Midowga Afrika oo dib u eegis ku sameynaya u toog haynta weerarada Shabaab ay ku qaadaan ciidanka Amisom

0
Monday February 15, 2016 - 20:01:18 in Wararka by
  • Visits: 535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Afrika oo dib u eegis ku sameynaya u toog haynta weerarada Shabaab ay ku qaadaan ciidanka Amisom

    Wafdi ka socda Midowga Afrika oo soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay dib u eegis ku sameynayaan toog heynta iyo u diyaarsanaanta Ciidankooda marka ay la kulmaan Weerarrada Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi ka socda Midowga Afrika oo soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay dib u eegis ku sameynayaan toog heynta iyo u diyaarsanaanta Ciidankooda marka ay la kulmaan Weerarrada Shabaab.

Francis Okello, oo hoggaaminayay Wafdiga ayaa sheegay in Ciidanka Amisomee jooga Soomaaliya ay la kulmeen weerarro halis ah oo ka soo gaaray Al-shabaab,kuwaas oo ay ku dhinteen Askar ka kala tirsan Waddamada Kenya,Uganda iyo Burundi.

Weerarrada sababay dib u eegistan ayaa waxaa lagu sheegay Labo Weerar oo dhacay Bilihii Juun iyo Sptember ee Sanadkii hore kuwaas oo ka kala dhacay Leego iyo Jannaale oo ka wada tirsan Gobolka Shabeellaha hoose iyo Weerarkii Ceel Cadde ee dhacay bartamihii Bishii January ee Sanadkan.

"Booqashada aan ku nimid halkan waxaa ay ujeedadeedu tahay in aan qiimeyno heeganka iyo took heynta Ciidankeenna ay uga jiraan weerarrada AL-shababaab,iyo dhismaha hanaanka Siyaasadeed ee Dowladda ay taageerto Amisom ee Soomaaliya”ayuu yiri Okello.

Ujeedada labaad ee booqashadan ayuu ku sheegay in ay daba socoto Qaraar Bishii August ee Sanadkii hore ka soo baxay Midowga Afrika iyo Howlgalka Amisom ee Somaliya kaa oo ahaa Howlgalada cusub ee lagu taageerayay Dowladda Somaaliya Shabaabna looga saarayay Wadanka iyo wixii u qabsoomay.

Waxaa uu sheegay in Wafdigan ay ogaanayaan sida uu u fulay Qorshihii loo dejiyay weerarkaasi,waxa ka qaldamay ama saxmay intii uu socday.kaas oo ay ujeedadiisu ahayd in Al-shabaab laga saaro Magaalooyinka si ay Dowladda u gaarsiiso dadka Magaalooyinkaasi deggan Nidaamka Dowladnimada.

Hadafka Sadexaad ee Safarka Wafdiga ka socda Midowga AFrika ayaa lagu sheegay in uu yahay sida loo taageeri karo Hay’adaha Amaanka iyo kuwa Dowliga ah,waxaana uu intaa ku daray in ay shaqadaasi ka qabanayaan maalmaha ay joogaan kadibna ay wixii ka so baxa ay dib ugu celin doonaan Mas’uuliyiinta Midowga AFrika ee Fadhigoodu yahay Adis Ababa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip