Daawo: Sheekh Soomow oo maanta shaaciyey arrin uu ka diiday madaxda dalka

0
Thursday November 28, 2019 - 23:10:14 in Wararka by
  • Visits: 286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Sheekh Soomow oo maanta shaaciyey arrin uu ka diiday madaxda dalka

    Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Sheekh Abuukar Soomow oo magaalada Muqdisho goob fagaare ah kula hadlayey boqolaal culumada dariiqada Suufida ah ee Ahlu-Suuna Waljamaaca ayaa sheegay inuu diiday in la kulanka madaxda dowladda intii uu dalka joogay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Sheekh Abuukar Soomow oo magaalada Muqdisho goob fagaare ah kula hadlayey boqolaal culumada dariiqada Suufida ah ee Ahlu-Suuna Waljamaaca ayaa sheegay inuu diiday in la kulanka madaxda dowladda intii uu dalka joogay Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Sheekh Soomow ayaa sheegay in hadda ay diyaar u yihiin inay la kulmaan madaxda ugu sareysa dowladda federaalka oo markii hore ay ku gacan sareyn kulamo ay ka soo dalbadeen, isagoo taas sabab uga dhigay joogitaanii Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Sidoo kale Sheekh Soomow waxa uu u balan qaaday culumadii uu la hadlayey inuusan la dhuuma doonin hadii uu kulan dhex marayo isaga iyo madaxda dowladda, waxa gooni ahna uusan haatan ka rabin.

"Ahlu-Sunna kuligeen dowladdaan taageersanahay oo waan rabnaa, dowladdu dadka taageersan yeysan baabi’in, waxaan ka soo horjeednaa in dalka lagu faafiyo caqiido aan aheyn Ashcariya Imaa Turiidiyah’dowladana waxaan ka codsanaynaa inay nagu gacan siiso”, ayuu yiri Sheekh Soomow.

Hadalkiisa ayuu intaa ku sii daray, "Dadkaan caqiidadooda ku ilaaliya caqiidadooda suuban ee Ashcariyah, wasaaradda awqaafta iyo arimaha diintana looma dhiibi karo qof aan aaminsanayn, nagama amar ee waa codsi, waxaan kaloo ka cod sanaynaa dowladda in xataa wasaaradda waxbarashada oo manhajka dadka lagu qarxinaayo uu ka imaan karo cid aan caqiidatu Ashcariyah aaminsaneyn inaan loo dhiibi karin.

Halkaan Ka Daawo

xigasho:-caasimadda.net




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip