Wararka

Saraakiisha Degmada Baraawe oo sheegay inuu isku soo dhiibay Sarkaal Ajnabi ah oo Shabaab ka soo baxsaday

0 Visits: 873 | Monday December 07, 2015 - 12:17:59
Guddoomiyaha Degmada Baraawe ee Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose Xuseen Maxamed Barre (Jeex) ayaa sheegay ciidamada Dowladda ee ku sugan Degmada Baraawe in uu isku soo dhiibay Sarkaal Ajnabi ah oo Shabaab ka soo baxsaday.

Read More »

Wiil Somali ah oo lagu tuhmay inuu xiriir la lahaa dadkii weerarka ka geystay California

0 Visits: 918 | Monday December 07, 2015 - 12:15:12
Wiil Somali ah oo dalka Mareykanka ku galay qaab Qaxootinimo ah ayaa lala xiriirinayaa in uu xiriir dhaw la lahaa nin iyo Xaaskiisa oo dhawaan weerar ka geystay Gobolka California dalka Mareykanka, waxaana weerarkaasi lagu dilay 14 ruux 21 kalena waa lagu dhaawacay.

Read More »

Wariye Karar Aadan Rukow oo Magaalada Garbahaareey lagu xiray

0 Visits: 1363 | Monday December 07, 2015 - 12:05:58
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, ciidamada Dowladda ee halkaasi ku sugan ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay xabsiga dhigeenWariye Karar Aadan Rukow.

Read More »

Wasaaradda Caafimaadka oo deeq dawo ah ku wareejisay Puntland

0 Visits: 916 | Monday December 07, 2015 - 11:55:47
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa Puntland ku wareejisay deeq dawo ah oo ay dowladda Dhexe ka heshay boqortooyada Sacuudiga, taas oo loo qeybinayay muddooyinkii dambe maamul-goboleedyada.

Read More »

Wasaaradda Caafimaad oo dadka bilaash indhaha ugu fiiqeysa

0 Visits: 929 | Monday December 07, 2015 - 11:53:40
Wasiirka wasaaradda caafimaadka, Xaawo Xassan Maxamed ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay diyaarisay mashruuc dadka Soomaaliyedee aragga la' indhaha loogu fiiqiyo.

Read More »

Madaxweynaha Puntland oo shacabka Gaalkacyo ugu baaqay in guryahooda ku soo laabtaan

0 Visits: 832 | Monday December 07, 2015 - 11:50:09
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali ayaa dadkii ka barakacay magaalada Gaalkacyo ugu baaqay inay ku soo laabtaan xaafadadooda, kaddib heshiis dhaqan galay oo laga gaaray colaadii Gaalkacyo.

Read More »

Xasan Barrow: "Anaga waxaan sugeynaa in la yiraahdo Jowhar ayaa shirka lagu qabanayaa"

0 Visits: 1040 | Monday December 07, 2015 - 11:43:03
Waxaa weli taagan caqabadaha hortaagan dhismaha maamul goboleed ay sameystaan gobolada Hiiraan iyo Jowhar, iyadoo ay socdaan dadaallo ay wadaan siyaasiyiin, xildhibaano iyo qeybaha arrimaha bulshada goboladaasi.

Read More »

Matteo Renzi: "Ciidamada Talyaaniga waxay ka howlgalaan Soomaaliya, Afganistan, Iraq iyo Kosovo."

0 Visits: 798 | Monday December 07, 2015 - 11:39:07
Matteo Renzi Ra'isul-wasaaraha Talyaaniga ayaa wareysi uu siiyay Wargeyska Corriera Della Sera ku sheegay in qorshaha Dowladaha Yurub ku doonayaan inay Faragelin Milliteri ku sameeyaan dalalka Syria iyo Libya ay ku soo xoogeysanayaan Kooxda Daacish.

Read More »

Ciidamada Cirka Kenya ioo duqayay fariisimo ay leeyihiin Al-Shabaab. Wararka ka imaanaya Gobolka Juba

0 Visits: 848 | Monday December 07, 2015 - 11:37:11
da hoose ayaa sheegaya in Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya maalinimadii shalay duqeeyeen 2-Xero oo ay Al-Shabaab ku leeyihiin Deegaano ka mid ah Gobolkaasi.

Read More »

Ra'iisul Wasaaraha, Madaxda Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo ku soo wajahan Muqdisho

0 Visits: 899 | Monday December 07, 2015 - 09:47:02
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, oo ay wehliyaan Madaxda Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ayaa maanta ku soo wajahan magaalada muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Read More »

Obama "Dagaal u dhaxeeya ma jirto Mareykanka iyo Islaamka"

0 Visits: 926 | Monday December 07, 2015 - 09:43:07
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in weerarkii arbacadii la soo dhaafay ka dhacay gobolka California ee lagu dilay 14 ruux uu ahaa weerar argagixiso.

Read More »

Kumanaan qaxooti ah oo gaaray xeebaha dalka Talyaaniga

0 Visits: 952 | Monday December 07, 2015 - 09:39:39
Inkabadan 4600 oo qaxooti ah oo ku safrayay dooman ayaa laga badbaadiyay xeebaha badda Mediterranean iyagoo ka soo shiraacday xeebaha dalka Libya.

Read More »

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga (Sawirro)

0 Visits: 1003 | Monday December 07, 2015 - 09:35:13
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta kulan looga hadlayay amniga la qaatay laamaha ammaanka, sida Guddoomiyeyaasha degmooyinka, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir.

Read More »

Fatahaado ka dhacay dalka Britain (SAWIRRO)

0 Visits: 1098 | Monday December 07, 2015 - 09:31:42
Fatahaadahan, ayaa ka dhashay roobab xoogan oo ka da'ay Gobolada Waqooyiga England & Scotland Ee Wadanka UK iyo fatahaado uu sameeyay Webiga Teviot.

Read More »

WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 7-DA DICEMBAR 2015-KA

0 Visits: 1110 | Monday December 07, 2015 - 09:27:41
MADAXWEYNAHA OO DIB UGU SOO LAABTEY MUQDISHO, KADIB MARKII UU KA SOO QEYBGALEY SHIR MADAXEEDKII ISKAASHIGA SHIINAHA IYO AFRIKA Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu horkacayo ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada…

Read More »

Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Jimmy Carter oo sheegay inuu ka bogsaday cudurka Kansarka

0 Visits: 897 | Monday December 07, 2015 - 08:48:17
Jimmy Carter hore madaxweyne uga soo noqday dalka Maraykanka ayaa sheegay in uu ka bogsaday cudurka Kansarka oo maskaxda ugaga dhacay. Carter oo 91-sano jir ah ayaa warkan ka sheegay dugsi ku yaal gobolka Georgia oo uu macalin ka ahaa sida ay shaaciyeen wakaaladaha wararka dalka Maraykanka.

Read More »

Guddoomiyihii magaalada Cadan ee dalka Yemen oo lagu dilay qarax

0 Visits: 979 | Sunday December 06, 2015 - 18:45:10
Guddoomiyihii magaalada Cadan ee Koofurta Yemen Jacfar Mohamed Saad iyo qaar ka tirsan ilaaladiisa ayaa lagu dilay qarax ka dhashay gantaal lagu tuuray gaari uu la socday.

Read More »

Pakistani ka barbar dagaalamayay Al-Shabaab oo lagu dilay gobolka Hiiraan

0 Visits: 1010 | Sunday December 06, 2015 - 12:18:56
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo fool fool ah oo dhowaan gobolka Hiiraan ku dhex maray ciidamada Dowladda iyo dagaalyahanada ururka Al-Shabaab, iyadoo la sheegayo in dagaaladaasi ay ka qeyb qaateen muhaajiriin ka yimid dalalka shisheeyaha.

Read More »

Soomaaliya oo kaalinta 1-aad ka gashay dalalka ku dhaqma Gudniinka Fircooniga Caalamka.

0 Visits: 1009 | Sunday December 06, 2015 - 12:14:35
Haween gaaraya ilaa 129 million oo ku nool Caalamka ayaa waxaa dhaawacyo ku reebay Gudniinka Fircooniga ee FGM, sida lagu caddeeyey Warbixin ay Hay'adda UNICEF soo saartay.

Read More »

C/Salaan Hadliye: "Waxa ugu weyn ee laga wadahadlay waa sidii loo soo celin lahaa doorkii Shiinaha uu ku lahaa Soomaaliya"

0 Visits: 846 | Sunday December 06, 2015 - 12:07:18
Wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Soomaaliya C/Salaan Cumar Hadliye ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan dalka K/Afrika ku dhex maray Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya iyo China, isagoona sheegay arrimaha ugu waaweyn ee looga hadlay ay ahaayeen sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dal isla markaana…

Read More »