Al-Shabaab Oo War Kasoo Saartay Qaraxii Uu Ka Badbaaday Axmed Washitoon

0
Saturday November 28, 2020 - 16:48:08 in Wararka by
  • Visits: 316
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab Oo War Kasoo Saartay Qaraxii Uu Ka Badbaaday Axmed Washitoon

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

 
     Maareeyaha Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho Axmed Maxamed Maxamuud Waashitoon ayaa ka badbaaday Qarax saaka lala eegtay gaari Qooqoan oo uu watay, xili uu mararay Isbitaalka Laansaleyti ee Cabdicaiis ee Gobolka Banaadir.

            Axmed Waashitoo oo wareysi siiyay Telefashinka Dalsan ayaa waxaa uu sheegay inuu Caafimaad qabo, isla markaana uu ka badbaaday qaraxii lala eegtay, xili uu kusii jeeday goobtiisa shaqo ee Dekadda Muqdisho, uuna haatan ku sugan halkaas.

           Waxaa uu sheegay Maareeye Axmed in laba kamid ah Askartiisa Ilaalada uu dhaawac soo gaaray, maadaama ay saarnaayeen qeybta dambe ee gaarigiisa oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano Qooqoanta, waxaana mid kamid Askarta qeyb uu ka jabay jirkiisa.

      Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda dhinaca Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii uu ka badbaaday Axmed Waashitoon, iyagoona tilmaamay inuu si dirqi uga badbaaday qaraxa oo ay doonayeen inay ku khaarijiyaan.

           Sidoo kale Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa ay ku dileen laba Askari oo kamid ah Ilaalada Maareeyaha Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho Axmed Waashitoon, waa sida ay hadalka u dhigeen Shabaabka.

             Si kastaba Qaraxaas uu ka badbaaday Maareeyaha Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho Axmed Waashitoon ayaa kusoo aadayaa, iyadoo xalay Qarax lagu le’day uu ka dhacay maqaayad ku taalla wadada aada dhinaca Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip