Ummada Islaamka oo u dabaal degaya Munaasabadda Ciidul Adxaa "SAWIRRO"

0
Friday September 01, 2017 - 22:08:29 in Wararka by
  • Visits: 561
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ummada Islaamka oo u dabaal degaya Munaasabadda Ciidul Adxaa "SAWIRRO"

    Ummada islaamka ayaa maanta u dabaal degaya maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa, maadaama shalay Malaayiin Xujey ah ay u istaageen Banka Carafo kadib markii ay soo guteen Acmaasha Xajka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ummada islaamka ayaa maanta u dabaal degaya maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa, maadaama shalay Malaayiin Xujey ah ay u istaageen Banka Carafo kadib markii ay soo guteen Acmaasha Xajka.

Dadka Muslimiinta ah ayaa maanta iyaga oo xiran dhar cusub oo aad u qurxoon waxa ay isugu imaadeen Masaajidada iyo Barxadaha waa weyn halkaasi oo ay ku tukadeen labada rakac ee salaada Ciida.

Magaalada Muqdisho sidoo kale waxa ay ka mid tahay goobaha maanta sida weyn looga dabaaldegayo maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa, waxaana goobaha loo dalxiis tago isugu imaanaya shacab aad u fara badan.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), Wasiiro iyo xildhibaano ayaa boqolaal shacab ah waxa ay kula tukadeen Masjidka Isbaheysiga islaamka oo ku yaalla agagaarka Madaxtooyada Soomaliya.

Salaada kadib waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), wuxuuna shacabka ugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciidul Adxaa, isaga oo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is cafiyaan.

Wariyeyaal ka socday Risaala oo ku sugnaa Masjidka Isbaheysiga Islaamka ayaa dareenkooda farxadooda Ciida ku aadan waxa ay weydiiyeen Wasiiro iyo xildhibaano, oo ugu horeeyo Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Bayle.

Sidoo kale shacabka Soomaaliyeed oo halkaasi salaad ku soo tukaday ayaa dhankooda waxa ay ka hadleen farxada Ciida, waxaana ay isugu hambalyeynayaan maalintan qaaliga ah.

Sidoo kale Madaxda maamul goboleedyada ayaa shacabkooda waxa ay salaada Ciida kula tukanayaan Masaajidada iyo Barxadaha waa weyn ee magaalooyinkooda.

Wariyeyaasha Risaala ee ku kala sugan magaalooyinka Jowhar, Garowe, Gaalkacyo, Baydhabo, Cadaado, Dhuusamareeb iyo magtaalooyin kale ayaa soo sheegaya in maanta jawi degan ay ku cideysanayaan shacabka Soomaaliyeed ee magaalooyinkaasi.

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip