FAA'IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO MIRAHA QARAHA.

0
Thursday July 23, 2020 - 18:49:04 in Wararka by
  • Visits: 1558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAA'IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO MIRAHA QARAHA.

    Dhamaanteyn Weynu jecel nahay cunista Qaraha laakiin nasiib daro mirihiisa waanu daadinaa, marka aad akhriso qoraalkan weligaa dib uma daadin doontid ama qashinka kuma dari doontid miraha qaraha. FAA'IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhamaanteyn Weynu jecel nahay cunista Qaraha laakiin nasiib daro mirihiisa waanu daadinaa, marka aad akhriso qoraalkan weligaa dib uma daadin doontid ama qashinka kuma dari doontid miraha qaraha. FAA'IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO MIRAHA QARAHA: •CAAFIMAADKA WADNAHA : Miraha qaraha Waxa ay qani ku yihiin Magnesium , sidoo kale miraha qaraha waxey awoodaan bixinta fayo qabka shaqada wadnaha iyo dayac tirka heerka cadaadiska dhiiga ee caadiga ah. • BAABI'INTA DHAGXAANTA KELYAHA : miraha qaraha waxa ay nadiifiyaan Kelyaha iyo Kaadi heysta taas oo ka hortagta in ay Kelyaha iyo Kaadi heysta dhagxaan ku sameysmaan. • SOKOROWGA – gacantaada oo buuxda oo miraha qaraha ah ayaad ku dareysaa hal galaas oo biyo ah dabadeedna sida shaaha oo kale ayaad u karineysaa, Shaahaasi wuxuu ilaaliyaa in sokorta dhiiga ku jirta heerkeeda caadi ahaado.

   



• BACRIMINTA LABKA – miraha qaraha waxaa kabuuxa Amino Acid muhiim ah oo ay ka mid yihiin Arginine, Lysine iyo Glutamic acid kuwaas oo door weyn ka qaata Bacriminta labka, Rabitaanka Galmada, Awooda Galma. da iyo waliba caafimaadka galmada

• CAAFIMAADKA TIMAHA , MAQAARKA IYO CIDIYAHA – miraha qaraha waxaa kabuuxa Protins kuwaas oo ka hortaga in ay timaha iyo cidiyaha jabaan waxeyna ka dhigaan kuwo xoog leh oo qurxoon.

• MirahaQaraha waxaa kujira Fiitamiino ay ka mid yihiin Thiamin – B1, Riboflavin-B2, Niacin – B3 iyo Folate- B9, B6.

• Miraha Qaraha waxaa kkujira macdano ay kamid yihiin Potassium, Magnesium, Zink, Iron ( Bir ) , Phosphorus iyo Copper.

By. Muse Mohamed Osman.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip