Madaxweynaha oo beesha caalamka ka codsaday in loo midoobo la dagaallanka argagixisada

0
Monday February 15, 2016 - 11:37:25 in Wararka by
  • Visits: 637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo beesha caalamka ka codsaday in loo midoobo la dagaallanka argagixisada

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka amniga Munich ee dalka Jarmalka ka sheegay in maleeshiyaad ka tirsan kooxda Boko Haram ee ka dagaallanta dalka Nigeria ay tababbar ku soo qaateen gudaha S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka amniga Munich ee dalka Jarmalka ka sheegay in maleeshiyaad ka tirsan kooxda Boko Haram ee ka dagaallanta dalka Nigeria ay tababbar ku soo qaateen gudaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan oo khudbad ka jeediyay shirka lagu soo gabo gabeeyay dalka Jarmalka ayaa sheegay in maleeshiyaadka Boko Haram ay ku soo qaateen gudaha Soomaaliya,

"Soomaaliya waxaa ragaadiyay isqab qabsi dhanka siyaasadda, musuq maasuq iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab, inkasta oo sanadahan dambe horumar laga sameeyay, oo lagu tallaabsaday hanaan siyaasadeed oo hufan, waxaan heynaa caddeymo muujinayo in maleeshiyaadka Boko Haram ay tababbar ku soo qaataan Soomaaliya, loona baahanyahay in Soomaaliya lagu taageero la dagaallanka Argagixisada Al-Shabaab” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa intaa ku daray "Soomaaliya oo xasilooneyn waxa ay ka dhigantahay in guud ahaan Qaaradda Afrika aysan xasilooneyn, kooxaha argagixisada si aad ah ayay isugu xiranyihiin, waxaana dunida looga baahanyahay in dhankooda ka shaqeeyaan isku duubni iyo sida lagu cirib tri karo kooxaha argagixisada meelkasta oo ay joogaan”.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip