Daanyeer kama dhaadhacsiin kartid, Malabka ayaa ka macaan Mooska!!!=Nasashada Jimcaha. Q-156aad=

0
Friday July 19, 2019 - 13:35:09 in Wararka by
  • Visits: 1399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daanyeer kama dhaadhacsiin kartid, Malabka ayaa ka macaan Mooska!!!=Nasashada Jimcaha. Q-156aad=

    1- Qooys Reer miyi ah oo ku fiidsanayay Aqalka hortiisa ayaa Dayaarad jawi hoose ku duulee soo kor martay, waqtigaa Dayaarad lama aqoon. Odaygii ayaa orday, Xaaskii ayaa ka daba oraday, haddana Caruurtii ayey u soo noqotay, lana oroday. Markii la so

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1- Qooys Reer miyi ah oo ku fiidsanayay Aqalka hortiisa ayaa Dayaarad jawi hoose ku duulee soo kor martay, waqtigaa Dayaarad lama aqoon. Odaygii ayaa orday, Xaaskii ayaa ka daba oraday, haddana Caruurtii ayey u soo noqotay, lana oroday. Markii la soo wada noqday ayeey ku tiri: war Raggii hore Xaaskooda iyo Caruurta kama ordi jirin ee maxaa ku helay. Waxa uu ku yiri: War Raggii hore Cirka lagama soo weerari jirin, hadda cirkaa laga yimid. ( F.S: 1aad) ( Siyaasiyiintii hore "Arrimaha Dibadda" Bad iyo berri laguma qabsan jirin oo waa laga baqi jiray, "Arrimaha Gudahana" Xuduud dhagaxa iyo Mas'uul habeenkii guryaha loogu dhaco ma jirin. Maanta side wax u jiraan?)

2- Nin Xildhibaan ah oo Qayilaya marqaanna ah ayaa Xaaskiisii Qado u keentay kuna tiri: War Adiga in aan ku guursado waxaa ii dhaantay in aan Dameer Caadiya Guursado. Isaga oo qoslayo ayuu ku yiri: Wuuba ku guursan lahaa Dameerku laakin sharcigu ma ogolo in Wiil uu Walaashii guursado, Islaantii Xanaaq. ( F.S: 2aad)

( Abaay kan haka xanaaqin, yuuna Mooshin kaa keenin, Qadada meel iska dhigo, horaa loo yiri: Daanyeer kama dhaadhacsiin kartid, Malabka ayaa ka macaan Mooska, waa iga talo).

3-Nin ayaa waxa uu booqasho ku aaday Sheekh Afgooye degan, waxaa lagu yiri: Shiikhu "khilaawo” ayuu ku jiraa,7 Maalmood cidna lama hadlayo, Gurigana kama soo Baxayo 7 billood . Ninkii ayaa yiri: Walee shiikhaasu Reer Mudug ma ahan. Waxaa lagu yiri: Sideed ku ogaatay? Waxa uu yiri: Nin Reer Mudug ahi 7 Maalmood ma aamusnaan karo, Ballan Siyaasadeedna 7 billodd ma dhowri karo.

4- Nin ayaa yiri: Xaaskeeygeyo weligeed waa iga xanaaji jirtay waana iga nixin jirtay. Waxaa lagu yiri: Sideey ku dhacday?. Waxa uu yiri: Markii ay yareeyd Habeenkii ay i tiraa: Dhiigaa i hayo waan ka xanaaqi jiray oo aan ka nixi jiray, Hadda oo ey weeynaatayna Markii ey i tiraa dhiigaan iska waayay waan ka xanaaqaa oo aan ka naxaa.

Inteey ku fakanee?. Ma iyadaa dambiga leh, mise Waa qorsha xumidiisa iyo damiciisa?

(Dowladaha qaar, Bishu markii ay dhamaato Mushaar i sii wey dhibsadaan, marka aad duqowdana Xaqeeygii Howlgabka i sii wey dhibsadaan. Waxaaba ka sii daran haddii lagu yiraa Labadaba ma lihid)

5-Nin Darawal ahaa oo doqon ah ayaa Agaasimii ku yiri: Maanta madaxaa i xanuunayo waxaan rabaa fasax, Agaasimihii ayaa ku yiri: war Anigaba sidaa ayuu shalay ii xanuunay, kadibna Xaaskeyga Xaliimo ayaan la soo seexday sariirta waana bogsaday.

Laba saac kadib ayuu u soonoqday Darwalkii Doqonka ahaa kuna yiri: Agaasime waa runtaa, anna waan bogsaday, Xaaskaaga Xaliimo waa dhakhtarad run ah. Darawalkii shaqadaa laga eyray. ( F.S: 3 & 4aad)

( Beryahaan waxaa batay in tallo lagu siiyo, haddad fulisana shaqada lagaa eryo, iska jirhee!!!)

6-Naag indhool ah ayaa Saaxiibteed ku tiri: Nin aad ii qanciyo Habeenkii ayaan qabaa. Saaxiibtii ayaa ku tiri: Naa hoogto, indha laay, war Ninkaagu lugta ayuu ka go’aanyahay , ma iska hubisay waxa aad ku qanacday . ( F.S: 5 & 6aad)

( Gaalkacyo miyeey joogtay?).

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip