HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH AXAD 16-KA JUUN 2020-KA

0
Tuesday June 16, 2020 - 10:11:23 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH AXAD 16-KA JUUN 2020-KA

    Madaxweyne Farmaajo oo kusoo lab tay Muqdisho iyo wararkii ugu dambe eyey shirka Jabuuti Madaxweynaha JFS Md.Maxamed C/hi Fa rmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay gabal dhacii Shalay, ka dib markii uu dalka Jabuuti uga qa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo oo kusoo lab tay Muqdisho iyo wararkii ugu dambe eyey shirka Jabuuti Madaxweynaha JFS Md.Maxamed C/hi Fa rmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay gabal dhacii Shalay, ka dib markii uu dalka Jabuuti uga qayb galay shi rka 2maalin qaatay oo ay ku wadahadlayeen DFS& Somaliland. Wafdiga Madaxweynha ee wa dahadalkaas ku metelayey DFS waxaa qeyb ka ahaa R/w asaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo haatan ku haray dalka Jabuuti. R/Wasaare Kheyre ayaa kor-joogteyn doona wadahadallada ay sii amba qaadayaan guddiy ada ka kala socda 2da dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland ee Dorraad la magacaabay. Shirka guddiyada farsamada ee 2da dhinac ee DFS iyo Somaliland ku kala matalaya wada hadallada ayaa Shalay ka furmay dalka Jab uuti. Guddiyadan ayey Dorraad 2da dhinac ee So omaaliya iyo Somaliland ku heshiiyeen in la sa meeyo, si ay u sii amba qaadaan wadahadalla da,waxaana loo asteeyey in xaruntoodu aha ato dalka Jabuuti. Furitaanka shirka Shalay waxaa joogay 3da madaxweyne ee Jabuuti, Soomaaliya iyo Som aliland, intaas ka dib ayaa la sheegay inay shir wada galeen guddiyada farsamada, iyadoo wa dahadallada u fududaynayo wasiirka arrimaha dibedda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.

Beesha caalamka oo war ka soo saar tay si yaasadda Soomaaliya iyo tallaab ada uu qaaday Farmaajo

Beesha caalamka oo war ka soo saartay si yaasadda Soomaaliya iyo tallaabada uu qaad ay Farmaajo Saaxiibada caalamka ee Soom aaliya ayaa soo dhoweeyey hindisaha uu 14-kii bishan soo jeediyey madaxweynaha Soo maaliya M.C/hi Farmaajo, oo uu kulan kula yee lanayo madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu ammaanay qorshahan, oo ay ku sheege en mid lagu xoojinayo wada-shaqeynta laguna abuurayo heshiis.

"Waxaan ugu baaqeynaa ho gaamiyayaasha Soomaaliya inay uga faa’iideystaan fursaddan inay isku ra acaan hab horey loogu dhaqaajin karo ahmiy adaha qaranka ee taagan, oo ay ku jiraan doo rashooyinka, ayaga oo uga faa’iideysanaya shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qor aalka. "Waxaan sidoo kale soo dhoweeneynaa dadaalladii kale ee ay sameeyeen wakiilo kala matalayey DFS & maamul Goboleedyada kuw aas oo gacan ka gaystay inay saldhig u noqd aan wada-hadallada.”

Beesha caalamka ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo abaabulo, ayada oo aan dib u dhi gsi lagu sameyn, kulamo fool-ka-fool ah iyo kuwa ku dhaca qaab online ah. "Waxaan soo dhoweeneynaa dadaallada socda ee ku waja han wada-hadalka, dib u heshiisiinta, iyo tanaa sulka ay sameynayaan hogaamiyayaasha. Wa xaan sidoo kale soo dhoweeneynaa raadinta xal loo helo khilaafyada siyaasaddeed ayada oo ay ka maran yihiin rabshado, oo ay ku jirto arrinta Jubaland,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha caalamka ayaa sheegtay inay sug eyso horumar deg deg ah oo laga sameeyo arr imaha muhiimka u ah Soomaaliya, ayada oo loo marayo wada-shaqeynta dib uga dhex bil laabaneysa hogaamiyayaasheeda.

"Waxaan u taagannahay oo diyaar u nahay inaay taageerno dadaallada sare loogu qaada yo siyaasad loo dhan yahay iyo ilaalinta mind imada dalka.” Qoraalkan ayaa waxaa si wada jir ah usoo saaray: *Belgium, Canada, China, Denmark, Egypt, European Union, Finland, France, Germany, Intergovernmental Authority on Development, Italy, Ireland, Kenya, Netherl ands,Norway, Spain, Sweden, Switzerland, Ug anda, United Kingdom, United States, United Nations.

Madaxweynaha Galmudug oo kulamo ka wada degmada Afbarwaaqo

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ay wehliyaan xubno ka tirsan G/wasiirada Galmudug iyo xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliye, ayaa kul amo wadatashi ah la qaatey Bulshada ku dhaq an degamada Afbarwaaqo ee gobolka mudug.

Madaxweynaha ayaa intuu joogey degmada Afbarwaaqo ayuu dhagax dhigay Xarumaha adeegyada bulshada degmada Af-barwaaqo ee G/Mudug, iyada oo dhismaha Xarumaha fu lintooda iska kaashan doonaan Galmudug iyo Jaaliyadaha Galmudug.

Xarumahaan uu dhagax dhigay Md Qoorq oor ayaa kala ah Isbitaalka Degmada, Dugsi Sare iyo Balaarinta Xarunta Saldhigga Degm ada Af-barwaaqo.

Madaxweyne Farmaajo oo ballanqaad muhi im ah ka sameeyey kulanka Shalay ee shirka Jabuuti

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Shalay war kasoo saartay kulanka Wada-hadalada So maliland ee ka socda dalka Jabuuti oo Shalay galay wajigii labaad.

Villa Somalia ayaa shirka Wada-hadalada ku tilmaamtay mid ah ‘dhab u heshiinta DFS iyo Somaliland’, xili ay Somaliland mowqif ad ag ka taagan tahay ‘midnimo dib u dhalata’.

Madaxweynaha Soomaaliya oo shirka Shalay hadal ka jeediyay shirkaasi ayaa dar-daaran dheer ujeediyay guddi ga farsamo ee lagu wareejiyay Wada-hadaladaasi,isagoo bal lan-qaaday in DFS ay xaliney so tabashada Somaliland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhigiisa dalka Jabuuti uga mahad-celiyay kaalinta uu ku lah aa wada-hadalada dib uga furmay dalkaasi maalintii Dorraad aheyd. Farmaajo ayaa guddig aasi ku wareejiyay awooda Wada-hadaladaasi, isagoona xusay inuu kalsooni badan ku qabo sidii ay uga talin lahaayeen masiirka umadda kala maqan 30-ka sanno. "Shirkan inshallaah wa xaan rajaynaynaa in uu noogu dhammaado guul oo aan uga farxinno shacabkeenna Soom aaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaan ka hadlaynaa sidii loo walaaloobi lahaa, wax loo wada qabsan lahaa, si dhab ah loo wada hadli lahaa, 30sano waan wada joognay, 30sano wa an kala maqnayn, 30-ka sano ee soo socda caruurteenna maxaan uga tagnaa oo dhaxal ah?” ayuu yiriMadaxweyne Farmaajo.

Wuxuuna intaas kusii daray "Annagu waan idin siinnay kalsoonidayada dadkii ugu aqoon ta badnaa ayaad tihiin Soomaalida, waxaa loo baahanyahay in aad ka fakartaan mustaqbalke enna 30-ka sano ee soo socda, waxaan idiin rajaynaynaa guul, waxaan idiin rajaynaynaa is afgarad walaaltinimo ku dheehan”.

Madaxweynaha ayaa muujiyey ifafaalaha shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku qabaan gogosha ay fidiyeen walaalaheenna dalka Jabuuti shacab iyo dowladba, maadaa ma ay baal dahab ah kaga jiraan dowlad dhis ka dalkeenna iyo garab istaagga shacabkeen na Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo aya a la wadaagay madaxdii kulanka kasoo qeyb gashay iyo be esha caalamka sida DFS ay uga go’an tahay in wadahadal maan furan oo miro dhal ah lagu xalliyo tabashada Somaliland.

Muuse Biixi: Wixii Soomaali dan u ah oo aan ka fursan wayno waan samayn

Wejigii 2aad ee Wada-xaajoodka u dhax eeya DFS& maamulka Somalilamd ee Dorraad ka furmay Waddanka Jabuuti ayaa maalintii 2aad galay. Madaxwey na ha maamulka Som aliland Muuse Biixi Ca bdi oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa gudd ida farsamo ee wada-hadalada loo saaray kula dardaarmay in runta laga-wada hadlo islamar kaana, loo baahan yahay in shirkaasi guulays to oo arrima Wax ku ool ah ka soo baxaan.

"Dhankayaga waxaanu halkan la nimi run, wixii aanu dhibaato u aragno in aanu sheegno, wixii Soomaali u dan ah ee aanu ka fursan wa ynayna waanu la nimi, Walaalahayo waxaanu u sheegaynaa si walaaltinimo ah waxaanu di yaar u nahay inaanu dhegaysano rayiga naga duwan ee kaayaga ka kafog inaanu dhegays ano” ayuu yiri madaxweyne Biixi.

"Dorraad arrintu waxay ahayd Madaxweyn ay aashii baa shiray oo hadlay oo la dhegaysa na ayey,masuuliyadii waanu soo wareejinay gu dd idan wasiirada ah baa lagu soo wareejiyey ann agu tilShalayyadii waanu dhamaynay, Sha lay waxaa lasoo eegayaa guddida farsamo ee ha lkan ku hadhay inay keento maxaaa inoo dan ah maxa ugu dhow eenku heshiin karnaa ”

Shirkaddaha diyaaraddaha Mareykanka oo mamuucaya in ay qaadaan qof aan xirneyn Maaskaro

Shirkadaha waaweyn ee diyaaradaha Marey kanka ayaa uga digay rakaabka diida inay xirt aan maaskaro in la mamnuuci karo, islamar ka ana laga reebi doono duulimaadka.

D/Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in Gawaarida ay ka hor istaagi karaan qofkasta oo aan xirneyn Maskaro in ay gudaha u galan.

Shirkadaha diyaaradaha ee leh siyaasadaha adag ayaa waxaa ka mid ah American Airlines, Delta Air Lines, iyo United Airlines.

"Shirkadaha diyaaradaha ayaa si cad ugu sheegi doona rakaabkooda siyaasadaha sha qsiyadeed ee daboolaya wajiga ka hor duulim aadka, waxaa ku xigi doona ogeysiis leh faah faahin gaar ah” ayaa lagu yiri War kasoo bax ay Shirkaddaha diyaaraddaha Mareykanka.

Waxaa ay intaasi kusii dareen” qofkaste oo ka soo bixi waaya Shuruudaha waxaa uu la ku lmi dona Caqabad ay ka mid tahay in duulimad ka laga reebo ”


Maxay yihiin Guddiga farsamo ee loo xilsaaray wadahadalada DFS iyo Somaliland?

Shirka dalka Jabuuti uga socda DFS & Som aliland ayaa galay maalintii labaad.

Shirka waxaa Shalay lagu wareejiyay Guddi farsamo oo ka kala soc da DFS iyo Somaliland, si ay usii ambaqaadaan wadahadalada 2da dhi nac. Madaxweynaha DF S Md.Maxamed C/hi Farmaajo ayaa sheegay in guddigu ay haystaan kalsooni buuxda oo ay kaga talo bixiyaan masiirka umadda Sooma aliyeed.

Dhanka kale Muuse Biixi ayaa Guddiga fars amo kula dardaarmay inay keenaan waxa dan tu ku jirto iyo waxa ugu dhow ee lagu heshiin karo.

Guddiga farsamo ee DFS ku matalaya shir ka Jabuuti

1- Maxamed Cabdi Sabriye, W/Arrimaha Gudaha iyo Federaalka

2- Cabdirashiid Maxamed Axmed, Wasiirka Ba troolka iyo Kheyraadka

3- Xuseen Cabdi Cilmi, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dastuurka

4- Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiyaha Gu ddiga madaxa bannaan ee fulinta iyo dib u eegista Dastuurka.

5- Suleymaan Maxamed Axmed, Xeer Ilaaliya ha Guud ee Qaranka.

6- Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim

7- Balal Maxamed Cismaan, La-taliye sare iyo Wakiilka Madaxweyne Farmaajo ee Arrimaha Geeska Afrika.

Guddiga farsamo ee Somaliland ku matalaya shirka Jabuuti

1- Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, Wasiirka Arrimaha Dibada

2- Sacad Cali Shire, Wasiirka Maaliyadda

3- Maxamuud Xasan Saajin, Wasiirka Ganacs iga

4- Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Xannaanad a Xoolaha iyo Kalluumeysiga

5- Adna Aadan Ismaaciil, La-taliyaha madaxw eynaha

6- Cabdifitaax Siciid Axmed, Wakiilka Somali land ee Jabuuti

7- Mubaarak Ismaaciil Taani, Wakiilka gaarka ah ee madaxweynaha.

Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo xallisay cabasho la xiriirtay shuruudaha rukhsadaha isgaarsiinta.

WAR_MURTIYEED KULAN GAAR AH : Arrimaha Shuruudaha Rukhsadaha Isgaa rsiinta W/Boostada, Isgaarsiinta & Teknoloji yada ayaa soo qabanqaabisay kulan looga ha dlayay arrimaha shuruudaha rukhsadaha isgaa rsiinta ka dib markii 7dii Abriil 2020 ay shirkadaha AMTEL, HORMUUD, SOMT EL & GOLIS, oo wa da jira ugu soo gudbiyeen Wasaaradda, caba sho ku saabsan shuruudaha rukhsadaha isgaa rsiinta ee uu ku soo rogay Maamulka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen shirkada ha cabashada qabay, Maamulka Hay’adda, Guddiga Hay’adda, Xafiiska Garyaqaanka Guud iyo W/Boostada oo gogosha dhigtay ay aa waxaa looga doodayay qodobada ay ku ka la aragti duwan yihiin shirkadaha, Maamulka Hay’adda Isgaarsiinta iyo Guddoonka Hay’ad da Isgaarsiinta, iyada oo dooddana uu gar-wa den ka yahay Garyaqaanka Guud ee Qaranka.

Dood ka dib, waxay dhinacyadu hoosta ka xar riiqeen :

1.Guddiga Maamulka Hay’adda waxay ansixi yeen shuruudaha rukhsadaha 04 Febraayo 2019, iyadoo ay goobjoog ka wada yihiin. Noo ca rukhsadda markaasi la ansixiyay waxay ga ar u ahayd shabakadaha iyo adeegyada isgaa rsiinta.

2. Maamulka Hay’adda Isgaarsiinta wuxu 2019 -kii ka shaqeeyay Nidaamka Mideysan ee Ru khsadaha, kaasi oo ay dhammaan qeybaha isgaarsiintana ku jiraan.

3. Hase yeeshee waxaa la isku raacay in Nid aamka Rukhsadaha Mideysan ee uu Maamul ka Hay’adda uu faafiyay 31/05/2020, in uusan marin habkii go’aan-gaarista ee xeer-hoosaad ka Hay’adda, taas oo uu maray midkii hore ee la ansxiyey Febraayo 2019, sida ay qabaan xe er-hoosaadka Hay’adda iyo Sharciga Isgaars iinta Qaranka.

4. In wax-ka-beddel kasta oo lagu sameeyo xe er-nidaamiye uu ansixiyey Guddiga Hay’adda uu u baahan yahay ogolaanshaha Guddiga Ha y’adda si loo ilaaliyo nidaamka isla-xisabtanka.

5. In qiimayaasha iyo muddada ku qoran Nida amka Mideysan ee Rukhsadaha aan lagala ta shan Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Wasaaradda Maaliyadda, sida ku xusan Qodobka 44-aad iyo 45-aad ee Sharciga Isga arsiinta Qaranka.

GO’AANNO & TALO-SOOJEEDIN

Dhinacyadii ka qeybgalay shirka waxa ay W/ Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada u soo jeediyeen talooyinka iyo go,aanada soo socda:

1. In lagu dhaqmo shuruudaha rukhsadaha isg aarsiinta ee Guddiga Hay’adda (Board-ka) uu hore u ansixiyey 04/02/2019 kadib marka la dhamaytiro, inta dokomintigii beddeli lahaa laga ansixinayo.

2. Nidaamka Mideysan ee Rukhsadaha waa nidaam ballaaran oo shaqo badan ay geliyeen maamulka Hay’adda. Hase yeeshee, waxaa loo baahan yahay in la marsiiyo hannaanka dajinta xeer-nidaamiyeyaasha Hay’adda, isla markaana lagala tashado Shirkadaha Isgaarsi nta, W/isgaarsiinta iyo Maaliyadda.

3. In aan lagu dhaqmi karinin Shuruudaha cus ub ee Rukhsadaha iyo Nidaamka Mideysan ee Rukhsadaha ee uu Maamulka Hay’adda soo saaray 31kii May 2020.

4. In Jadwalka Qiimayaasha Khidmaha & Ru khsadaha markii ay ka soo dhammaato Hay’adda in loo gudbiyo Wasaaradda Boosta da, Isgaarsiinta & Teknolojiyada si loogala ta shto Wasaaradda Maaliyada, iyadoo tixgelin la siinayo xaaladda adeeg-bixiyaha si waafaqsan qodobka 40(2) ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.

Ugu dambeyntii ka-soo-qeybgalayaasha shir ka waxa ay u mahadceliyeen Garyaqaanka Gu ud ee Qaranka oo ku daray shirka talooyin qii mo badan oo fududeeyey isfahmka iyo iftiimin ta qodobada cabashadu ka timid.

SOMALILAND oo shaacisay qodobada ay ku haysato DF

Xukuumada Somaliland ayaa Shalay war kale kasoo saartay wada-hadalada ka socda dalka Jabuuti, xili la rumeysan yahay in lagu kala kacay qodobadii ugu muhiimsanaa ee shirkaasi.

W/Arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon oo wareysi siiyay idaacada VOA-da ee laanteeda Afka So omaaliga ayaa si cad u soo bandhigay dhowr qodob oo lagu heshiiyay wada-hadaladii hore, balse aan weli fulin.

Wasiirka ayaa sheegay in hore loogu heshi iyay in gebi ahaanba la joojiyey hadalka xanaf ta leh ee warbaahinta isku mariyaan madaxda 2da dhinac, iyada oo xiligan arrimahaasi ay ma rarka qaar sare usii kiciyaan xiisada 2da dhin ac. Qodobada Somaliland ay ku doodeyso ina ysan weli fulin DFS ayaa ku qotoma kuwo la xiriira deeqaha caalamka in si madax-banaan loo siiyo Somaliland, oo aan loo soo marin DF S oo iyadu sii gaarsiisa deeqaha beesha caal amka maamul goboleedyada dalka.

Faratoon ayaa sidoo kale si cad u sheegay in DFS ay hore ugala heshiiyeen in si wada-jir ah loo maamulo hawada Soomaaliya, isla mar kaana si isku mid ah loo qeybsado lacagaha ka soo baxa, midaasi oo aysan weli fulin DF farmaajo , waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wasiirka ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday inuu wax faah-faahina ka bixiyo waxyaabaha laga yeelayo qodobadaasi uu sheegay inay ka fuli waayeen DF, balse uu xaqiijiyay in 2da dhi nac ay weli isku hor-fadhiyaan kulamo.

Somaliland ayaa ku doodeysa in fulin la’aan ta qodobadaasi ee hore loogu heshiiyay ay sii fogeynayaan is aaminada 2da dhinac, taasi oo meesha ka saareysa kalsoonida lagu qabi karo wada-hadalo midho dhala.

Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ee Dorraad ka furmay dalka Jabuuti ayaa weli socda, iyada oo wajigii 2aad ee kulankaasi uu Shalay ka furmay dalkaasi, waxaana la filayaa in war-murtiyeed rasmi ah laga soo saaro kul amadaasi.

Anisa Haji Muumin oo loo magacabay W/xigeen Gobolka Minnesota

Warfa oo ah wasiirka kuxigeenka wasaara da Shaqada iyo Horumarinta Dhaqaalaha (DEED) ayaa inoo xaqiijey in la magacabay wasiir ku xigeen kale wasaaaradooda,

Tasoo qaabilsanaan doonta Qaybta Arimaha Socdaalka iyo Qaxootiga, waxaana xilkaan qa banaya Anisa Haji Muumin oo ka mida dadka dagan gobolka Minnesota.

Newsinsid Anisa ayaa mar ka ahayd wasiiir ka arimaha haweenka & Qoyska ee Dowlad goboleedka Sooomaaliyeed ee Puntland , anisa haji muumin waxay kaloo in badan ka shaqaynaysay arimah bulshada ee gobolkaan MN

Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaa qo mawqif cusub oo DEED diirada saareysa ka caawinta dowladda gobolka isu keenida dadka dalkaan ku cusub, iyadoo la shaqayn do onta loo shaqeeyaha, dowladaha hoose, taba rucayaasha iyo la-hawlgalayaasha kale si loo abuuro bulsho horemar samaysa ayuu yiri Hamsa oo soo dhaweynaya Anisa.

Shalay, Anisa Hajimumin ayaa ka mid ah aan doontakooxda hogaaminta ee DEED iya da oo ah Kaaliyaha Wakiilka Qaxootiga iyo Ari maha Qaxoontiga, waxuuna Hamsa sheegay inay buuxinayso baahi muddo dheer ka jirtay Minnesota. Anisa waxay u noqon doontaa khabiirka ugu horreeya ee gobolka ee arrima

ha soogalootiga iyo arrimaha qaxootiga


Maxay wadahadalada Somaliya iyo Somali land kaga duwan yihiin kuwii hore?

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay in wa dahadalada Somaliya iyo Somaliland uga soc da dalka Jabuuti ay dhabaha u xaa rayaan in horey loo sii amba-qaado wadahadaladii hakadka ku jiray in dhawaalaba.

Xil. Dalxa oo xubin ka ah Guddiga Dhab U He shiinta DF&Somaliland ayaa sheegay in wa dahadaladan ay kuwii hore kaga duwan yihiin, iyadoo ay markaan si rasmiya isu hor fariisteen Madaxdii labada dhinac.

Xil.Dalxa oo la hadlay VOA ayaa yiri "Kala maqnaanshihii, wadahadalo la’aantii iyo kala oodnaantii ayaa waxay ka fureysaa albaabkii ku hor gudbanaa inay wada hadlaan dadkaa walaalaha ah.” "Awal siyaasiyiin hoose ayay ku bilaabaneysay wadahadalada, heer Wasiiro ama dad ayaga metela oo wakiilo u ah ayaa is aragooda xoogiisa waxay ku soo socotay in muddo ah.

Dowladdan dowladdii ka horeysay, tii Mada xweyne Xasan Sh. &tii Sh.Shariif, intaba waa lagu haminaayay marwalba. Marnaba walaala ha maqnaanshahooda iyo inay ayaga go’een qof kasta waxaa weeye wuu tabaayay, sidii ay aga loogu ergeen lahaa iyo sidii lagu qancin la haa ama wixii tabasho ay qabaan loo hor fari isan lahaa.”

"Marka tani waxay tallaabo horta ay u tahay bilowga inay furanto wadadii xirneyd, ka dibna lagu sii socdo.”

Ganacsiyo Soomaali leeyihiin oo lagu boobay Koonfur Afrika

Wararka laga helayo M/Johansburg ee dal ka K/Afrika ayaa waxaa ay sheegayaan in saa cadihii la soo dhaafay Gudaha Magaaladaaasi lagu boobay Goobo Ganacsi ay Soomaali leeyihiin.

Qaar kamid ah dadka ku nool dalka K/Afrika ayaa ka dhigayay deegaanka Bophelong dibadbax ay uga caba nayEen Koronto la’aan ka jirta dalkaas,iyaga oo xilliga banaanbaxa boobay goobo Ganacsi farabadan oo ay leeyihiin Soomaali iyo dad kale. Qaar kamid ah Xubnaha Ururka Mado wga Ganacsataa dalka K/Afrika ayaa waxaa ay sheegeen in Kooxaha Burcadda ah ay dhi baatooyin kala duwan oo isugu jira dil iyo boob ka qabaan,isla markaana aysan jirin cid wax ka qabaneysa.

Dalka K/Afrika ayaa 7yadii la soo dhaafay wa xaa dilal loogeystay Dhalinyaro Soomaali ah, kuwaas oo Ganacsi ahaan u joogay dalkaas.

Dowladda Soomaaliya oo diiwaangelisay kiisas Cusub oo Coronavirus ah

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bul shada XFS, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 39 xaaladood oo COVID-19 ah iyo 45 qofood oo xanuunka ka boqsootay.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Ban aadir 14 Ruux, Puntiland 12, Somaliland 8 , Jubbaland 3 halka Koonfur Galbeed laga helay 2 qofood . Bukaannada cusub 51 ayaa rag ah 22-na waa haween.

2,642 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa gu ud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, 622 ayaa guud ahaan ka bogsootay halka Geerida ay mareyso 88.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ku baaqday in wadajir looga qayb qaato dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka Feyruska Karoona, in dadka waaweyn iyo dadka xaruunnada daa ha qaba si gaar ah xaaladdooda looga taxad daro iyo in wacyi gelinta iyo talooyinka caafim aad si saxan loogu dhaqmo.

Ciidamada AMISOM oo howlgal balaar an ka wada Degmada Balcad ee G/Sh/Dhexe.

Saldhig Ciidamada M/Afrika ee ku howlgal ka Magaca AMISOM gaar ahaan kuwa Dowl adda Burundi ay ku leeyihiin D/Ba lcad waxaa Habeen hore we eraray Al-Shabaab. Dadka degmada waxay sheegeen inay maqlayeen Madaafiic ku dhac aysay agagaarka Xerada Ciidamada AMISOM, halka dhankooda ay jawaab bixinayeen Ciida mada Burundi ee xiran Koofida Cagaaran ee Nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Ciidamada Burundi ayaa Shalayy howlgal ka wada Degmada Balcad iyo duleedka degma daas oo ay saldhigyo ciidan ku leeyihiin sida ay sheegeen dadka Deegaanka.

Askarta ayaa M/Afrika ayaa baareysa goobo la sheegay inay ku dhaceen madaafiicda lagu soo tuuray, inkasta oo ay adag tahay in la oga ado khasaaraha gaaray Ciidamada Burundi ee ku jira howlgalka AMISOM.

Dhanka kale D/Balcad maalmihii la soo dha afay waxaa ku soo kordhay weerarada ay ka geysanayaan Al-Shabaab, Habeen ka hor wax ay Al-Shabaab sheegteen inay weerareen Bar kontorool oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda.

Puntland oo sheegtay inaysan aqoons an doonin natiijada ka soo baxda shirka Jabuuti

Madaxweynaha Puntland Siciid C/hi Deni oo Khudbad ka jeediyay Furitaanka Kalfadhiga 46 -aad ee Baarlamanka Puntland ayaa si rasmi ya u shaaciyay in Puntland aysan aqoonsan doonin Natiija kasta oo ka soo baxda wada-hadalka DFS iyo Somaliland uga socda wad danka Jabuuti.

Md.Deni wuxuu sheegay in Wada-hadal kas ta oo dhexmara Dowladda dhexe iyo Somali land oo aan door laga siin Puntland aysan aq oonsan doonin Natiijada ka soo baxda maadaa ma ay Xuduud la wadaagto Somaliland isla markaana ay Degaanno ka haysato.

Wada-hadallada u socda DF iyo Somaliland oo Dorraad ka furmay Waddanka Jabuuti ayaan weli si cad loo shaacin Ajandaha looga hadl ayo marka laga reebo War-murtiyeed horudh ac ah oo ka soo baxay Shirka kaas oo ay ugu muhiimsan tahay in uu sii socdo Wad-hadalka labada dhinac.

Puntland & DFS ayaa waxaa ka dhex taa gan Khilaaf adag, iyadoi muddooyinkii dambe Puntland si adag uga hor imaaneysay tallaab ooyinka ay qaadeyso DFS.

Xilligan oo lagu jiro marxalad Siyaasadeed oo xasaasi ah ayaa DFS waxa ay la kulmay saa culeesaad kaga imaanaya maamul Goboledyada dalka ka jira oo markii hore aysan wanaajin xiriirkooda.

Galmudug oo ku dhawaaqday inay la waree geyso Garoomada Diyaaradaha

Wasaaradda Gadiidka Cirka iyo Dhulka ee D/G/Galmudug ayaa Shalay waxaa ay ku dha waaqday inay la wareegayso dhamaan Garoo mada Diyaaradaha ku yaalla Degaanada Ga lmudug. Garoomada oo badankood Shaqee yaa ayaa waxaa haatangacanta ku haaya Shaqsiyaad iyo Shirkaddo Gaar loo leeyahay, kuwaas oo qaata dhaqaalaha kasoo xarooda.

Warqad kasoo baxday W/Wasaaradda Gad iidka Cirka iyo Dhulka Galmudug C/risaaq Ma xamed Maxamuud ayaa lagu sheegay in mar kii la arkay baahida loo qabo hirgelinta nidaam ka dowladnimada iyo markii la tixgeliyay duru ufaha Amni ee deegaannada Galmudug la go’ aansaday in lala wareego G/ada Diyaaradaha.

D/G/Galmudug ayaa horey ula wareegay Ka stamyada degaanada Galmudug iyo Ciidamo iyo Gadiidkooda, kadib tallaabooyin dhowr ah ay qaadeen Wasaaradaha Amniga iyo Maam liyadda Galmudug.

Jabuuti oo shaacisay sababta uu u xiran yahay Duuliye Fu’aad Yuusuf

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay looga had lay arrinta maalmihii lasoo dhaafay socotay ee ku saabsan xariga nin duuliye hore ah oo lagu magacaabo Fu’aad Yusuf Cali.

Waxay xukuumadda Jabuuti been abuur ku tilShalayy wararka laga soo tabiyay xaaladda duuliya.

"Maalmo badan waxaa la faafin ayay sheekooyin salka ku haya mucaaradka oo ku saabsan eedeymo aan run ahayn iyo ku tiri ku teen aan xaqiiq ku dhisneyn oo ku saa bsan xariga Fu’aad Yuusuf Cali oo la dhigay xabsiga Gaboode. Jamhuuriyadda Jabuuti wa xay gaashaanka ku dhufaneysaa wararkan la isla dhex marayo oo ay daabaceen warbaahin ay ka mid yihiin kuwa dibadda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lagu sharraxay lix arrimo od oo dowladda Jabuuti ay ku eedeysay Fu’ aad,ayna ku sheegtay sababtu u xiran yahay .

6-da qodob ayaa kala ah sida hoos ku xus an:-

Inuu isku dayay inuu diyaarad xado Inuu diyaa raddaas burburiyay

Inuu xiriir joogto ah la lahaa awood ajnabi ah, oo ah waddan lagu magacaabo Eretariya

Inuu shaaciyay farriin qalalaase abauureysa

Inuu khatar galiyay difaaca qaranka, oo uu milatariga ku boorriyay inay amardiiddo same yaan

Inuu si shaac baxsan meel ka dhac ugu sam eeyay milatariga

Waa markii ugu horreysay ee ay dowladda Jabuuti ka hadasho arrimaha duuliyaha.

Dhanka kale, Qareenka u doodaya duuliye Fu’aad Yuusuf Cali ayaa sheegay in lagu tun tay xuquuqda dastuuriga ah ee Fu’aad.

Xigashoradiorisaala.Com


Amb Yusuf Garad: Soomaliland maxay ku faleysaa Midnimo?

Waa isbarbardhig ku saabsan matalaadda DF ah ee Soomaaliya iyo D/Somaliland.

2da dhinac markii u horreysay ee ay is hor fariistaan waxay ahayd Ja nuary, 2012. Waxay ahayd Cheve ning House oo ah meel aan ka fogeyn M/London.

Dorraad ka hor, kulankii u dambeeyay wuxuu ahaa 2014 oo ay 2da Madaxweyne ku kulme en Djibouti. 2da shir mid aniga oo suxufi ah ay aan joogay ergooyinkana gooni gooni ula kul may. Midka kale, wafdiga Madaxweynaha aya an ka mid ahaa oo miiska ayaan fadhiyay.

Intii u dhexeysay si dhow ayaan ula socday. Marka aan suxufinnimo ku shaqeynayay 2da dhinac ayaan xog wareysanayay.

Marar kale aniga oo matalaya Soomaaliya ayaan wadahadalka uga qeyb galay Istanbul, Ankara oo ahayd kulan aqoonyahanno iyo Djib outi. Qaar kale qabanqaabada ayaan wax ku lahaa. Is arag aan la shaacinna si hoose aya an xogtooda u helay.

Ku dhowaad dhammaantood waxaa ii mu uqata in aan labada dhinac ahayn isku diyaar garow xag macluumaad iyo waliba marka ay noqoto in aan waxba lala harin ee loo bareero dhinaca kale.

Waxaan qabaa dareenka ah in ay isa soo hor fariistaan koox taqaanna waxa ay ka had leyso iyo sida ay u dhigeyso, Iyo koox doon eysa Midnimo ay doonayaan in ay ku helaan "in ay u caqli celiyaan walaalhood.”

Istaraatiijiyada Somaliland waa in Soomaaliya ay noqoto laba dal oo koofuriyo Woqooyi ah.

Waxay ku bixisay dhiig, kharash fara badan iyo borobagaanda. Waa dacaayad aan kala go’ lahayn oo dadweynaha la gaarsiiyay, laguna celceliyay.

Waxaa la hubiyay in shakhsi kastaa ay farr iintu gaarto – mid awalba sidaa qabay amaba ka horreeya, mid hadda lagu qanciyo iyo mid lagu celceliyo ugu yaraan ilaa uu ka garaabo.

Waxay saaxiibbo ku yeelatay Saxaafadda Ca alamiga ah iyo diblomaasiyiinta shisheeye. Xaf iisyo u sameysan suuq geynta siyaasadda ayaa la kireystay.

Si doodda aan loo kala illoobin, marnabana aanay dadka madaxiisa uga bixin waxaa loo sameeyay astaamo lagu xusuusto.

Mid keliya haddii aan xuso waa Taallada ay dayaaradda Miigga ahi saaran tahay ee qof og in aad og tahay sheekadeeda murugada leh aanuu ka caajiseyn in uu mar laba iyo ka bad an kuugu soo celiyo.

Somaliland shakhsiyaad beey leedahay loo bixiyay mujaahiddiin. Waxay la dagaallameen oo ay ka adkaadeen shakhsiyaad astaan looga dhigay shar oo loo bixiyay faqash.

qof kastaa wuxuu ka qalin jebiyay Iskuulkaas furan ee ku saabsan wixii la soo maray iyo wa xa hadda la hasto ee aan la heleen haddii Soo maaliya laga sii tirsanaado. Aqoontaas bara shadeeda ma jirto meel ka caagga. Waxaa la gu bartaa xafladaha, xafiisyada, goobaha gana csiga, guryaha iyo saxaafadda bulshada, waxa ana laga dhegeystaa Raadiyaha iyo TV-ga. Iy ada oo ay taasi jirto ayaa marka wadahadal la tagayo waxaa la soo xulaa dadka ugu xog ogaalsan, ugu mintidsan, qaarkood ay waxy eello toos ahi soo gaartay oo marnabana aan ay suurta gal ka ahayn in uu shaki ku dhasho.

Waxaa intaa u wehliya aqoonyahanno u soo diyaariya doodda, mararka qaarna sooba raaca oo ka tirsan ergada.

Madasha ayay tagaan iyaga oo ku hubey san Taariikh si taxaddar leh loo soo xulay, xad gudubyo iyo dhacdooyin fool xun oo dhab ah iyo qaar fasiraad aan sax ahayn laga bixiyay. Iyo wax kasta oo sax ama khalad leh ee ay Somaliland ku gar heli karto kuna caddeyn karto in xalka keliyihi uu yahay in laba dal la noqdo. Intaa waxaa u dheer in shacab iyo Dowlad ba ay la xisaabtayaan wafdigu marka ay dalka ku laabtaan.

Federaalka

Soomaaliya waxaa u safta Madax ay ku jira an qaar ku soo booday ama lagu soo dhex tuu ray wafdi baxaya, xilka ay ku magacaaban yih iin awgiis ama si loo buuxiyo 4.5 beesha ay ka soo jeedaan darteed.

Xubnahaas waxaa laga yaabaa in qaarkood aanay weligood tegin, akhrin, iskuna howlin in ay si qoto dheer u fahmaan doodda Somali land waxa ay ku saleysan tahay.

In aanay aqoon taariikhda oo dhammaystiran. In aanay la socon dhacdooyinka foosha xun ee hore u dhacay, marka laga reebo in ay maql een woqooyi waa la duqeeyay.

Iskaba daa midda ka sii culus oo ah waxa la soo hor dhigi karo ee ku qancin kara reer Somaliland in ay dantoodu ku jirto Midnimada.

Istaraatiijiyada marar badan la isku dayo in lagu iibiyo Midnimadu waa niyad wanaag iyo in la yiraahdo ‘walaalayaal midnimada ayaa ka wanaagsan tafaraaruqa ee midnimada aqbala’.

Taariikh, sharciyad iyo dood Soomaaliyeed intaba dad la geli kara Somaliland kuma yara Koofurta. Waxaa ugu badan Soomaalida ka soo jeedda Somaliland ee madax iyo shacab leh ee Muqdisho iyo ku nool kana shaqeysta gobollada oo dhan.

Qaarkood sabab kasta ha keentee Midn imada ma iibiyaan. Qaar kalena, fursad looma siiyo in ay qeyb ka ahaadaan wadahadalka ama xataa ay da aha gadaashiisa ka talo bixiyaan. Soo jeedin

Soomaaliya waa dal aad u weyn oo ka weyn Ingiriiska iyo Talyaaniga oo la isku daray.

Sidaa darteed, qof kastaa arrimaha gobolkiisa ama degaankiisa wuu kaga xog ogaalsan yah ay inta kale oo dhan.

2dii Gobol ee midoobay marka uu midkood go oni isu taago, inta u dhalatay ee sidaa taageer san iyo inta diiddaniba, ariinta waa ay uga xog ogaalsan yihiin Soomaalida inteeda kale.

Waxaan qabaa in Koofurta laga furo dood Dad weyne oo qoto dheer oo ujeeddadeedu ay ta hay in ay sahasho is faham.Dooddaasi waa in ay jawaab u heshaa weydiinta ah cinwaanka qormadan – Somaliland maxay ku faleysaa Mid nimo? Madaxda Somaliland iyo shacabka taageersan waa maxay danta ugu jirta Midni mada, ee la tusi karo, la taabsiin karo ayna ku qanci karaan? Su’aashaas jawaabteeda waa in ay dusha ka bartaan ugu yaraan inta siyaasadda ku jirta iyo inta daneyneysa in ay gasho. Iyaga oo intaas yaqaan, ka dib, ayay marka la soo xulo u diyaar garoobi karaan oo ay dejin karaan Istaraateejiyada wadahadalka iyo taatikada ay tahay in la adeegsado.

QORE YUUSUF GARAAD

Maxbuus sharciga ku bartay xabsiga oo caddeeyay inuusan dambi lahayn

Derrick Hamilton, oo u dhashay dalka Mare ykanka, wuxuu muddo 21 sano ah xabsi ugu jiray dambi uusan galin, isagoo intaasoo dhan isku dayayay inuu dowladda ka dhaadhiciyo in uusan wax dambi ah lahayn. Hase yeeshee, u gu dambeyn wu xuu khabiir ku noqday cilmiga sharciga,kaa soo uu ku bartay xabsiga dhexdii sa.

Xirfaddiisa dhinaca sharciga ayaa u suurtaga lisay inuu ku nadiifiyo magaciisa, sidoo kalena uu ku caawiyo dadka loo xiro dambiyada ay san geysanin.

Derrick waxaa la xiray sanadkii 1991-kii, xillig aas oo ay da'diisu ahayd 25 sano. Waxaa loo maxkamadeeyay eedeyn ku saabsan inuu too gasho ku dilay nin la she egay inuu lacag ka dhacayay. Markaas ka hor wuxuu u diiwaan gashanaa boolis ka oo ku tuhunsanaa inuu ge ystay dambi yo isu jiray dilal iyo heysasho hub sharci darro ah. Wareysi uu BBC-da uu siiyay ayuu Derrick uga sheekeeyay qisadiisa cajiib ka ah. "Markii aan muddo 6 sano ah xabsiga ku jiray, oo aan xaqiiqsaday in aanan isba riy eeli karin, ayaan go'aan ku qaatay inaan barto cilmniga sharciga," ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in ujeeddada ugu weyn ee uu xirfaddaas u baranayay ay ahayd sidii uu ugu shaqeysan lahaa marka uu xa bsiga ka soo baxo - inkastoo xukunkiisu uu ahaa cimri gaa haku furto.

"Buugaagta sharciga ee yaallay maktab adda ayaan akhrintooda billaabay, anigoo is dhaha ya bannaanka ha u bixin adigoo a an waxba fa raha ku heynin. Dhanka kale na waxaan baran jiray xirfado dhinaca far samada gawaarida ah." Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: "Aad baan ugu faraxsa naa barashada xirfadahaas kala duwan, waayo waxaan ahaa nin dhalinya ro ah oo tamar iyo awood badan ay ku jirto, meel uu ku bixiyana u baahan."

Hamilton, oo hadda 54 jir ah, waxaa xu kun xa bsi daa'in ah loogu riday dilka nin la gu magic aabi jiray Nathaniel Cash, kaa soo lagu toogt ay xaafadda Brooklyn ee M/New York. Qare ennadiisa waxay ku do odayeen inuusan falka as geysanin. Hamilt on wuxuu sheegay inuu dambigaas dusha ka saaray askari ka tirsanaa booliska oo lagu magacaabo Louis Scarcella, kaasoo kiisaskiisa dilalka la xiriira ay il gaar ah ku hayeen saraakiisha xafiiska xeer ilaalinta ee degmada Brooklyn.

'Waxaan ku sigtay inaan isdilo'

Intii uu xabsiga ku jiray wuxuu dareem ayay niyad jab weyn, sida uu BBC-da u sheegay. "Waxaan cabashadeyda u gudbi yay cid wa lba. Xitaa waxaan farriin u diray barasaabka go bolka, laakiin cid i dhageys atay ma jirin".

Markii uu wax jawaab ah ka waayay tel efoo nnadii uu wacayay iyo warqadihii uu dirayay, wuxuu hoosta ka xarriiqay in shaq ada ay tah ay mid kaligiis u taalla.

"Waxaan ogaaday inaan heysto waqti badan oo aan lafteyda dib u eegis ugu sa meyn karo kiiskeyga, haddii aan sharciga barto. Waxaan ku sigtay inaan isdilo had dii aanan heli lahayn buugaagta sharciga", ayuu yiri Derrick.

21 sano ka dib, Hamilton wuxuu ku guu leys tay kiiskii ay maxkamadda Brooklyn dib u furt ay ee ku saabsanaa in dacwaddii sa dib u eegi s lagu sameeyo.Maalintii ugu dambeysay wu xuu isagoo xor ah albaabka maxkamadda ka baxay xilli ay garabka u sarneyd gabadhi

isa oo 2 jir ah

'Waan ogaa dadkii kugu kallifay waxa aad sameysay'

Muran weyn oo dhinaca caafimaadka mask axda ah ayaa ka dhahay geerida jilaagii shirk adda filimada Bollywood-ka ee lagu magaca abi jiray Sushant Sin gh Rajput, oo meyd kiisa Axaddii laga he lay gurigiisa ku yaal la M/Mum bai. Su shant, oo markii da mbe filima da caad iga ah ku biiray ayaa markii ugu horr eysay ku soo caan baxay filimkii musalsalka ahaa ee ay Soomaalida sida weyn u xiiseyn jireen ee Pav itra Rishta.

Magaca Manav ayaa ku jilayay musalsalkaas oo sidoo kale aad loogu xasuusto atariishada Ankita Lokhande, taasoo iyadana ku jileysay Archana.

Xog dhammeystiran lagama hayo sababta ka dambeysa inuu isdilo, maadaama uusan wax farriin qoraal ah ka tagin. Hase yeeshee, filim hagaha lagu magacaabo Shekhar Kapur ayaa sheegay inuu ka war qabay walwal xoog leh oo in muddo ahba heystay jilaagaas.

Wuxuu Mr Kapur aad uga qoomameeyay in uusan lixdii bilood ee lasoo dhaafay si dhow ula soconin xaaladda uu ku jiray Sushant.

Filim sameeyahan ayaa sheegay inuu Sush ant la niyad jabsanaan jiray sababo la xiriira dad gaar ah oo dhaawac u geystay.

Qoraal qiiro leh, oo uu Shekhar Kapur soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku yiri: "Waan ogaa xanuunka aad ku dhex jirtay. Waan ogaa sheekada ku saabsan dad si aad ah kuu niyad jabiyay, taasoo aad mar walba iiga caban jirt ay. Waxaan ka qoomameynayaa inaan xaalad daada ka warqabi waayay lixdii bilood ee lasoo dhaafay. Waxaan ka qoomameynayaa inaan kula joogi waayay oo garab kuu noqon waay ay. Waxa kugu dhacay waa ficil ay iyaga same yeen, ma aha wax aad adiga sameysay."

Booliska Hindiya ayaa sheegay in Sushant, oo 34 jir ahaa, uu isdilay.

Qoyskiisa, oo ku sugnaa magaalada Patna, ayaa galinkii dambe ee Dorraad gaaray M/Mu mbai, si ay aaskiisa u qaban qaabiyaan.

Shekhar iyo Sushant waxaa lagu waday inay ka wada shaqeeyaan filim lagu magacaabo Pa ani, kaasoo uu qorshaha ahaa inuu soo baxo sanadkii 2015-kii, laakiin ay ku gacan seyrtay shirkadda filimada soo saarta ee Yash Raj Films.

Sanadkii 2016-kii ayuu Shekhar bartiisa Twit ter-ka ku sheegay inuu aad ula dhacay qaabkii uu Sushant ugu diyaar garoobay filimkaas.

"Waxaan niyad jab weyn ka dareemayaa si da aad uga niyad jabtay Paani, laakiin waligey lama kulmin jilaa qaabka sidaas u wanaagsan ugu diyaar garoobay si uu qeyn#b uga qaato filim."

Sushant Singh Rajput wuxuu sanadkii 2013-kii dhexda uga tagay musalsalkii Pavitra Rishta ka dib markii lala dhacay qaab jilliinkiisa.

Waxaa lagu ammaanay inuu muujiyay karti dheeraad ah, taasoo soo jiidatay indhaha shir kadaha filimada sameeya.

Xalaqadii ugu horreysay ee Pavitra Rishta wa xay soo baxday 1 June 2009, waxaana la soo gabagabeeyay 25 October 2014.

Dhowr filim oo uu xifdaddiisa kusoo bandhi gay waxaa ka mid ah PK, Raabta, MS Dhoni: The Untold Story iyo Chhichhore… BBC

 

"WAXAAN AHAY HOOYO, HADDANA WAXAAN DILAY WAALIDIIN CARRUUR HEYSTA"

Kumanaan haween ah ayaa ka qeyb qaa tay xasuuqii ka dhacay Rwanda sannadkii 19 94-kii, balse waxaa dhif ah in la tebiyo kaalintii ay dumarku ka qaateen dagaalkaas, waxaana adag in qaarkood ay dib ula heshiiyaan qoysas kooda.Wariye Natalia Ojewska ayaa la hada shay qaar kamid ah haweenka tacaddiyadda

geystay ee xabsiyada ku jira.

Fortunate Mukankuranga waxay gurigeeda uga baxday si ay u soo dhaans ato biyo quraac da ku karsa to, laakiin taas waxay isu ba ddash ay inay fal dil ah geys ato. Mukankuranga oo xi ran dharka maxaabiista, kuna ha dleysa cod de gan ayaa ka shakeyneysaa sida ay u xasuus ato wixii dhacay maalintaas oo Axad ahayd, taariikhduna ay ku beegneyd 10-kii bishii April ee sannadkii 1994-kii. Iyadoo waddada sii so cota ayey la kulantay koox jidka bartankiisa ku jir dileysa labo nin.

"Labadii nin markii ay dhulka ku dhaceen, waxaan qaatay ul waxaan iri "Dadka ka tirsan qo wmiyadda Tutsi waa inay dhintaan" ka dib waxaan garaacay 2dii nin, waxaan kamid ahaa dadkii goobtaas dilka geystay," ayay tiri hawe eneydan oo 70 jir ah.

Ugaarsi dil ah

Dagaal 100 maalmood socday ayaa lagu dilay 800,000 qof oo ka tirsanaa qomiyadda Tu tsi iyo dad kale oo loo arkay inay dhexdhexaad ka ahaayeen xaaladda oo ka tirsanaa qowmiy adda Hutu. Dilkaas ka dib, Mukankuranga oo ka tirsaneyd qowmiyadda Hutu waxay dib ugu laabatay gurige eda oo ay ku sugnaayeen 7bo carruur ah oo ay dha shay, waxayna dareeme ysay ceeb. Waxaa xiga y inay mar walba ku qarawdo dilalkii ay geysatay.

"Waxaan ahay hooyo, waxaan laayay waliid iinta carruur badan," ayay tiri Mukankuranga.

2maalmood uun ka dib, 2 canug oo argagax san oo Tutsi ah, kuwaas oo waalidiintooda la gowracay ayaa albaabka gurigeeda soo garaa cay si ay magangalyo uga helaan.

'Waxay dareemeysay inay dambi geysatay'

Durbadiiba kama aysan labalabeynin inay ca rruurtii u timid gurigeeda ku qariso, halkaasoo ay uga badbaadeen xasuuqii socday.

"Inkasta oo aan badbaadiyay carruurtaas, waxa an ku guul darreystay badbaadinta 2da nin,caawi maaddaas weligeed waxbo ka bad ali doonto heerka uu gaarsiisan yahay dambiga aan dareema yo," ayey tiri.

Mukankuranga waxay kamid tahay haween tiradoodu gaareyso 96,000 oo lagu helay da mbiga ah inay ku lug lahaayeen xasuuqa, oo qaarkood ay laayeen dad da' ah. Qaarkood wa xay laayeen carruur, qaarkoodna sida Mukank uranga ayey rag u dileen.

Shalaynimadii 6-dii bishii April 1994-kii, wax aa caasimadda Kigali lagu soo riday diyaarad uu la socday madaxweynihii Rwanda ee ka tir sanaa qowmiyadda Hutu, Juvenal Habyarima na. Inkasta oo aan weli la ogaan dadkii ka da mbeeyay weerarkaas, kooxaha mayalka adag ee ka tirsan Hutu-ga waxay ku eedeeyeen in di yaaradda ay soo rideen maleeshiyaad ka tir san Tutsi-ga.

Saacado yar ka dib markii uu weerarkaas dhacay waxaa dagaalka kusoo biiray kumanna an ka tirsan qowmiyadda Hutu-ga oo ka care ysan dilka madaxweynaha.

"Waxaa adag in la fahmo haweeney jecel ca rruur teeda sida ay ugu dhiirratay inay soo ley so carruur kale oo deris la ah," waxaa sidaas tiri Reg ine Aba nyuze, oo ka tirsan ha'yad aan dawli ahayn oo ka shaqeysa nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Pauline Nyiramasuhuko oo ah wasiirkii hore ee arrimaha qoyska iyo haweenka Rwanda, ay aa kamid aheyd haweenkii kaalinta firfircoon ku lahaa siyaasadda Rwanda, waxayna door weyn ka qaadatay hurinta colaadda.

Sannadkii 2011-kii, maxkamadda baareysay xasuuqii ka dhacay Rwanda ayaa ku heshay dambi ah inay ku lug laheyd xasuuqa. Waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay oo loo ma xkamadeeyo inay geystay kufsi iyo dambi ka dhan xuquuqda aadanaha.

Nyiramasuhuko waxay lahayd mas'uuliyad da ay ku amartay kooxo maleyshiyaad inay kuf si u geystaan haween reer Tutsi ah, falalkaas oo ka dhacay xafiis ku yaalla degmada Butare ee dalkaas. Sidoo kale waxaa jiray haween ka le oo reer Rwanda ah oo aan xil heynin oo ka qeyb qaatay xasuuqa, kuwaas oo ku dhiirrigeli nayay ragga in dagaalka ay galaan, halka qaar koodna ay qaateen hub kasta oo ay heli kar een si ay u gowracaan deriskooda. 2da fikir ee ku aaddan xasuuqa Martha Mukam ushinzimana waxay heysataa ilaa 5 carruur ah, waxayna sannadkii 2009-kii tagtay xafiiska ga rsoorka dalkaas, si aysan ugu nolaan culeyska uu ku hayo dambiga ay gashay.

"Waqtiga ayaa ah waxa ugu weyn ee aan ku saleyno dhaqan celinta, waxaana dooneynaa in aan waqti ku bixinno si aan u dhageysanno isla markaa na si tartiib ah uga war gurno ay dadka qiranaya dambiyada ay galeen," ayey tiri Fidele Ndayisaba, oo ah agaasimaha xabs iga haweenka ee ku yaalla M/ Ngoma ee bar iga Rwanda.

"Gurigeyga wuxuu ku yaalla agagaarka wad do weyn oo magaalada dhex marta, waxaana maqla yay sawaxanka qalalaasaha, sidoo kale na waxaan arkayay deriskeyga oo Tutsi ah oo la weerarayo. Qaarkood waxaa la geeyay kanii sad," ayay tiri Mukamushinzimana oo ku su gan xabsi yar, iyadoo xilligaas ilimeyneysay.

Kumanaan qof oo ka tirsan qowmiyadda Tutsi-ga ayaa lagu weeraray gudaha kaniisad ay ga bbaad ka dhigteen.

Stanislus Kayitera, oo 53 jir ah ayaa kamid ah aa dadkii ka babaaday xasuuqaas, wuxuu na ka sheekeynayaa dhibkii soo gaaray. "Wax aan xusuus taa in haweenka ay dhagaxaan u soo aruurinayeen ragga ka dibna ay dhagaxa anta nagu soo tuuraye en, qaar kale oo ragga ka mid ahna waxay samey nayeen toogasho, bambaanooyin ayayna tuurayeen isla markaan waxay dab qabads iinayeen qof walba oo ay ar kaan." "Waxay kusoo xoomeen kaniisad da, waxay billaabe en inay na laayaan," ayuu yiri Stanislus Kayitera oo isagu badbaaday markii uu ku dhex dhuuntay meydadka.

Mukamushinzimana waxay ku andacooney saa inay u hoggaansantay amarradii loo soo je ediyay. "Waxaan dhabarka saartey canuggey ga, waxaana ku biiray koox aruurineysay dha gaxaanta si loogu laayo dadkii ku dhuumaaley snayay kaniisadda," ayay tiri Mukamushinzi mana.

Markii la xiray sannadkii 2009-kii, ma jirin cid ka tirsaneyd qoyskeeda oo dooneysay in ay daryeelaan shanta carruurta ee ay dhashay.

"Xasuuqa waa dambi ka dhan ah bulshada. Wuxuu dhawaac u geysanayaa qoysaska ay dadkooda uga dhinteen dagaalka iyo sidoo kale dambiilayaasha, waana dadka u baahan inay kasoo bogsadaan boogtaas," ayuu yiri Fidele Ndayisaba, oo ah xoghayaha guddiga dib u heshiisiinta qaran iyo midnimada ee Rwa nda. Haweenkii ku lugta lahaa xasuuqa ee run ta sheegay waxaa loogu baaqay inay warqad raalligelin ah u qoraan qoysaskii ay dhibaatada kasoo gaartay xasuuqa, si loo soo celiyo is aa minaadda bulshada dhexdeeda ah.

Marka xabsiga laga soo daayo haweenkan, waxaa ku adag inay dib ula midoobaan qoysas kooda, maadama ragoodii ay haween kale gu ursadeen halka qaar kalena aysan soo dhaw eyn ka heleynin qoysaskooda, falalkii ay geyst een iyo "ceebta ku dhacday awgeed".

Waqti ayay u baahan tahay in shacabka Rw anda ay kasoo kabtaan dhibaatadii soo gaar tay, sidoo kale waxaa jira maxaabiis weli aami nsan fikradda ku saleysan naceybka iyo kala qeybsanaanta. "Haa, waxaa jira dad dafiray dambiyo ay galeen, waxaa jira dad mayal ad ag, inkasta oo tirada dadkaas ay hoos u dha ceyso" ayuu yiri Mr Ndayisaba.

'Ma ceshan karin illinta'

Mukankuranga waxay ku dhiirratay inay qir ato dambiga ay gashay afar sanno ka dib, mar kii sannadkii 2007-kii lagu helay falalkaas.

Waxay sheegtay inay isku naxday mar ay cafis weydineysatay wiil qoysaskiisa ay dhibaato ka soo gaartay xasuuqa. "Wuxuu ahaa mid farax san oo xamaasadeysan markii uu ila kulmay ay, aniguna ma ceshan karin illinta," ayay tiri Mukankuranga.

"Marka aan dib ugu laabto guriga, si nabad ah ayaan kula noolaan doonaa qoyskeyga, wa xaan ahaan doonaa qof dadka jecel oo darye ela, haatan waxaan la daalaa dhacayaa dhiba atada iga soo gaartay dambigii aan galay, ha ddii aan ahay hooyo ma aheyn in haatan aan xabsi ku jiro " ayay tiri Mukankuranga. BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip