Ciidanka Dowladda Iyo Al-Shabaab Oo Ku Dagaalamay Gobolka Gedo

0
Tuesday September 10, 2019 - 09:04:45 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 13
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Dowladda Iyo Al-Shabaab Oo Ku Dagaalamay Gobolka Gedo

    Wararka aan ka heleyno Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas uu dagaal ku dhexmaray Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab. Dagaalkan ayaa ka dambeeyay,kadib markii rag ka tirsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka heleyno Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas uu dagaal ku dhexmaray Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab. Dagaalkan ayaa ka dambeeyay,kadib markii rag ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin gudaha Garbahaarey,isla markaana waxaa halkaas ka dhacay dagaal saacado kooban qaatay,wallow markii dambe uu istaagay. Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay ay maqlayeen jugta rasaas xoog oo ay isdhaafsanayeen Ciidanka dowladda iyo Al-shabaabkii weerarka soo qaaday,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale Taliye Caano koosto ayaa sheegay in Al-shabaabkii weerarka soo qaaday ay ka dileen laba dagaalame,sidoo kalena dhankooda uu hal Askari dhaawac Culus ka soo gaaray.Taliyaha Saldhiga Degmada Garbahaarey Cabdi Xakiin Maxamed Cumar "Caano koosto" ayaa sheegay in weerarkii uga yimid Al-shabaab ay iska difaaceen,isla markaana haatan xaalada deegaanka ay tahay mid degan. Dhinaca kale ma jiro ilo Madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip