Mas'uul Ka Tirsan Puntland Oo Qarax Loogu Xiray Gaarigiisa

0
Friday October 16, 2020 - 18:59:42 in Wararka by
  • Visits: 372
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul Ka Tirsan Puntland Oo Qarax Loogu Xiray Gaarigiisa

    Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa ku warramaya in Goordhaweyd uu qarax ka dhacay Magaalasaasi, waxaana jugta qarax si weyn looga maqlay Xaafadaha ay ka Kooban tahay Gaalkacyo. Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa ku warramaya in Goordhaweyd uu qarax ka dhacay Magaalasaasi, waxaana jugta qarax si weyn looga maqlay Xaafadaha ay ka Kooban tahay Gaalkacyo. Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in Gaarigiisa loogu xiray Gudoomiyaha maxkamada racfaanka Gobolka mudug ee Puntland maxmuud cismaan aadan, waxaana la sheegay in uu ka bad-baaday guddoomiyuhu qaraxa la doonayay in lagu dilo, kaasi oo gaarigiisa loogu xiray. Lama soo warin khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxaas, waxaana bur bur xooggani uu soo gaaray gaariga qaraxa lagu xiray iyo goobta uu yaallay.Qarax ka dib ayaa waxaa Ciidaanka ammaanka waxa ay sameeyeen Howlgal iyo baaritaan ku aaddan qaraxa Miinada ah ee lagu xiray gaariga Guddoomiyaha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip