Mahad Salaad "Farmaajo damqasho in uusan laheyn waxaa daliil u ah, uma tacsiyadeyn…"

0
Saturday November 28, 2020 - 14:37:24 in Wararka by
  • Visits: 259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mahad Salaad "Farmaajo damqasho in uusan laheyn waxaa daliil u ah, uma tacsiyadeyn…"

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

        Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uusan laheyn damqasho iyo damiir naxa, isagoo caddeeyay in illaa iyo hadda Madaxweynuhu aanu soo hadal qaadin dhalinyaradii xalay lagu xasuuqay qaraxii ka dhacay maqaayadda Gelato Divino.

            Mahad salaad ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo marka adduunka cirifkeeda kale marka qof shisheeye ka dhinto uu durba tacsiyadeyn la soo boodo.

           "Madaxweyne Farmaajo damqasho iyo damiir naxa in uusan lahayn waxa daliil cad u ah, dunida cirifka ugu dambeeya hadii qof shisheeye ah ku dhinto tacsi ayuu iska soo jarayaa, dadka Xamar lagu xasuuqayo maalin walbana Allaha u naxariisto xitaa uma quuro”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

           Mahad Salaad oo sii hadlayay ayaa yiri "Da’yartaas cadowgu xalay Xamar ku xasuuqay illaa hadda Farmaajo tacsi uma dirin, masiibada dhacdayna sooma hadal qaadin, Sida muuqata dadka Xamar ku nool waxa isku bahaystay cadow farabbadan oo hal ujeedo leh lkn wadada loo marayo iyo magaca la adeegsanayo ay kala duwan yihiin”

        Ugu dambeyn Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ku baaqay in hurdada laga kaco, loona istaago si hambada hartay loo badbaadiyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip