HALKAANKA AKHRISO :-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO TALAADO 17-KA NOVEMBAR 2020-KA AH

0
Tuesday November 17, 2020 - 09:06:08 in Wararka by
  • Visits: 797
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAANKA AKHRISO :-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO TALAADO 17-KA NOVEMBAR 2020-KA AH

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

KA AKHRISO

RA’IISUL WASAARE ROOBLE OO SHALAY KORMEERAY XARUUMAHA CADDAALADDA IYO GARSOORKA DALKA.

R/Wasaaraha XFS Md. Maxamed Xuseen Rooble oo Shalay kormeer shaqo ku tagey xarumaha

Caddaaladda iyo Garsoorka dalka ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso taya ynta hay’adaha Garsoorka.

R/Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xu kuumaddiisu ay dadaal ku bixinayso sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu xaqiijin lahayd hannaan caddaaladeed oo hufan, isagoo warbixinno la xiriira howllaha adeeg ee ay u hayaan bulshada ka dhageystay masuuliyiinta Wasaaradda Caddaaladda, Maxkamadda Sare, Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida, Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadda Gobol ka Banaadir.

Eng.Rooble ayaa xusay in barnaamijka Xukuum addiisa uu aasaas u yahay hagaajinta hannaaanka caddaaladda, isagoo kula dardaarmay howlwadeen nada Wasaaradda iyo dhammaan xarumaha Garsoor ka in shacabka Soomaaliyeed loogu adeego si daa cadnimo ku jirto oo ka fog musuqmaasuq iyo eex.

"Xukuumaddayda waxaa saldhig u ah in bulshada Soomaaliyeed ay helaan hannaan caddaaladeed oo la isku halayn karo, anigoo fahmi kara duruufaha ad ag ee aad ku shaqaysaan, hadana waxaan la idinka rabaa inaad ka fogaataan wax walba oo keenaya mu suqmaasuq, bulshadana ugu shaqeysaan si cadda alad ah”.

R/W/re Rooble ayaa ka qaybgalay dhageysiga Garm aqal ka socday Maxkamadda Gobolka Banaadir, taasoo u dhaxeysay muwaadiniin Soomaaliyeed.

XEERILAALIYAHA GUUD EE QARANKA "WAXA AN SOODHAWEYNAYAA ANSIXINTA GOLAHA ADEEGGA GARSOORKA”

Xeerilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ka hadlaya ansixinta Golaha adeegga Garsoorka ayaa yiri "Wa xaan so dhaweynayaa ansixinta Shalay ee Golaha adeegga Garsoorka ee Xildhibaannada

Golaha Shacabka ee Baarlam aanka Federaalka Soomaaliya. Golahu wuxuu u xilsaaran yahay maamulidda howlaha garsoorka iyo damaanad qaadidda madaxba nnaa ida Garsoorka Dalka”.

Xeerilaaliyihu wuxuu intaas ku daray "Sidoo kale, Golaha Adeegga Garsoorka wuxuu u xilsaaranyahay soo jeedinta, magacaabidda, anshaxmarinta iyo be delaadda xubnaha garsoorka dalka si loo xaqiijiyo da lku in uu yeesho garsoor wax ku ool ah, daahfuran oo loo siman yahay”.

Ugu danbayntii xeerilaaliye sulaymaan ayaa she egay in loo baahanyahay in la dhameeyo howlaha u dhiman Golaha adeegga Garsoorka Dalka "Madaxda Garsoorka Dalka gaar ahaan xeer ilaaliyaha guud ee Qaranku waxaa uu ugu mahadcelinayaa Wasiirka wasaaraddaCaddaalada dadaalka dheeriga ah ee uu ku bixiyey horgaynta Golaha Adeegga Golaha shacabka si loo ansixiyo. Wasiirka iyo madaxda kale ee qaranka, waxaan ka rajaynayaa in ay dardargal iyaan hawlaha u dhiman golaha garsoorka”.

GOLAHA SHACABKA OO COD AQLABIYAD LEH KU ANSIXI YAY XUBNAHA GOLAHA ADEEGGA GARSOORKA & GUDDI GA LA DAGAALLANKA MUSUQ MAASUQA.

Mudanayaasha G/Sh/B/J/F/Soomaaliya oo Shalay yeeshay Kalfadhiga 8aad kulankiisa 6aad ayaa ugu horeyn Wasiirka W/Cadaaladda XFS Md. C/dir Maxa med Nuur (Jaamac) uu goluhu ka hor Akhriyay warbi xinta xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo mag acyadda xubnaha Golaha.Qaar ka mid ah Xildhibaa nnada Gola ha Shacabka ayaa ar agtiyadooda ka dhiibt ay warbixinta uu Wasiirka ka hor jeediyay Golaha iyo shaqada u taala. Xildhibaannada G/Sh/B/F/S. oo cod u qaaday xubnaha Golaha Adeegga Gorsoorka ayaa waxaa codka Haa ku ogolaatay 145Xildhibaan oo ahaa kooramka kulanka golaha ku furmay, mana jirin Xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay intuba.

Sidoo kale Wasiirka W/Cadaaladda ee XFS Md. C/dirayaa Golaha hor geeyay warbixinta xubnaha Guddiga madaxa banaan ee la dagaallanka Musuq maasuqa iyo sidoo kale muhiimadda ay dalka u leey ihiin.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa aragtiyadoo da ka dhiibtay xubnaha guddigan. Wasiirka Cadaalad da ayaa ka jawaabay su’aal ay Xildhibaannada qaar kood weydiiyeen oo aheyd xubin guddiga ka maqan iyo sidoo kale sababta Taariikh nololeedka xubnaha guddiga loogu qoray luuqadda Ingiriiska oo luuqada Hooyo ee Soomaaliga loogu qori waayay.

Intaasi ka dib Xildhibaannada G/Shacabka oo xub nahan cod u qaaday ayaa waxaa codka Haa ku ogola atay 145xildhibaan diidis iyo aamusid midna ma jirin sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir Guddoominayay.

W/Cadaaladda Soomaaliya ayaa Xildhibaanadda G/Sh. uga mahadceliyay Ansixinta xubnaha Golaha Adeega Garsoorka iyo xubnaha Guddiga madaxa banaan ee la dagaallanka Musuq maasuqa.

Maadaamaa dooda Xildhibaannada Golaha bada nkeed ay ku saleysaneyd Miisaaniyadda ay ku sha qeyn doonaan guddiyadan ayaa Md.Maxamed Mur sal Sh.Cabdiraxmaan GGSh ee Baarlamaanka JFS oo kulanka soo xiray waxa uu sheegay in W/Cada aladda looga baahanyahay in miisaaniyadda Guddi yadan ay kala hadasho Hay’adaha ay khuseyso ka hor inta aan miisaaniyadda Golaha la hor keenin dha maadka sanadkan.

AXMED MADOOBE IYO DENI OO QAADAY TALLAABO KA DHAN AH GUDDIYADA DOORASHADA

Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada Punt land iyo Jubaland ayaa wali soo magacaabin gudd iyada doorashada 8da xubnood ah ee heer D/G/le ed, kuwaas oo qeyb ka ah gu ddiyada doorashooyin ka qar anka iyo kuwa heer D/G/leed.

Md.Axmed Maxamed Isla am "Madoobe” iyo Saciid C/hi Deni, ayaa lagu wadaa in ay shir gaar ah ari ntaan ka yeeshaan isla markaana ay qaataan go’aan kii ugu dambeeyay ee guddiyada ku dhiman.

Xildhibaano ka tirsan B/Soomaaliya iyo masuuliyiin ku dhow dhow maamulada Puntland iyo Jubaland ay aa Caasimada Online u sheegay in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay diidan yihiin sida ay hadda u soco to diyaar garowga doorashada Soomaaliya, gaar ahaan qaab loo maray dhismaha guddiyada Farsama da iyo Xallinta Khilaafaadka ee doorashooyinka Soomaaliya.

Madasha Xisbiyada Qaran, Xisbiga Wadajir, siyaa siin iyo musharaxiin badan oo taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa hore u diiday guddiyada doorashooyinka Qaranka iyo kuwa heer dowlad goableed, waxeyna sheegeen in ay ku jiraan Shaqaale Dowladeed, Saraakiil ka tirsan NISA, xu bno ka tirsan xafiiysada Madaxweynaha iyo Ra’iisul iyo qaar kamid ah taageerayaashii Madaxweyne Far maajo ee baraha bulshada.

Machadka Cilmi baarista ee Heritage ayaa maalin ka hor warbixin uu saaray ku sheegay in guddigaan uusan aheyn mid dhex dhexaad ka noqon kara doo rashada Soomaaliya waxeyna ku taliyeen in la bad alo. Si kastaba, lama oga go’aanka ay Villa Somalia ka qaadan doonto cabashada ka dhanka guddiyada do orashooyinka Soomaaliya, inkasta oo ay u badan tahay inaysan marnaba dhageysan, maadaama taasi ay tahay wax aan looga baran.

Haddii ay ku adkeystaan Axmed Madoobe iyo Deni inaysan soo magacaabin guddiyada waxay halis gelineysaa in doorashada ay waqtigeeda ku dhacdo.

HAY’ADAHA DASTUURKA OO KULAN LA YEE SHAY GOLAHA SHARCI DAJINTA HIRSHABELLE

Hay’adaha u xilsaaran dibueegista Dastuurka ee kala ah W/Arrimaha Dastuurka XFS, Guddiga La socodka Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa Banna an ee Dibueegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa Shalay kulan miro dhal ah M/Jowhar kula yeeshay G/sharci dejinta Hirshabelle waxaana looga wada ha dlay dadaaalada lagu dhammaystirayo dibueegista dastuurka.

Kulanka oo ujeeddadiisu ahaa soo uruurinta aragti da baarlamaanka dowladd goboleedka Hirshabelle ay ka qabaan qodobada dastuurka ee dibueegista far samo lagu sameeyay, ayaa waxaa shir gudoominay ay gudoomiyaha golaha sharci dejinta Hirshabelle Md. Abdihamkiim Luqmaan.

Ugu horrayn, kulanka waxaa kalmad furitaan ah ka jeediyay madaxda hay’adaha Dastuurka oo uu u gu horreeyo agaasimaha Guud ee w/arrimaha Das tuurka Md.Maxamed Abuukar Zubayr isagoo sheegay in hay’adaha Dastuurku ay soo dhammaystireen dibueegisti farsamada islamarkaana loo baahanyahay in lagu daro aragtida ay hirshabelle ka qabaan qod obada dibueegista lagu sameeyay.

Agaasime Zubayr, ayaa xusay in la tashiyo badan lagala yeeshay hay’adaha kala duwan ee dowlad gob oleedka hirshabelle arrimaha dastuurka, Shalayna ay muhiimadda ugu wayn tahay in ay helaan aragitidii laga sugaayay dowladda hirshabeelle gaar ahaan golaha sharci dejinta.

"Hay’adaha Dastuurku waxay rajaynayaa in dibueegista Farsamo ay hor geeyaan baarlamaanka si uu dood uga yeesho ka dibna ansixiyo, sidaa darteed wa xaan uruurinaynaa aragtiyihii ugu dambeeyay ee nu qulkii labaad ee la idinla wadaagay bishii Maarso 2020, si loogu daro aragtiniina nuqulka saddexaad ee baarlamaanka la horgayn doono” ayuu yuri Agaasime Zubayr. Dhanka kale, Guddoonka Baarlamaanka Hir shabelle ayaa bogaadiyay howsha mugga leh ee ay hay’adaha dastuurka ka soo qabteen dibueegista Dastuurka, waxayna ballaqaadeen in ay aragtidooda u soo gudbin doonaan si dhaqsi ah.

Hay’adaha u xilsaaran dibueegista dastuurka ayaa dadaal ugu jira sidii loo ansixin lahaa qodoaba da farsamada ee dibueegista lagu sameeyay, si ho whsa laga soo qabtay dastuurka aysan u noqon mid ma dhalays ah oo sanad kasta dib loo soo bilaabo.

DUQA MUQDISHO OO DHAGAX DHIGAY WADDO MUHIIM AH OO ISKU XIRTA LABA DEGMO

Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa M/Muqd isho Md.Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa Shalay dhagax dhigay dhismaha wado xiriirisa Isg oysyo ku yaalla degaamoyin ka tirsan Gobolka.

Guddoomiye Cumar Finish ayaa dhigay dhagaxa dhism aha bilowga ah ee waddada Jaalle Siyaad oo xiriirisa Isgo ysyada Korontada iyo Xoosh ee degmooyinka deris ka ee Dharkeenley iyo Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa shacabka ku dhaqan Dhar keenley iyo Wadajir kula dardaarmay in ay ka qeyb qaataan dhismaha wadada oo aan helin dayactir 30kii sano ee la soo dhaafay, isla markaana muhiim u ah isku socodka gaadiidka. Munaasabada dhagax dhiga ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyeyaasha Dharkeenley iyo Wadajir, qeybaha kala duwan ee degmooyinkaas iyo Mas’ uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka.

GUDDOOMIYAHA CUSUB EE DEGMADA YAA QSHIID OO CODSI U DIRAY SHACABKA

Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Yaaqshiid ee G/Banaadir Axmed C/hi Cariif oo Shalay si rasmi ah xilka ugala wareegey Guddoomiyihii hore ee Deg mada Yaaqshiid Muuse Geeseey, kaasi oo uu xilka qaadis ku sameeyay Duqa Muqdisho

Munaasabadda oo ka dhacday Xarunta D/Yaa qshiid ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Gudoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wac yi galinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jak etti), Gudoomiyaha Hawenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab Agaasim aha xiriirka Degmooyinka Gobolka Shacabka Degmada iyo Marti sharaf kale.

Guddoomiye Axmed Cabdullaahi Cariif oo warb aahinta la hadlay ayaa shacabka ku dhaqan degm ada Yaaqshiid ee Gobolka ka dalbaday inay la shaq eeyaan, si uu u dardargeliyo howlaha shaqo ee Shalay , isla markaana uu horey u soo qabtay Mu use Geesey.

Sababta Isbedelka loogu sameeyay Maamulka Yaaqshiid ayaa waxaa lagu sheegay inya tahay arr imo la xiriira baahi loo qabo in la dardargeliyo howl aha maamul ee degmadaas, isla markaana muhiim u ah degmada iyo shacabka.

SARAAKIIL CUNSURIYEEYAY ARDAY SOOMAALI AH OO JAAMACADDA MANCHESTER SHAQADA KA JOOJISAY.

Jaamacadda Manchester ee dalka Ingiriiska ayaa shaqada ka joojisay qaar kamid ah saraa

kiisha ilaalada Jaamacadda oo lagu soo eedeeyay in ay cunsuriyeeyeen wiil Soo maali ah oo jaamacadda Arday ka ahaa.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii baraha bulshada la soo geliyay muuqaal muujinaya Sakariye Aadan oo arday sanad koowaad ka ah Jaamacadda oo ay saraakiisha ammaanka dar biga saareen iyaga oo kuleetiga ku dhagan isla mar kaan weydiinaya aqoonsigiisa.

Sakariye Aadan oo 19 jir ah ayaa sheegay in shaq aalaha jaamacadda ay ku eedeeyeen in looga sha kiyay "inuu yahay qof daroogada ka ganacsada”.

Jaamacadda Manchester ayaa sheegtay in ay baari taan dheeraad ah ku sameyn doonto dhacdadan.

"Waxaan si weyn ugu walaacsanahay sawirada la soo saaray, waxaan la xiriirnay ardayga ay khusey so arrintan, waxaan sameyneynaa baaritaan buuxa, waxaana shaqada ka joojinayay saraakiisha amma anka inta laga helayo natiijada baaritaanka” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay Jaamacadda Man chester. Sakariye oo Jaamacadda Manchester ka dhigta kuliyadda Luqadaha ayaa sheegay in ay naxdin weyn ku ridday dhacdadan uuna seexan kari waayay tan iyo markii ay ku dhacday dhacdadan. Wuxuu sheegay in markii aqoonsiga la weydii nayay uu ku laabanayay dhismaha uu Jaamacadda ka degan yahay isaga oo ka soo laabtay dukaan ku yaalla xaafaddaasi oo uu wax ka soo iibsanayay.

"Gacanta ayaan ku heystay kaarkeyga aqoonsi ga, waxa ay isku dayeen in ay iga dafaan, waxaa xig ay oo aan xusuustaa inay darbiga igu dhajiyeen” ayuu yiri Sakariye.

Sakariye ayaa sheegay in ay waalidiintiisa ka soo qaxeen Soomaaliya ayna wax walba u sameeyeen si dii uu jaamacaddan u dhigan lahaa.

"Waxaan ahay qofkii ugu horreeyay ee qoyskeenna ee Jaamacad dhigta, taas laftirkeeda ayaa guul ah, balse waalidiintey haddii ay maqlaan in ay igu dhace en dhacdooyinkan oo kale waxay iga codsan doon aan inaan dalkii dib ugu laabto” ayuu yiri Sakariye oo wareysi siinayay BBC.

GUDDOOMIYE KU XIGEEN XALAY LAGU DILAY MAGAALADA BALEDWEYNE

Dableey hubeeysan ayaa Xalay xaafada Bund aweyn ee magaalada Baledweyne waxay ku dileen allaha u naxariiste guddoomiye ku xigeenkii xaafada Bundaweyne Cabdi Muxumed oo loo yaqiinay Kuukaay Dheere.

kooxahii dilka geystay ayaa isaga baxsaday goobta waxaana saacado kadib goobtii marxuumka lagu dilay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa militiriga Soomaaliya kuwaas oo baar itaano ka bilaabay xaafada lagu dilay marxuumka

Guddoomiye ku xigeenka Xalay lagu dilay xaafada Bundaweyn ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo caanka ahaa magaalada Baledweyne gaar ahaan xaafada Bundaweyn.

Lama oga cida ka dambeysay dilka guddoomiye ku xigeenkii xaafada Bundaweyn allaha u naxariiste marxuum Kuukaay Dheere.

OBAMA: FARI KAMA QODNO SOO CELINTA RUN TII UU "SUULIYAY TRUMP"

Mareykanka ayaa haatan waxaa horyaal hawl aad u weyn oo ah sidii wax looga qaban lahaa wararka aan xaqiiqada ku salaynayn ee kala qeybinaya shacabka dalkaasi, sida uu haatan sheegaya madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama.

Obama oo wareysi gaar ah siiyay BBCda ayaa sheegaya in shacabka Mareykanka uu haatan aad u kala qeybsan yahay marka loo eego sidii uu ahaa afar sano ka hor inta uusan Donald Trump la wareegin xukunka dalka.Waxa uu sidoo kale sheegay in doorashadii dahwaan lagu doortay oe Biden ay tahay mid billow u noqon doonto in shacabka la mideeyo."Waxay qaadan doontaa wax ka abdan hal doorasho si wax looga qabto kala qeybsanaanta shacabka Mareykanka," ayuu yiri Obama.

Waxa uu sheegay in mideynta shacab kala irdhoobay aanan loo deyn karin siyaasiinta oo kaliya balse loo baahan yahay buu yiri isbadal dhanka hoggaanka ahi iyo nin dadku ay isdhageystaan "oo ay ku heshiiyaan waxyaabaha laga wada siman yahay ee xaqiiqada ku saleysan ka hor inta aan laga doodin" waxa laga yeelayo arrimahaasi.

Haseyeeshee Obama waxa uu rajo ka muujiyay aragtida iyo fikradaha jiilka soo socda, wuxuuna ku booqriyay dhallinyaradu in ay barbaariyaan rajadaasi mustaqbalka ee ah in dunidu ay isbadali doonto isla markaana ay qeyb ka noqdaan isbadalkaasi.

Sidee loo kala qeybiyay shacabka Mareykanka?

Carada iyo ciilka u dhaxeeya dadka Mareykanka ee deggan dhulka miyiga ah iyo kuwa kale ee deggan magaalooyinka, arrinta muhaajiriinta, caddaaald darrada sinnaan la'aanta, wararka aan xaqiiqada ku dhisnayn ee la faafinayo iyo runtii oo laga suulay ayuu Obama u aaneeyay kala qeybsanaanta shacabka dalkaasi.

"Haatan aad baan u kala qeybsannahay, dabcan in kabadan sidii aan ahayn markii ugu horreysay ee aan xilka madaxtinnimada u tartamayay sanadkii 2007dii isla markaana aan ku guuleystay xilkaasi sanadkii 2008," ayuu yiri Trump oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah oo soo mara taariikhda mareykanka.

Waxa uu kala qeybsanaanta shacabka sidoo kale u aaneeyay Trump oo uu sheegay "in uu doonayay in uu shacabka sii kala qeybiyo maadaama ay kala qeybsanaantaasi dani ugu jirtay siyaasaddiisa".

Arrinta kale ee Obama uu kala qeybsanaanta shacabka Mareykanka u aaneynayo ayaa ah wararka been abuurka ahi ee intarneedka lagu faafiyo, iyadoo buu yiri marnaba aan "xaqiiqadu aan dan laga lahayn".

"Waxaa jira malaayiin qof oo laga dhaadhiciyay in Biden uu yahay shuuci hantidhawr ah, kuwo laga dhaadhiciyay in Hillary Clinton ay qeyb ka tahay ko ox xun oo ku lug leh faraxumeynta carruurta," ay uu yiri.Arrinta uu u soo qaatay Clinton ayaa la xir iirta warar been abuur ah oo sheegayay in Hillary Clinton oo ka tirsan xibiga Dimuquraadiga ay maamusho koox carruurta ku faraxumeyso Washington.

Obama waxa uu sheegay in inta badan warbaahinta caadiga ahi ay saanddadii dambe billaabeen in ay wararka iska xaqiijiyaan si looga hortago wararka been abuurka ahi ee intarneedka lagu baahinayo, taa oo uu sheegay in wali aysan ku filnayn wax ka qabashada arrintaasi sababtoo ah buu yiri "beenta ayaa isla markiiba dunida qabsaneyso inta aan xaqiiqada dhabta ahi la ogaan".

Waxa kale oo uu arrintan ku eedeeyay xaaladda nolaleed iyo tan dhaqaale ee shacabka Mareykanka ee sida sinnaan la'aanta sii kordheyso iyo farqiga dhaqaale ee u dhaxeeya dadka deggan dhulka miyiga ahi iyo kuwa deggan magaalooyinka.

Waxa uu intaasi ku daray in arrintaasi looga faa'iideystay in dadka la isaga horkeeno oo midba midka kale ku eedeeyo in uu isaga mas'uul ka yahay dhibaatooyinka dhaqaale iyo kuwa nolaleed ee ay wajahayaan.

Muxuu ka yiri midab kala sooca iyo cunsuriyadda?

Obama waxa uu sheegay in cunsuriyadda midabka ku saleysan ay waligeed caqabad iyo magac xumo ku ahayd midnimada shacabka Mareykanka.

Waxa uu tusaale u soo qaatay dilkii George Floid oo ahaa nin madow ah oo ku dhintay gacanta askar boolis ah oo caddaan ah, arrintaa oo indhaha caalamka ku soo jiiday Mareykanka iyo shakhsiyaad kale oo madow ah oo cunsuriyadda ka jirta Mareykanka ay galaafatay nolashooda.

Waxa uu dibadbaxyadii looga soo horjeeday dilka George Floid ku ammaanay in ay ahaayeen kuwo ay ka qeyb qaadanayeen dad kala midab

Waxa uu sheegay in dhacdooyinkaasi cunsuriyadda xambaarsan ay sababeen in dad badan oo ka mid ah caddaanka Mareykan ay ka dhiidhiyaan isla markaana ay iska diidaan in laga dhaadhiciyo in dhacdooyinkaasi ay yihiin kuwa aan badnayn oo ay geystaan shakhsiayad yar oo xun.

Obama ayaa berri oo talaada ah la filayaa in uu soo saaro buuggiisa xusuusqorka oo uu kaga hadlayo sidii uu ku noqday xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee Mareykanka iyo markii ugu horreysay ee uu noqday madaxweynaha Mareykanka. Buuggani ayaa ka mid ah laba buug oo uu ka qoray muddadii uu ahaa madaxweynaha Mareykanka.ah….XIGASHO:BBC

ASKARI KA TIRSAN CIIDANKA DF SOMALIYA OO DILAY GABAR UU KALA DHEXEEYEY XIRIIR JACEYL

Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in Habeen hore askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya uu gabar ka mid aheyd dadka deegaanka ku dilay gudaha degmada Beledxaawo oo ka tirsan gobolkaasi.

Allaha u naxariistee gabadha la dilay ayaa lagu soo warramayaa in xiriir ama haasaawe uu kala dhex eeyey askariga oo markii dambe goobta isaga bax saday.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in marxuumadda iyo askariga dilka u geys tay uu soo kala dhexgalay muran isafgaar ah oo sababay in askariga uu carooday, kadibna uu rasaas ku furo gabadha oo isla goobta ku geer iyootay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo haatan baaritaano dheeraad ah ka wada halkaasi.

Dhacdadan ayaa waxaa Shalay si aad u hadal haya dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Beledx aawo, iyada oo ku noqotay mid la yaab leh oo arg agax ku reebtay.Si kastaba ma’ahan dhacdo ugub ah, waxaana marar badan la soo wariyey dilal nooc aan oo kale ah oo ka dhacay qeybo badan oo ka

mid ah dalka.

LIX DACWADOOD OO UU TRUMP WAJIHI KARO

Inta uu yahay madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump wuxuu ku raaxeysanayay xasaanadda gaarka ah ee ka difaaceysay nooc walba oo dacwad ah, ha ahaato mid dambi ama mid shacab intaba.

Hadda, maadaama looga guuley stay doorashada madax tinnimada ee 2020ka, Mr Trump wuxuu mar dhow noqon doonaa muwaadin caadi ah.

Taasi micnaheeda waa inuu waayay xasaanaddii madaxweynenimada, wuxuuna bannaanka ugu soo dha cayaa qareennada iyo dacwad oogeyaasha.

"Islamarkii uu xafiiska kasoo baxo, xaaladdu way isba ddali doontaa," ayuu yidhi Daniel R Alonso, oo ah dac wad ooge horay uga soo shaqeeyay federaalka Marey kanka iyo gobolka New York, oo la hadlayay BBCda.

"Ma sii lahaan doono awoodda madaxweynenimada ee looga cabsado, loogana xishoodo in baaritaanno lagu sameeyo."

Baaritaan dambi oo ku sugaya New York ayaa ah kan ugu weyn ee uu ka walwal qabo Mr Trump, halisna ku ah shirkaddiisa guryaha kala iibisa.

Intaas waxaa usii dheer dacwado kale oo isugu jira musuqmaasuq ay ku eedeeyeen xubno ka mid ah qoy skiisa iyo kuwo kale oo ku saabsan tacaddiyo dhinaca galmada ah.

Dacwadaha sugaya waxaa lagu tilmaamay daad. Hal kan ayaana ku soo bandhigeynaa ilaa lix dacwadood oo uu wajihi karo.

1) EEDEYMAHA KU SAABSAN INUU LACAGO U BIXIYAY SI CEE BTIISA LOO QARIYO

Waxa aan ka ognahay: Karen McDougal, oo ah maa lqabeen kharashka ku bixisa baashaalka, atariishada fil imada anshax darrada ee lagu magacaabo Stormy Dan iels iyo sheegashooyin ku saabsan sheekooyin loo abuu ray in wax la qariyo.

Kuwaas ayaa saldhig u ah waxa loogu yeeray fade exadda lacagaha lagu bixiyay in ceebta la ariyo. Labada dumarka ahba waxay sheegeen inay xidhiidh galmo la la haayeen Mr Trump ayna lacago uga heleen si ay sirtaas u qariyaan, xilligii loo socday doorashadii madaxweyna ha ee sanadkii 2016kii ka dhacday Mareykanka.

Markii ay hadleen sanadkii 2018kii, waxay culeys siy aasadeed ku soo kordhiyeen maamulka Mr Trump, iya goo toosh ku ifiyay labo dambi oo baaritaanno lagu sam eynayo.

Stormy Daniels, oo magaceeda dhabta ah uu yahay Stephanie Clifford, waxay sheegtay inay Mr Trump gogol la wadaagtay sanadkii 2006

Dambiga hore wuxuu ku saabsan yahay sharci jabin dhinaca federaalka ah, ama qaranka, sharciyada iyo door ka Michael Cohen, oo ahaa qareenkii gaarka ahaa ee Mr Trump iyo "ninka arrimaha isku duway".

Cohen oo baadhitaan lagu sameynayay wuxuu qirtay inuu qorsheeyay lacago dumarkaas la siiyay. Lacagah aas la bixiyay waxaa ka abuurmay dacwad la xiriirta in la ga bixiyay dhaqaalihii ololaha doorashada, taasoo sharci darro ah, waxaana Cohen sanadkii 2018kii lagu riday xu kun saddex sano oo xabsi ah

Michael Cohen Cohen wuxuu sheegay in Mr Trump uu "ku amray" isaga inuu lacagahaas bixiyo, hadana wali wax dacwad ah laguma soo oo gin madaxweynaha. Maxay tahay sababtu?

Ugu horreyn, si dacwad loogu soo oo go ama loo maxkamadeeyo Mr Trump, waxay dacwad oogeyaashu u baahan yihiin inay caddeyn buuxda u hel aan eedeynta ku saabsan inuu Cohen ku amray bixinta lacagahaas.Tan labaad, xitaa haddii ay dacwad oogeya ashu heyn lahaayeen caddeyn ku filan, dastuurka dow ladda Mareykanka ma oggola in dambiyo heer federaal ah loo maxkamadeeyo madaxw eyne wali xilka haya, si da ay sheegeen khubarada dhi naca sharciga. Kiiskaas ma la xiray? Maya, lama xirin. Halkan ayey sheekadu is ka baddaleysaa.

Karen McDougal waxay raalli galin siisay Melania Trump, iyadoo ka raalli galineysa xiriirka ay la yeelatay seygeeda

Laakiin, baaritaan labaad oo ku saabsan lacagahaas la bixiyay ayaa wali ka socda New York. Waxaan ka war qabnaa in xeer ilaaliyaha degmada Manhattan, Cyrus Vance, uu qiimeynayo in shirkadda Trump ay waxyaabo been abuur ah u sameysay si ay u muujiso inay lacago bixisay.

Waxa aannaan ogeyn waa in Mr Va nce uu wax caddeyn ah u hayo diiw aan galinta dacwad maxkamadeed. Arrintaasna way ku xiran tahay howsha. Waxa laga yaabo inay dhacaan: In laga been sheego howlaha ganacsiga waa dambi iska yar ma rkii la eego sharciga u yaalla gobolka New York. Damb iga noocaas ahna wuxuu sababi karaa xabsi ilaa hal sa no ah.

Haddaba, waa tan qeybta adkeyneysa howsha Mr Vance. Waqti labo sano ah ayaa loo oggol yahay in New York laga diiwaan galiyo dacwad la xiriirta dambi sidaas u yar.

"Sidaas darteed, maadaama lacagahaas la bixiyay waqti ka horreeya labo sano, waxay u muuqataa in [dac wad oogeyaashu] aysan nasiib lahayn," ayuu yidhi Mr Alonso.

Intaas ka dib, waxaa jirta suurtagalnimo

kale. Cyrus Vance wuxuu tan iyo sanadkii 2018kii hog gaaminayay baaritaan lagu sameynayay shirkadda Trump

Sida uu qabo sharciga New York, dambiyada la xiriira ka been sheegidda ganacsiga waxay noqon karaan ku wo waaweyn haddii sababtii loo sameeyay ay ahayd in lagu qariyo dambiyo kale, sida musuqmaasuq dhinaca canshuurta ah.

Dambiyada astaantaas leh waxay heli karaan waqti dheeraad ah, waxayna leeyihiin ciqaad adag.

Wali qaabka dacwadahaas loo soo oogi karo ma cadda. Lama oga in dastuurka u yaalla New York uu oggol yah ay in Trump loo maxkamadeyn karo ku xadgudubka dhaqaalaha loogu talagalay ololaha kaasoo sharciga federaalka uu xabsi ugu xukumay Cohen.

Halkaas ayey mar kale ka adkaaneysaa howsha Mr Van ce ee baadhitaanka ah.

2) BAADHITAANKA KU SAABSAN MUSUQMAASUQA CASHU URTA IYO BANGIGA

Waxa aan ka ognahay: Arrintan waa "weerar siyaasade ed", ayuu yidhi qareen u shaqeeya shirkadda Trump oo ka hadlayay kulan su'aalo lagu weydiinayay oo qeyb ka ah baadhitaanka Mr Vance uu sameynayay bishii August ee sanadkii 2019kii.

Hadalka uu jeediyay qareenkaas wuxuu u muuqday mid cadho laga dareemayo.

Mr Vance wuxuu xilligaas codsanayay oo kaliya in loo soo gudbiyo dukumiintiyo. Wuxuu dalbanayay in la tuso warqadihii maaliyadda shirkadda ee dhowr sano la sam eeyay. Waxaa ka mid ah xogta ku saabsan canshuur cel intii uu Mr Trump sameeyay muddo siddeed sano ah.

Tan iyo xilligaas, Mr Trump wuxuu diidayay inuu xogtaas gudbiyo, isagoo sheegayay inay arrintaas tahay xadgudub loo geysanayo sharaftiisa siyaasadeed.

Bishii October, maxkamad racfaan ayaa kasoo horjeed satay sheegashada Trump, waxayna taasi horseedday in xogta ku saabsan canshuur celintiisa ay usoo dhawa ato faraha dacwad oogeyaasha.

Run ahaantii, Mr Vance ayaa maxkamadaha ku qanci yay saameynta ay leedahay in la arko macluumaadka ku saabsan canshuur celinta Mr Trump.

Waxa laga yaabo inay dhacaan: Mr Trump waxaa la ga filayaa inuu dalabka ku aaddan canshuur celintiisa ra cfaan uga qaato maxkamadda ugu sarreysa Mareykan ka. Halkaas ayey arrintu ku xallismi kartaa.

Mr Trump ayey rajadiisu fiican tahay.

"Baadhitaannada dambi ee ugu saameynta badan waa kuwa soo bandhigaya macluumaadka canshuur cel inta Trump iyo kuwa bangiga," ayuu BBCda ku yidhi bar fasoor Jonathan Turley, oo macallin ka ah kulliyadda sha rciga ee Jaamacadda George Washington. "Laakiin la ma oga caddeymaha lagu heli doono inta ay gaadhsiis an yihiin," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Haddii Mr Vance ay u suuragasho inuu bannaanka soo dhigo xogta canshuur celinta Trump, waxaa laga ya abaa in kiis dambi uu soo baxo iyo in uusan soo bixin lab adaba. Dhinaca ay arrintu u dhacdaba, Mr Vance wuxuu macluumaadka canshuurta u rabaa si uu usii wado baa dhitaankiisa.

3) BAADHITAANKA KU SAABSAN MUSQUMAASUQA GANACSIGA GURYAHA

Waxa aan ka ognahay: Xeer Ilaaliyaha Guud ee New York Letitia James ayaa ah qof kale oo laf dhuun gashay ku ah Mr Trump.

Tan iyo bishii March ee sanadkii 2019kii, Ms James wa xay hoggaamineysay baaritaan ku saabsan kiis rayid ah oo lagu sameynayay eedeymo la xiriira in shirkadda Trump ay sameysay musuqmaasuq dhinaca ganacsiga guryaha ah.

Mar kale kiiskan xididdadiisa waxay dib ugu noqona yaan Cohen, oo beishii February ee sanadkii 2019kii u sheegay Aqalka Wakiillada in Mr Trump uu si khiyaano ah u weyneysiiyay qiimaha hantidiisa si uu u helo deymo kaddibna uu si khiyaano ah qiimaheeda saxda ah uga hoos mariyay si looga yareeyo canshuurta

Michael Cohen, oo arrimaha u fududeyn jiray Mr Trump, waxaa Golaha Wakiillada looga yeedhay bishii February 2019

Markhaati kaca uu Cohen bixiyay wuxuu Ms James y furay waddo kale oo ay ku raadiso macluumaad dheeri ah oo la xidhiidha hantida Mr Trump.

Sida Mr Vance oo kale, Ms James waxay gashay dagaal maxkamade ed si ay xogtaas u hesho.

Eric Trump, oo ah ku xigeenka madaxa shirkadda Trump, ahna madaxweynaha wiilki isa, ayaa haweeneydaas ku eedeeyay inay "waddo cada adis dhinaca siyaasadda ah"..

Iya doo ay arrintaas jirto, haddana wuxuu fuliyay codsi ay uga dalbatay inuu xafiiskeeda tago bishii October, si uu su'aalaheeda uga jawaabo.

Waxa laga yaabo inay dhacaan:Ms James waxay u baahan tahay marqaati kac dheeraad ah iyo xog kale oo ay kusii ambaqaaddo baadhitaankeeda.

Mr Trump intii uu xilka hayay wuxuu sheegay in uusan waqti u heynin kiisaska ku furan. Hadda, marmarsiiyada as ma heli karo.

Ms James waxay Mr Trump ku heli kartaa fursad ay xafiiskeeda ku geysto, kuna dhaariso ka hor inta aysan su'aalo weydiinta ku billaabin, isla sidii ay ku sameysay wiilkiisa.

Letitia James waxay su'aalo weydiisay Mr Trump wiilkiisa, Eric

"Inta badan maxkamadaha way u garaabaan madaxw eyneyaasha marka ay mashquul sheegtaan. Laakiin sidaas uma sameeyaan muwaadiniinta caadiga ah," ayuu yidhi Mr Alonso.

Baadhitaannada noocan oo kale ah ee ku saabsan dambiyada rayidka waxay horseedi karaan ciqaabo dhin aca maaliyadda ah, haddii la helo cadde ymo ku filan dambiga.

Haddii ay sidaas dhacdana, waxaa bil laabanaya baadhitaan ku saabsan dam biyo kale.

4) KIISASKA KU SAABSAN HAB MAAMULKA

Waxa aan ka ognahay:Kiisaskan waxay la xiriiraan eed eymo ku saabsan in lacago laga faa'iiday shaqaaleysiin ta dadka ama mamulista xafis loogu adegayo shacabka.

Haddaba arrintan maxaa ka khuseeya Mr Trump?

Waxaa lagu eedeeyay inuu sharciga "shaqaaleysiin ta" jabiyay intii uu madaxweynaha ahaa. Sharciyadan wa xay ku xusan yihiin dastuurka dalka Mareykanka.

Mr Trump uu Mr Trump ku leeyahay Washington wuxuu mar walba bartilmaameed u ahaa mudahar aadeyaal intii uu xilka madaxweynaha hayay

Mid ka mid ah qodobbada sharcigaas wuxuu dhig ayaa in dhammaan shaqaalaha dowladda federaalka, oo uu ka mid yahay madaxweynaha, ay fasax ka qaataan Aqalka Wakiillada ka hor inta aysan aqbalin faa'iido kasta oo kasoo galeysa dalal ajnabi ah.

Saddex kiis oo kala duwan ayaa laga diiwaan galiyay Mr Trump, kuwaasoo la gu sheegayo in fasaxaas uusan raadi nin.

Mid ka mid ah kiisaskaas wuxuu qeexayaa suurtag alnimada in xad gudub noocaas ah uu ku dheehan ya hay marti galinta saraakiil ajaanib ah loogu sameeyay Hoteelka uu Trump ku leeyahay M/wWashington DC

Mr Trump wuu ku ganac seyray saameynta sharc ig an, wuxuuna sheegay in madaxweyneyaal kale ay hor ay lacag noocaas ah u sameeye en. Waxa laga yaabo in ay dhac aan:Si kastoo ay ahaataba, dac wadaha ku saabsan xadgudbka hab maamulka xafiiska waxaa la ga yaabaa in la laalo ama dadkii diiwaan galiyay ay iska dhaafaan, sida ay aaminsan yih iin khubarada dhinaca sharciga.

Mid ka mid ah oo ay soo gudbiyeen siyaasiyiin Aqa lka Wakiillada u matala Xisbiga Dimuqraaddiga waxaa horay u laashay amxkamadda ugu sarreysa.

"Sharciyada noocan ah uma badna inay usii gudbaan tallaabo ku saabsan dambi," ayuu yidhi Mr Turley, oo khabiir ku ah shuruucda ku xusan dastuurka.

"Dhhaam kiisaskan waxay salka ku hayaan Trump xil liga uu xafiiska madaxweynaha hayay, mar haddii uu xil ka ka dagana way wada daciifayaan," ayuu yidhi.

5) KIISASKAKU SAABSAN XADGUDUBKA GALMO

Waxa aan ka ognahay:Mr Trump waxaa lagu eedee yay inuu tacaddiyo galmo u geystay haween faro badan, kuwaasoo qaarkood eedeymahooda ay soo socdeen tobannaan sano.

Mr.Trump wuu beeniyay dhammaan eedeymahaas, wuxuu na ku tilmaamay "war been abuur ah", iyo shee kooyin la siyaasadeeyay.

Inta badan dadka eedeymahaas jeediyay waxay soo baxeen xilligii la galayay doorashadii 2016kii.

Mr.Trump wuxuu wacad ku maray inuu dhammaanto od dacwado kusoo oogi doono, laakiin ilaa hadda wax tallaabo ah uma uusan qaadin.

Taas baddalkeeda, dadkii eedeynayay qaarkood ay aa isaga dacwado ka gudbiyay. Labo dumar ah ayaa kiisas meel ka dhac ah ka gudbiyay Mr Trump iyagoo ka cadheysan inuu ku tilmaamay beenaaleyaal.

E Jean Carroll waxay Mr Trump ku eedeysay inuu kufsaday 1990meeyadii

E Jean Carroll, oo muddo dheer wax ku qori jirtay maj alladda Elle magazine, ayaa ka mid ah haweenkaas.

Waxay Mr Trump ku eedeysay inuu ku kufsaday qol lagu labisto oo ku yaalla hoteelka Manhattan, 1990meeyadii.

Mr Trump wuu beeniyay arrintaas, wuxuuna dagaal kula jiraa kiiska meel ka dhaca ah ee laga diiwaan gal iyay.

Waxa laga yaabo inay dhacaan:Kiiskaas hadda wuu sii socon karaa, waxayna qareennada Ms Carroll fursad u heystaan inay caddeymo isku duwaan.

Tusaale ahaan, waxay cadaadis ku saari karaan maxk amada in dhacaanka DNA ee Mr Trump laga baadho dhar ay Ms Carroll sheegtay inay xirneyd xilliga uu "kufs anayay".

Kiis kaas la mid ah, balse ka duwan, oo meel ka dhac ah waxaa gudbisay Summer Zervos, oo horay tartan ugu gashay barnaamijka Mr Trump ee telefishinka. Isla sidaas oo kale ayuu kiiskaasna usii socon karaa.

Summer Zervos (left) was one of several women to accuse Mr Trump of sexual misconduct ahead of the 2016 election

Ms Zervos waxay sheegtay in uu tacaddi galmo u geystay xilli uu la galay kulan ay uga wada hadlayeen fur sadda shaqo, sanadkii 2007dii.

Laakiin Mr Trump wuu beeniyay sheegashadaas. Wuxuu ku eedee yay inay dacwad been abuur ah ka sameysaneyso.Hase ahaatee Ms Zervos waxay ka gudbisay dacwad meel ka dhac ah sanadkii 2017kii, iyadoo dooneysa in la siiyo lacag magdhow ah oo gaadheysa ugu yaraan $3,000 oo doolar.

6) KIISKA AY GUDBISAY MARY TRUMP

Waxa aan ka ognahay:"Musuqmaasuqa kuma uusan ko obneyn ganacsiga qoyska wuxuu ahaa hab nololeed," qoraalkaas wuxuu ku jiraa kiiska dacwadeed ee ay Mary Trumpka gudbisay adeerkeed Donald.

Waxay Mr Trump ku sheegtay qof halis galiya ruux walba oo muwaadiniinta Mareykanka ka mid ah. Buug ay ka qortay ayey kusoo bandhigtay arrimo badan oo ay uga hadleysay inuu yahay "qof qallafsan".

MARY TRUMP WAXAY BUUGGEEDA KU XUSTAY IN ADEERK EED UU YAHAY QOFKA UGU HALISTA BADAN CAALAMKA

Waxay haweeneydan ku eedeysay Mr Trump iyo qaar kale oo ka mid ah walaalihiis inay ka khiyaaneen dhaxal ay xaq u lahayd ayna ku cadaadiyeen inay ka tanaasusho hantida ay ku lahayd ganacsiga qoyska.

Ms Trump waxay dhaxal u lahayd hanti qiimo leh oo ka mid ah ganacsiga qoyska, markii uu dhintay Fred Trump Jr oo ahaa aabbeheed, sidoo kalena ahaa Trump walaalkiis ka weyn oo dhintay sanadkii 1981kii xilli uu 41 jir ahaa. Ms Trump waxay markaas ahayd 16 jir.

Dacwadda ay gudbisay waxay ku dalbaneysaa lacag dhan ugu yaraan $500,000 oo doolar.

Waxa laga yaabo inay dhacaan:Aqalka Cad wuxuu sheegay in buugga Ms Trump ay ka buuxdo been bad an, laakiin Mr Trump wali kama uusan bixinin wax jaw aab ah.

Haddii la codsado xog ku saabsan arrimahaas iyo marqaatifur, Mr Trump ma heli doono xasaanaddii mad axweynenimo ee uu ku hor istaagi jiray arrimahaas.

Ma jiro muwaadin Mareykan ah, xitaa madaxweynaha, oo sharciga ka sarreeya.

XIGASHO:BBC

DOWLADDA SOMALIYA OO XAREYSAY GUDDIY ADA DOORASHOOYINKA AY MAGACAAWDAY

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xareysay Guddiga Doorashada heer Federaal, Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Guddiga Maamulka Doorashada Somaliland, kuwaasi oo uu magacaa bay R/Wasaare M.Xuseen Rooble.

Warar la helayo ayaa waxaa ay she egaya in xubnaha Guddiyada Doora shooyinka ee 2020/2021 ee dowladda Federaalka la dejiyay Hotelka Decale ee dhex yaalla Garoonka diya aradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Guddiyadan ayaa inta ay ku jiraan Hotelka waxay qaadan doonaan tababaro la xiriira nid aamka doo rashada, sameynta habraacyada do orashada iyo dha qan gelinta qodobada hesh iiskii siyaasaddeed ee doo rashada. Si kastaba Guddiyan ay xareysay Dowladda ayaa si weyn uga soo horjeeystay Musharaxiinta u ta agan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaa liya oo ay ku jiraan Madaxweyneyaashii hore ee dalka Xa san Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Sh Axmed, Xa san Cali Kheyre iyo Musharaxiin kale oo badan, iya goona tilmaamay in xubno ku jira Guddiyada ay ka tir san yihiin Hay’adda NISA.Xigasho:Caasimadda.net

MAXAA KA JIRA DHIMASHADA HOGGAAMI YA HA ALQAACIDA AYMAN ALZAWAHIRI?

Warbaahin kala duwan oo dhinaca internetka wax ku qora iyo wariyeyaal ayaa shaaciyay warar aan wali la xaqiijinin oo sheegaya geerida hoggaamiyaha sha bakadda AlQaacida Ayman AlZawahiri, kaasoo ay she egeen inuu muddo hal bil ah ka hor u geeriyooday "sa babo dabiici ah."

Warkan ayaa durba dhaliyay dood ku saabsan "sida wax looga qaban karo ururrada argagixisada iyo mus taqbalka kooxaha xagjirka ah".

Maxaa run ka ah warkan?

Wariyaha lagu magacaabo Xasan Xasan, ayuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee barta Twitter ka ku shaaciyay qoraallo xiriir ah oo uu ku sheegay "in warkan uu ku dhex wareegayo ilo ku dhow dhow hogga amiyaha AlQaacida, warbaahinta qaarna ayba ku tilm aameen mid la xaqiijiyay."

Wuxuu intaas ku daray in shabakado hoos taga AlQaacidda, oo uu ka mid yahay ururka la magac baxay "Ilaaliyeyaasha Diinta", oo ah garab hubeysan oo ka tirsan AlQaacidada Suuriya, ay ku dhawaaqeen dhima shada Ayman alZawahiri.

Rita Katz, oo ah agaasimaha bogga internetka ee SITE, oo ah website la socda dhaqdhaqaaqa ururrada xagjirka ah, ayaa barteeda Twitterka soo dhigtay qor aallo badan oo ku saabsan warka sii faafaya ee la xiriira in hoggaamiyaha AlQaacida uu geeriyooday muddo bil ah ka hor, uuna u dhintay xanuun caadi ah. Laakiin wa xay intaas ku dartay "in hayaddeedu aysan arrintaas wali si rasmi ah u xaqiijinin."

Ma aha markii ugu horreysay ee la shaaciyo geerida qof caan ah oo ka tirsan shabakadda AlQaacidda, in mu ddo ah ayaana shaki laga muujinayay xaaladda caaf imaad ee AlZawahiri.

Rita Katz waxay dib usoo celisay xasuusta ku saab san marar badan oo ay warbaahinta ku dhawaaqeen dhi mashada hoogaamiyeyaal caan ka ah kooxdaas, AlQaacidana ma aysan xaqiijinin ilaa ay dhowr bilood ka soo wareegtaan.

Waxay tiri: "Ururku wuxuu mar walba isku dayaa inuu qariyo dhimashada hoggaamiyeyaashiisa, mana xaqiijiyo ilaa laga gaadho waqtiga ku haboon."

Wali ma cadda cidda baddali doonta alZawahiri, haddiiba geeridiisa la xaqiijiyo, sida ay sheegtay Rita Katz.Ninkii labaad ee alaacidda ka tirsan oo dhinta

Inkastoo aan wali la hubin warka ku saabsan geerida AlZawahiri, waxaa jiray warar iskhilaafsanaa oo sheegayay dhimashada hoggaamiyihii labaad ee IS, oo ku dhintay Iiraan. Warkaas oo lagu tilmaamay mid xaqiiqo ah ayaa si weyn loogu hadal hayay baraha bulshada.

Qaar ka mid ah dadka ka faallooda arrimaha carabta ayaa abuuray dood ku saabsan in dhimashada AlZaw ahiri "ay aad u wiiqi karto saameynta ay ururrada xagjir ka ah ku leeyihiin gobolka."

Qaar kalena waxay ku adkeysteen in dhimashada Al Zawahiri ay wax saameyn ah keeni karto, iyagoo ku doodaya in ururka AlQaacida uu horayba u wiiqmay ma rkii la dilay hoggaamiyahoodii Usaama Bin Laadin.

Falanqeeyayaal kalena waxay sheegeen in dowladda Mareykanka ay AlQaacidda iska indho tirtay markii uu hoggaankeeda la wareegay AlZawahiri, sanad kii 2011kii. Warka ku saabsan geeridiisa ayaa soo baxay xilli wargeyska New York Times uu shaaciyay dhimashada ninkii labaad ee hadda ugu sarreeyay AlQaacida.

Wargeyska, oo soo xiganayay saraakiil ka tirsan sir doonka Mareykanka, ayaa sheegay in "Cabdullaahi Ax med Cabdullaahi, oo lagu naaneyso Abu Muhammad alMasri, oo lagu eedeeyay inuu wax ka qorsheeyay qara xyadii laga fuliyay safaaradaha Mareykanka ee Afrika 1998kii, lagu dilay dalka Iiraan 7dii bishii August. Dilki isa waxaa fuliyay sirdoonka Israa'iil, sida uu wargeysku sheegay.

Hase yeeshee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iira an ayaa beenisay sheegashada New York Times, wax ayna ku tilShalayy war been abuur ah.

Waa kuma AlZawahiri?

Ayman AlZawahiri, oo u dhashay dalka Masar wuxuu gacan ka geystay dhismaha kooxaha Jihaaddoonka ah ee gudaha Masar.

Waxaa lagu tilmaami jiray inuu gacanta midig u ahaa Usaama Bin Laadin, uuna wax badan ka abuuray fikra dda uu ku dhisnaa ururka AlQaacida.

AlZawahiri wuxuu waxbarashadiisa aasaasiga ah ku qaatay iskuulka Heliopolis, kaddibna wuxuu ku biiray jaa macadda Qaahira oo uu ka bartay cilmiga dha khtarnimada ee qalliinka guud.

Ninkan wuxuu ururrada islaamiga ah ku biiray isagoo aad u da' yar, wuxuuna tagay meelo kala duwan oo ay fariisimo ku lahaayeen, ilaa uu markii dambe saldhigyo ka sameystay dalalka Pakistan iyo Afghanistan. Sanna dihii uu midwgii Soviet ciidamadiisa kala baxayay Afgha nista, alZawahiri wuxuu sida la aaminsan yahay ku nool aa dalalka Bulgaria, Denmark iyo Switzerland.

Mararka qaarna wuxuu baasaboorro been abuur ah u adeegsaday safarro uu ku tagay waddmada Balkans, Au stria, Yemen, Iraq, Iran, iyo Philippines.

Xukuumadda Washington ayaa mar AlZawahiri u aqoonsatay qofka labaad ee loogu doon doonista badan yahay, marka laga soo tago qofka koowaad oo ahaa Bin Laadin.

Wuxuu kaalinta labaad uga jiray liiska dadka loo heys tay mas'uuliyadda weerarradii 1998kii laga fuliyay safaa radaha Mareykanka ee Nairobi iyo Dar AlSalam.

XIGASHO:BBC

MADAXWEYNAHA KOOFURGALBEED OO GUD DOOM IYE CUSUB U MAGACAABAY GOBOLKA SH/HOOSE

Madaxweynaha D/G/K/Galbeed Cabdicasiis Xa san ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii G/ Sh/ Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax, isagoo guddoomiye cus ub u magacaabay Gobolka Shabeellaha Hoose siya asi hore dhowr jeer guddoomiye uga soo noqday gobolkaas

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa loogu Magacaabay C/dir Maxamed Nuur Siidii.

Lama sheegin sababta rasmiga ah ee xilka looga qaaday guddoomiyihii hore ee gobolka Sh/hoose

MASAR WAXEEY HESHAY NAXASHYO QADIIM AH OO KA BADAN 100 XABO (FARACIINTI HOORE)

Masar ayaa Sabtidii shaacisay daahfurka sanduuq qadiimi ah oo ay ku jiraan in ka badan 100 sarcophagi oo aan wali taariikhi ahayn, kaas oo soo jiray wax ka badan 2,500 sano ka hor, waana kii ugu weynaa ee la helo sanadkan. Naxashka alwaaxda shaabadaysan, oo laga soo saaray goobta dhexdeeda waxyaabo badan oo xiiso leh, waxaa iska lahaa saraakiisha ugu sareysa xilligii dabayaaqadii iyo xilligii Ptolemaic ee Masar hore.

Waxaa laga helay seddex godad oo 12 mitir qoto dheer ah (40 fuudh) oo ku yaal xaafada Saqqara necropolis ee koonfurta Qaahira.

Khubaradii qadiimiga waxay fureen naxash si ay u muujiyaan hooyo ku duudduubtay xabaal lagu qurxiyay sawirro hieroglyphic midabo badan leh.

Saqqara, oo ay kuyaalaan in kabadan dersin Ahraam, monasteriyado qadiimi ah iyo qabuuraha xoolaha, waa necropolis weyn oo kutaala caasimada Masar qadiimiga ah ee Memphis, oo ah UNESCO World Heritage Site.

"Saqqara wali ma uusan shaacin waxa ku jira oo dhan. Waa hanti, ”ayuu yiri Wasiirka Qadiimiga iyo Dalxiiska Khaled alAnani oo ka hadlay xafladda daahfurka.

Baaritaano ayaa wali socda. Markii aan faaruqino sagxadda aaska, waxaan helnaa irrid laga galo mid kale. ”

Raadintii ugu dambeysay waxay timid bil uun kadib markii khubarada cilmiga dhulka ee aagga ay ka heleen 59 sanduuq alwaax oo aad loo ilaaliyay oo la xiray, oo sidoo kale taariikh ahaan jiray wax ka badan 2,500 sano ka hor.

‘Taalo qurxoon, cajiib ah’

In ka badan 40 taallo oo ah Sanabyo hore iyo waji duug ayaa sidoo kale la helay, ayuu yiri wasiirka.

Laba taallo oo alwaax ah oo dheeri ah ayaa laga helay xabaashii uu lahaa xaakim hore oo ka soo jeeday boqortooyadii lixaad, sida uu sheegayo Mostafa Waziri, oo ah xoghayaha guud ee golaha ugu weyn ee ka soo horjeedka Masar.

Si dhakhso ah looma cadeyn in taallooyinka ay sawireen mid ka mid ah xubnaha qoyska garsooraha, laakiin taallo ayaa la rumeysan yahay inay ka muuqato shaqsi lagu magacaabo Heteb Ka, oo "uu ixtiraami jiray boqorka”, ayuu yiri Waziri.

"Quruxda taalada… waxaa laga arki karaa sunniyaheeda, shaarubaha iyo baarkooda. Gabi ahaanba waa wax qurux badan oo cajiib ah, ”ayuu raaciyay.

Sarcophagika waxaa loo qaybin doonaa dhowr madxaf oo ku yaal Masar, oo ay ku jiraan Matxafka weyn ee Masar (GEM) ee aan weli la furin ee ku yaal Giza Plateau.

Waxay ku taalaa meel u dhow caanka Ahraamta Giza, GEM waxaa loo qorsheeyay in la daah furo sanadka 2021 dhowr dib u dhac ka dib.

Anani wuxuu u aaneeyay daahfurka Saqqara howlo qoditaan balaaran sanadihii la soo dhaafay.

Raadin kale oo ka jirta magaalada ballaaran ee Saqqara necropolis ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo bisha Diseembar ama horraanta 2021.

Khubarada cilmiga dhulka ayaa sidoo kale rajeynaya inay helaan aqoonisweydaarsi duug ah oo loogu talagalay samaynta naxashyada alwaaxda loogu talagalay maydka.

Waziri wuxuu sharraxay in Masaaridii hore ay ku iibsan jireen sanduuqyadooda meheraddan aqoon isweydaarsigan.

"Waxaan fileynaa inay noqoto meel u dhow faashashka naxashka,” ayuu yiri Waziri.

Mas



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip