
Qurba joogeey Naga xishooda, haddii kale!!!. =Faallo=
			Wiil Dal joog ah oo ka soo qalin jabiyay Jaamacada Ummadda, ayaa Magaalada Xafiis kasta oo Shaqo uu ka doonto waxa uu ugu tagaa Qurba joog iyo Sujuu, waxa uu Shaqo ka raadsaday Madaxtooyada, Wasaaradaha, Xalane, Xafiisyada Axsaabta Mucaaradka, Hotelada ,Dowlada hoose, markii dambe ayuu shaqo ka doontay Shirkadda Hormuud, waxaa lagu yiri: waxaa banaanaa hal jago oo aheyd Maareeyaha Qubuuraha Barakaad oo ah dhul ey ku deeqday shirkadda Hormuud iyadiina waxaa hadda loo magacaabay ,Nin UK ka yimid oo wato shahaado sida loo maareeyo Qubuuraha.                                
        
	        
            
	
		
			
	
		
			
				
					         
				
					
				
					
				
					
				
					
				
					
				
					
				
					
                  
    
        
  
             Waxa uu goostay in uu shaqo ka doonto Gobalkii uu u 
dhashay, Magaala Madaxda waxaa joogay Madaxweynaha "Reerka land” oo 
Holland ka yimid, inta badan Xafiisyadana waxaa joogay Dad Jaakado wada 
wato oo Bidaar leh. Waxa isku qaban waayay Cimiladda Kuleeylkeeda iyo      
Jaakadaha. iyo Dadka Magaaldu Hidda ahaan DNA kuma badneeyn Dad Bidaar 
leh. waxa uu tagay dowlada hoose, waxa uu ugu tagay Xiriiriyaha    
Bushashka iyo Cooshashka oo ah Gabar Germalka ka timid Iyo Madaxa 
Kawaanada Gowraca Xoolaha oo ah khabiir Sweden ku qali jiray Digaaga.
Waxa uu u sii gudbay Degmadii, waxa uu ugu tagay 
Saldhiga Police-ka Nin Jeneral ah iyo 6 wiil oo Police-ka Tolka ah, 
Taliyihii ayaa yiri: "Home security of US” ayaan muddo ka soo 
shaqeeynayay, waxaana ka mid ahaa "American Marines”.
              Waxa uu u gudbay Tuuladii Asal ahaan uu ka soo jeeday, 
waxa uu la kulmay iyada oo Tolka loo duubayo Ugaas Cusub oo Usbuuc ka 
hor ka yimid Dalka Norway oo leh waxaan soo bartay "Clan conflict 
reconciliation” sida loo xaliyo khilaafka Qabiilada, in kasta oo Tuulada
 ey lo’ badani joogtay Haddana waxaa Duubka cusub lagu shubayay Caanaha 
"Al-Maraaci” ee Lo’da Sucuudiga, Caruurtana waxaa loogu labisay Qamiisyo
 ey keentay "Qatar Charity”.
               Waxa uu u sii gudbay Baadihiihii si uu ula noolaado 
Aabihii oo Geel ku dhaqdo Miyiga, waxa uu ugu tagay Mid ey ilma Adeer 
ahaayeen oo NGO wato iyo Nin Cadaan ah, waxa uu yiri: Ninkaan Cadaanka 
ahi maxuu ahaa?. waxa lagu yiri: waa khabiir Kanidyaan ah oo ku 
takhasusay sida Geela loo dhaqdo, waxa uu weeydiiya Kanada Geel miyeey 
dhaqdaan? Waxaa lagu yiri: Maya.
Waxa uu yiri: oo wixii aan soo arkayay oo dhan 
Shahaadadoodu ma sida tii khabiirka Geela Kanada ee aan Mooradeena ugu 
imidaa?. Aakhirana waxaan ugu tagi doonaa kuwo Qurba joog ah oo leh 
khibrad dhimasho ayaan heeysanaa, iyo kuwa leh Shahaado camalka suuban ”
 Good Conduct” ayaan heysanaa oo aan Jaamacadda EU-da ka qaadanay.
           Qurba joogeey ka Xishooda Ardaydeeyda, waa leeydin 
Caarifay. Waana la fahmay in Qurba joogta qaarkood ey wataan Shahaadu 
iyo khibrad aan waafaqsaneeyn qofka wato, taana Dal kuma dhismo. Kuwa 
Dalka wax ku bartay, Fursadaha Shaqo ha ka xadina, Annigu waan ku 
kalsoonahay Ardaydeeyda, waxaan hubsaday Aqoonta inta badan Qurba 
joogta, ma ahan kuligood. waan hubaa in Daljoogtu ey idiinkaga Aqoon 
badan yihiin Howlaha aad hadda heeysaan Qaarkood. Imtixaan Diyaar ma u 
tihiin?.
Qore: Yahya Amir
                
      

                0            



                              
                              
                              
Qurba joogeey Naga xishooda, haddii kale!!!. =Faallo=
Wiil Dal joog ah oo ka soo qalin jabiyay Jaamacada Ummadda, ayaa Magaalada Xafiis kasta oo Shaqo uu ka doonto waxa uu ugu tagaa Qurba joog iyo Sujuu, waxa uu Shaqo ka raadsaday Madaxtooyada, Wasaaradaha, Xalane, Xafiisyada Axsaabta Mucaaradka, Hotela