Laacib hore, Diego Armando Maradona oo geeriyooday

0
Wednesday November 25, 2020 - 23:24:02 in Wararka by
  • Visits: 1523
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laacib hore, Diego Armando Maradona oo geeriyooday

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,

Laacib hore, Diego Armando Maradona oo geeriyooday

 Xiddigii hore ee xulka kubada cagta Argentina Diego Armando Maradona ayaa goordhow geeriyooday kadib markii uu wadnaha uu wadnaha istaagay, isaga oo ku sugan gurigiisa oo ku yaalla deegaanka Tigre ee magaalada Buenos Aires ee dalka Argentina.

Maradona ayaa waxa uu kasoo kabanayey qalliin dhowaan looga sameeyey maskaxda, ayada oo isbitaalka laga soo saaray 11-kii November, sida ay werisay warbaahinta dalka Argentina. Waxa uu ahaa 60 jir.

Waxyar ka hor inta aan lagu dhowaaqin dhimashiisa, ayaa warbaahinta Argentina waxay saaka werisay in Maradona ay asiibtay xaalad halis ah, ayada oo dhaqaatiirta loogu yeeray gurigiisa oo ku yaalla waqooyiga magaalada Buenos Aires.

Madaxweynaha Argentina Alberto Fernandez ayaa durba ku dhowaaqay saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah, oo loo sameynayo Maradona.

 

Maradona oo ahaa mid ka mid ah xidighii ugu wanaagsanaa ee soo mara kubadda cagta caalamka, ayaa dalkiisa kula guuleystay koobkii adduunka ee 1986-kii.

Maradona ayaa usoo cayaarayey kooxaha Napoli iyo Barcelona ee dalalka Italy iyo Spain, kuwaasi oo uu kula guuleystay koobab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip