Kulamo ka mid ah Champion League oo xalay la ciyaaray

0
Wednesday October 28, 2020 - 15:36:15 in Wararka by
  • Visits: 1645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulamo ka mid ah Champion League oo xalay la ciyaaray

    Waxaa xalay la ciyaaray kulamo xiiso badan oo ka tirsan ciyaaraha guruubyada ee tartanka horyaallada Yurub ee Champions League. Kulamadii ay ciyaareen kooxaha Real Madrid, Manchester City, Liverpool, iyo Inter Milan, ayaa ugu muhiimsan kulamadii xala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa xalay la ciyaaray kulamo xiiso badan oo ka tirsan ciyaaraha guruubyada ee tartanka horyaallada Yurub ee Champions League. Kulamadii ay ciyaareen kooxaha Real Madrid, Manchester City, Liverpool, iyo Inter Milan, ayaa ugu muhiimsan kulamadii xalay la ciyaaray. Bayern Munich iyo Lokomotiv Moscow oo wada ciyaaray ayaa waxa ay 2-1 guushu ku raacday kooxda Bayern Munich waxaana labada gool u saxiixay kooxda Bayern Munich ciyaariyahannadeeda Goretzka iyo Joshua Kimmich Liverpool iyo FC Midtjylland oo wada ciyaarayna Liverpool ayaa guul dirqi ah ka gaartay Midtjylland waxaana goolasha u kala saxiixay ciyaaryahanada kala ah Diogo Jota iyo Mohamed Salah. Real Madrid ayaa ka badbaaday guuldarro soo gaarta kulankeedii labaad oo xiriir ah wareega guruubyada-yada tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan, kaddib markii ay barbar 2-2 ah ku kala baxeen naadiga Borussia Moenchengladbach waxaana goolasha u kala dhaliyay Real, Karim Benzema iyo Casemiro. Ugu danbeynna kooxda Manchester City ayaa dhankeeda guul ka gaartay kulankii ay la ciyaartay Marseille, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-3, waxaana goolasha u dhaliyay Man City Ferran Torres, Ilkay Guendogan iyo Raheem Sterling.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip