ROBERT P. WADLOW NINKII UGU DHEERAA EE ABID DUNIDA SOO MARA.

0
Friday January 04, 2019 - 20:40:14 in Wararka by
  • Visits: 1142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ROBERT P. WADLOW NINKII UGU DHEERAA EE ABID DUNIDA SOO MARA.

    ROBERT PERCHING WADLOW wuxuu ku dhashay ALTON Gobolka ILLINOIS ee dalka Mareykanka 22-kii bishii February 1918-kii, xilligii uu dhashay WADLOW culeyskiisa waxa uu ahaa 3.8 KG wuxuuna WADLOW u dhashay dalka Mareykanka , WADLOW wuxuu ahaa midka ugu wey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ROBERT PERCHING WADLOW wuxuu ku dhashay ALTON Gobolka ILLINOIS ee dalka Mareykanka 22-kii bishii February 1918-kii, xilligii uu dhashay WADLOW culeyskiisa waxa uu ahaa 3.8 KG wuxuuna WADLOW u dhashay dalka Mareykanka , WADLOW wuxuu ahaa midka ugu weyn 5 caruur ah oo qoyskoodu ka koobnaa , hooyadiisna waxaa la oran jiray ADDIE JOHNSON, koritaankiisa deg dega ah ayaa soo jiitay in si taxadir leh loo fiiriyo. WADLOW xiligii uu dhiganayay dugsiga dhexe waxaa loo sameeyay kursi iyo miis cabirkiisa awgii wuxuuna wax ka ka baranayay ALTON HIGHT SCHOOL,13 sano jirkiisii WALDON wuxuu noqday wiilka dunida ugu dheer wuxuuna dhererkiisu ahaa 2.24 MITIR , halka uu 18 sano jirkiisii uu dhererkiisu ahaa 2.54 MITIR , culeyskiisuna ahaa 177.0 KG ,dhinaca kale cabirka kabaha ee WADLOW wuxuu ahaa 37, qiimaha halkii joog oo kabo ah wuxuu gaarayay lacag dhan 100 DOLLAR , nasiib wanaag WADLOW wuxuu helay shirkad kabaha soo saarta oo u balan qaaday in ay siiso kabo lacag la'aan ah.

WADLOW waxaa loogu yeeri jiray ALTON GIANT AMA GIANT OF ILLINOIS , WADLOW isaga oo la socda aabihii ayuu socdal kusoo maray dhamaan gobolada dalka Mareykanka, hase yeeshee 4-tii July 1940-kii ayuu ku xanuunsaday MINISTEE oo ka tirsan gobolka MCHIGAN, dhakhaatiirtu waa ay ku dadaaleen daaweynta WADLOW waxeyna ku sameyeen qaliin iyo dhiig ku shubid , laakiin beerkiisa ayaa aad usoo xumaaday , wuxuuna geeriyooday 19-kii july 1940-kii isagoo 22 sano jir ah.
Sawirka Muse Mohamed Osman.

 

ROBERT PERCHING WADLOW oo noolaa mudadii u dhaxeysay 1918 - 1940 wuxuu ahaa ninkii ugu dheeraa ee abid taariikhda dunida aynu ku nool nahay soo mara wuxuuna dhererkiisu ahaa 2.72MITIR, culeyskiisuna wuxuu ahaa 222.26 Kg wuxuuna ilaa haatan ( 2019 ) heystaa RECORD-ka ninka dunida ugu dheer oo uu qaatay 27-kii June 1940-kii.


QALINKII QORAA SARE.
Muse Mohamed Osman
muusekiimiko99@hotmail.com.
muusekiimiko@gmail.com

 
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip