DEG DEG:-Al-Shabaab Oo Weerar Qarax Ku Bilowday Ku Qaaday Saldhiga Balidoogle

0
Monday September 30, 2019 - 13:39:42 in Wararka by
  • Visits: 490
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG:-Al-Shabaab Oo Weerar Qarax Ku Bilowday Ku Qaaday Saldhiga Balidoogle

    Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weera xoogan ku qaadeen Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Mareykanka oo ku yaalla Garoonka diyaaradaha ee Balodoogle. Weerarka ayaa ku bilo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weera xoogan ku qaadeen Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Mareykanka oo ku yaalla Garoonka diyaaradaha ee Balodoogle. Weerarka ayaa ku bilowday gaari laga soo buuxiyay waxybaaha qaraxa,kaasi oo la sheegay lagu dhuftay Albaabda laga galo Saldhiga Ciidanka Mareykanka ay ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha ee Balodoogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in rag hubeysan oo Al-shabaab ay gudaha u galeen Saldhiga,isla markaana waxa intaasi kadib bilowday dagaal toos ah oo u dhexeeya kooxdii weerarka soo qaaday iyo Ciidankii Saldhiga ku sugnaa.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen juga qarax xoogan,iyadoo aan la ogeyn Khasaaraha ka dhashay weerarkaas lagu qaaday Saldhiga Balli-Doogle ee ay leeyihiin Ciidanka Mareykanka.

LA SOCO WIXII KU SOO KODHA WABKAAN



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip