogaato Mucjisooyinka Qur’aanka.

Qore: Yahya Amir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip