Siyaasi ma noqon karo Anigu!!!= Sabab.Go'aanka ha ku deg degin=.

0
Saturday October 10, 2020 - 21:01:26 in Wararka by
  • Visits: 1554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi ma noqon karo Anigu!!!= Sabab.Go'aanka ha ku deg degin=.

    Azerbaijan waa wadan Muslim ah. Armenia waa wadan Kirishtaan ah. Markii Azerbaijan ey Qabsatay Qeyb ka mid ah Armenia waxa ey ugu Tageen Masjid weyn oo Taariikhi ahaa oo Gaalada Armeniyiintu ey ku xareeysan jireen Lo' iyo Doofaaro. inkasta oo ey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Azerbaijan waa wadan Muslim ah. Armenia waa wadan Kirishtaan ah. Markii Azerbaijan ey Qabsatay Qeyb ka mid ah Armenia waxa ey ugu Tageen Masjid weyn oo Taariikhi ahaa oo Gaalada Armeniyiintu ey ku xareeysan jireen Lo' iyo Doofaaro. inkasta oo ey dhaqan Dooriyeen Masjidka haddana ma burburin Armeeniyiintu. ( F.S: 1, 2, & 3aad) Go'aanka ha ku deg degin. Dhinaca kale Fiiri: Masjidkii iyo Qabrigii Nabi Yunus CS ee ku yiil Magaalada Mowsul ee Dalka Ciraaq waxaa Qarax weyn ku xiray oo Burburiyay Koox Muslimiin ah oo ka soo hor jeeday koox kale oo iyana Muslim ah. Masjidkaa oo dhisnaa kumanyaal Sanno. ( F.S: 4, 5 & 6aad) Go'aanka ha ku deg degin. Dhulka la isku heeysto ee Nagorno Karbakh waxaa la isku Raacaan yahay in ey leedahay Azerbaijan, Laakin ey Maamusho Armenia .Maxaa looga heeystaa?. Go'aankaa ha ku deg degin. Dalka Azerbaijan waxa uu xiriir fiican la leeyahay Isareal oo uu ka soo iibsaday Hub lagu qiimeeyay 1.6 Billion Dollar. Israel ayaa ku leh Saldhig ey uga duuli karto Iiraan. Shacabka wadaadaka sida, Sh. Ilqar Ibrahimoglu ma ogolo xiriir ka Yuhuud. Laakin Siyaasiyiinta sida Elman Abdullayef waa difaacayaan. waa gar leh?. Go'aanka ha ku deg degin. Azerbaijan waa Dal Hodon ku ah Gaaska iyo khayraad kale Dadkoodu waa 10 Million ,Laakin Azerbaijaniyiinta ku nool Iraan waa 15-20 Million ,qaar kalena waxa ey ku dhax milmeen Iraaniyiinta sida waalidiintii Ayatullahi Ali Khanenei. Azerbaijan waxaa la kala qeybiyay 1813, Qeeyb Iran ayey raacday Qybna Ruushkii, tan hadda xurta ah waa tii raacsaneyd Ruushkii Burburay. go'aanka ha ku deg degin. Azerbaijan waxaa ku taal 2166 Masjid ,Caasimadda Baku kaliya waxaa ku taal 120 Masjid, Magac ahaan Dadku waa Muslim laakin Badankoodu kuma dhaqmaan islamka, mana cibaadeeystaan, waxaana u sabab ah waqtigii dheeraa oo ey ka mid ahaayeen Shuuciyadii Midawgii Sufyeeti oo Islaannimada lagala dagaalay iyo Hadda oo Reer Galbeedku ey ku beereen Fikrado ka fog Islaamka. Go'aanka ha ku deg degin. Azerbaijan waa Muslimiin Shiica ah, waxaana taageera Sunni-yiinta Turkiga, iyaga oo ka soo hor jeeda Armeniyiinta Kirishtaanaka ah. ma ku saxan yihiin? Go'aanka ha ku deg degin.

Armeniyiinta Kirishtaanka ah waxaa taageera Shiicada Iraaniyiinta ahi. Go’aanka ha ku deg degin.

 
Dhanaca kale ka fiiri , Sunniyiintii Carbta ee Sacuudiga iyo Imaaraadku waxa ey Safka kula jiraan Cadawgooda Iraan oo waxa ey iyaguna wada taageeraan Armeniyiinta Kirishtaanka ah. go’aanka ha ku deg degin.
 
Shiicada Iiraan waxa ey ka soo hor jeedaa Shiicada Azerbaijan iyo Suniyiinta Turkiga Labadaba. Go’aanka ha ku deg degin.
 
Israel iyo Tukiga oo Is neceb Labuduba waxa ey la jiraan Azerbaijan. Go’aanka ha ku deg degin.
 
Faransiisku waxa uu la jiraa Armeeniyiinta Kirishtaanka ah. waxaana iska soo horjeedo Israel iyo Faransiiska, oo shalay wada ahaa isbaheeysiga Kismayo.FG: ( Laga yaabee in aad horeba u ogeeyd, Markii Magaalada Kismayo laga saarayay Al-Shabaab, Dhinaca dhulka waxaa ka soo galay Raas kambooniyiinta iyo Kenya, Dhinaca Baddana waxaa ka duqeeynayay Faransiiska iyo Israel ) Go’aanka ha ku deg degin.
 
Mareeykanka iyo Ruushka oo Danno gaar ah ilaashanayo ayaa ka wado waan waan iyo Xabad joojin ah Aaga Dagaalka ee Labada Dal, inkasta oo Go’aankii hore ee Caalamiya ahaa ee u daneeynayay Azerbaijan eynan fulin Dowladaha waaweyni. Go’aanka ha ku deg degin.
 
Anigu haddan is fiiriyay waan noqon karaa Shakhsi Muslim ah, Laakin Siyaasi ma noqon karo, Sababta oo ah Ciyaarta Siyaasadeed ee ka socoto Nagorno Karbakh ayaanba fahmi waayay oo aan ku wareeray, Kaba darane tan Dalkeeyga oo Faragalintu intaa ka sii badan tahay, sideen u fahmi karaa?
 
Haddii ey Fahmeen Siyaasiyiinta Dalkeeygu sida wax u socdaan, iyagaan uga haray, Laakin Haddii eyna fahmin, Adigaan kuu dhaafay ileeyn Anigu ma gudbe Siyaasadeed ayaan ahay.
 
Laakin yeelimaa in been la ii sheego, waxaan rabaa in aan iska hubsado Hadalka iyo Danaha siyaasiyiinta.
 
Haddii ey siyaasadu sidaa iskula meereeysato, Anigu damiin Siyaasadeed ayaan ka ahay, Adigana? Go’aanka Adigaa leh.
 


Qore:Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip