Dacwadda ka socota Maxkamadda Sare ee Kenya ee lagu soo oogay Hay'adaha Taageera Warbaahinta Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Warfaafinta, waa Weerar lagu soo qaaday Qaranimada Soomaaliyeed.

0
Friday February 19, 2016 - 22:57:17 in Wararka by
  • Visits: 543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dacwadda ka socota Maxkamadda Sare ee Kenya ee lagu soo oogay Hay'adaha Taageera Warbaahinta Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Warfaafinta, waa Weerar lagu soo qaaday Qaranimada Soomaaliyeed.

    Muqdisho – 19 Febraayo, 2016 Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay dacwad la sheegay in laga oogay ama la geeyay Maxkamadda Sare ee dalka Kenya 27 Janaayo, 2016. Dacwaddaas oo ka dhanka ah labo hay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho – 19 Febraayo, 2016 Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay dacwad la sheegay in laga oogay ama la geeyay Maxkamadda Sare ee dalka Kenya 27 Janaayo, 2016. Dacwaddaas oo ka dhanka ah labo hay'adood oo caalami ah oo saxaafadda Soomaaliya taageera,

 iyadoo eeddana qeyb ka tahay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, dacwaddaas oo nuxurkeedu yahay in hay’adaha caalamiga ee taageera Saxaafadda Soomaaliya laga joojiyo howlaha ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Dacwaddan waxaa horkacaya Faarax Maxamed Yuusuf (Faarax Lamaane) oo ka mid ah Shaqaalaha laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da, fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyo Cumar Faaruuq Cusmaan. Doodda Cumar Faaruuq iyo Faarax lamaane oo qareeno u yihiin WAFULA SIMIYU & COMPANY ayaa ku doodaya inay si sharci ku metelaan saxaafadda Soomaaliyeed, isla markaasina ay khalad tahay inay hay’adahaasi ay ka fuliyaan Soomaaliya mashaariic horumarineed, maadaama aysan iyagu ogeyn, kana dalbadeen maxkamadda Sare ee Kenya inay hay’adahaasi ka joojiso mashaariicda ay ka mid tahay Istiraatiijiyada heerka Qaran ee hay’adaha IMS iyo FOJO ka caawinayeen Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya iyo mashaariicda kale ee ay la wadaan ururada warbaahinta Soomaaliya ka jira.

Hay’adaha dacwadda lagu soo oogay ayaa kala ah International Media Support (IMS) iyo FOJO Media Insitute oo hay’adood oo ka soo kala jeeda dalalka Denmark iyo Sweden, Soomaaliyana ka wada mashruuc lagu hormarinayo istiraatiijiyada warbaahinta Soomaaliyeed oo socon doona muddo 5 sano ah oo ay ka taageerayaan dowladda Soomaaliya. Labadan hay’adood waxay sidoo kale hadda taageero toos ah siiyaan ururada Saxaafada sida Ururka Suxufiyiinta Somaliland, (SOLJA), Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP, Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ. Sidoo kalena sanadka 2016 waxa ay hay’adahani taageero toos ah siiyaan ururada ay ku mideysan yihiin milkiilayaasha idaacadaha iyo agaasimayaasha warbaahinada kala duwan sida Network 2013 iyo SIMHA oo metela ku dhowaad 50 xarumo warbaahinood oo ka howlgala Soomaaliya. Sidoo kalena waxay taageeraan Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Somaliland (Human Rights Center, Somaliland).

Dhanka kale, waxa ay dacwaddani ku oogan tahay Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibrahim (Bakistaan). Sidoo kale, dacwaddani waxa ay eedeyn culus u soo jeedineysaa wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya inay ku taageertay hay’adahan inay caawiyaan ururada saxaafadda Soomaaliyeed ee kor ku xusan.

Dadka u dhuun daloola arrimaha qaanuunka ayaa ku tilmaamay in dacwaddani tahay mid guud ahaanteedba khatar ku ah Qaranimada iyo Caddaaladda Soomaaliya

"25 sano kadib, Soomaaliya maanta waxa ay leedahay dowlad rasmi ah oo caalamku aqoonsan yahay, waxaa inoo dhisan hay’adihii garsoorka, kuwii sharci dejinta iyo kuwii fulinta sidaa darteed, ma jirto sabab dacwad Soomaaliyeed looga furto waddan shisheeye, waxayna dhaawac iyo sharaf dhac ku tahay nidaamka garsoorka, gaar ahaan Maxkamadda Sare ee dalka iyo qaranimada Soomaaliya, sababtoo ah dacwadani micnaheedu waxa uu yahay in Soomaaliya ay tahay meel aan garsoor ka jirin oo fowdo ah” sidaa waxaa yiri Qareen Cabdulqaadir Maxamed Muuse,

Ururku Suxufiyiinta Qaranku ayaa u arka in tallaabadani ay tahay mid cadawtinimo oo cuuryaamineysa horumarka iyo danaha weriyaha iyo warbaahinta Soomaaliyeed.

"Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu dadaal dheeri ah u galay in hay’adaha caalamiga ah ee taageera saxaafadda Soomaaliya inay ka howlgalaan gudaha Soomaaliya si mashaariicda ay qabanayaan ay u noqdaan kuwo waxtar u ah bahda warbaahinta, sidoo kale waxa uu ururku ku dadaalayay inuu ka dhaadhiciyo hay’adaha taageera Warbaahinta Soomaaliya inay gudaha dalka ka howlgalaan, taasoo meesha ka saareysa in si shakhsi ah looga faa’iideysto taageerada caalamku siinayo warfidiyeenka Soomaaliyeed,” Sidaa waxaa yiri Maxamed Ibrahim (Bakistaan), Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed. Xoghayuhu wuxuu intaasi raaciyay in nuxurka dacwaddani uu yahay in shakhsiyaad ay afduubaan deeqaha caalamiga ah ee loogu talogalay in lagu gacan qabto warfidiyeenka Soomaaliyeed, sidii horeba u dhici jirtay, mana ahan maanta mid suuro geleysa.

BAAQ:

▪Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu ugu baaqayaa xukuumadda Soomaaliya inay isu taagto ilaalinta sharafka qaranimada Soomaaliyeed, islamarkaana ay difaacaan danaha warbaahinta Soomaaliyeed iyo saaxiibada u soo gurmaday inay hormariyaan saxaafadda Soomaaliyeed oo maanta shakhsiyaad ay doonayaan inay isbaaro u dhigtaan.

▪Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu ugu baaqayaa hay’adaha Garsoorka Soomaaliyeed inay ka hortagaan wixii dhaawacaya nidaamka caddaaladeed ee ka jira Soomaaliyeed, sabatoo ah dacwaddani waxa ay meel ka dhac ku tahay hannaanka garsoor ee ka jira waddanka. Haddii aan tan laga hortegina waxaa dhici doonta in dacwadaha madaniga ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ahna ay ka furmaan waddamo shisheeye.
▪Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu ugu baaqayaa ururada saxaafadda, ururada bulshada rayidka iyo kuwa warbaahintuba inay isu taagaan difaaca saaxiibada taageera danaha warfidiyeenka iyo warbaahinta Soomaaliyeed.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu ugu baaqayaa beesha caalamka inay u midoobaan garab istaagga saaxiibada saxaafadda Soomaaliyeed ee IMS iyo FOJO oo lagu soo qaaday weerar qaawan oo bahalnimo ah iyo in Beesha caalamku ay sameyso baaritaan caalami ah oo ku saabsan hay’adaha taageeraya shirqooladan la doonayo in lagu majaxaabiyo mashaariicda horumarineed IMS iyo FOJO ay ku taageerayaan dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu ka hortegi doonaa khatar kasta oo ku timaada danaha warfidiyeenka Soomaaliyeed, sidoo kalena waxa uu isu taagi doonaa difaaca IMS iyo FOJO iyo saaxiibada kale ee heer caalami ee taageera warbaahinta Soomaaliyeed.

facebookflickrtwitterwordpress
 
1px


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip