Wararka

Dabeylo Roobab Wata oo ka Dhacaya California

0 Visits: 846 | Thursday January 07, 2016 - 09:16:01
Dabeylo ka dhashay dariimaad ku yimid badweynta Pacifiga ayaa ku dhuftay xeebaha gobolka California ee dalka Maraykanka. Dabeylaha ayaa keenay roobab waaweyn oo aad loogu baahnaa, maaddaama uu gobolku la il darnaa abaaro xoog badan.

Read More »

Q.M. oo Cuna-qabateyn Cusub Saareysa N.Korea

0 Visits: 819 | Thursday January 07, 2016 - 09:13:35
Golaha ammaanka ee Q.M. ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay cuna qabateyn cusub ugu saari lahaayeen Kuuriyada Waqooyi tijaabinteda cusub ee Nukliyerka, halka Mareykanka iyo dalalka kale ee waaweyn ay shaki ka qabaan in Kuuriyada Waqooyi ay ku guuleystay tijaabada Bamb Heydorojiin ah.

Read More »

Ra'isul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Oo Muqdisho Ka Furay Kulanka Daahfurka Himilooyinka Horumarka Waara

0 Visits: 851 | Thursday January 07, 2016 - 08:55:44
Ra'isul Wasaare ku xigeenka Dalka mudane Maxamed Cumar Carte ayaa shalay furay kulanka himilooyinka horumarka Waara ee 2030-ka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay ka soo qeyb galeen isu imaatinkaasi xubno ka tirsan…

Read More »

WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 7-DA JANNAAYO 2016-KA

0 Visits: 1222 | Thursday January 07, 2016 - 08:07:52
HADLIYE: MA JIRAAN DUBLAMAASIYIIN IIRAANIYIIN AH OO AANU NIRI BAXA XIRIIRKII IIRAANNA WELI WAA SIDIISII Wasiirka arrimaha dibadda Somalia C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay inay taageersan yihiin tallaabooyinka ay xukuumadda Saudi Arabia qaadday, isagoo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Safaaradda…

Read More »

Madaxweynaha Jubbaland oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay Cadaado(Sawirro)

0 Visits: 802 | Wednesday January 06, 2016 - 20:00:09
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Maamulka Galmudug.

Read More »

Turkiga oo Soomaaliya ka dhisanaaya Saldhig Milatari oo aad u weyn.

0 Visits: 994 | Wednesday January 06, 2016 - 19:44:46
Madaxa wasaarada arrimaha dibada dowlada Turkiga ee masuulka ka ah howlgalka Soomalaiya Emel Tekin ayaa sheegay in dowladeedu ay Saldhig Military ka dhisayso magaalada Muqdisho kaa oo lagu tababari doono ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Read More »

Ciidamada QM ee ka howlgala Jamhuuriyadda Africada dhexe oo la sheegay inay Dumarka kufsadaan.

0 Visits: 862 | Wednesday January 06, 2016 - 19:15:00
Ciidaada QM ee ka howlgala Jamhuuriyadda Africada dhexe ayaa lagu eedeeyay inay kufsadeen dumar wadankaasi u dhashay, kadib markii ay arintaasi ogaadeen baarayaal ka socda QM oo arintaasi baaray.

Read More »

HADLIYE: Ma jiraan Dublamaasiyiin Iiraaniyiin ah oo aanu niri baxa Xiriirkii Iiraanna weli Waa Sidiisii

0 Visits: 839 | Wednesday January 06, 2016 - 19:06:56
Wasiirka arrimaha dibadda Somalia C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay inay taageersan yihiin tallaabooyinka ay xukuumadda Saudi Arabia qaadday, isagoo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Safaaradda Sucuuudigu ee Tehran. C/salaan Hadliye oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay inay muhiim tahay in la dhawro…

Read More »

W/Kuuriya oo tijaabiyay Gantaalaha dheereeya ee Hydrogen casri ah

0 Visits: 1209 | Wednesday January 06, 2016 - 18:48:30
Hoggaamiyaha Dowladda Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-Un ayaa saxiixay tijaabada gantaalaha dheereeya ee casriga ah isla markaana ah nooca Hydrogen-ka, iyadoo gantaalkii ugu horeeyay laga riday magaalada Kilju oo ku taala Waqooyi bari dalkaasi.

Read More »

Dowladda Kenya oo sheegtay in lagu qabqabtay rag Al-Shabaab ah magaalada Mandera.

0 Visits: 1190 | Wednesday January 06, 2016 - 18:46:01
Maxamuud Saalax Xiriiriyaha Ammaanka ee Gobalka W/bari Kenya,oo khadka telefoonka kula hadlay Wargeyska The Star ayaa sheegay inay 8 nin oo lala xiriirinayo Al-Shabaab shalay laga soo qabtay inta u dhexeysa Deegaanada Kotulo iyo Lafeey, halkaasi oo ay ka socdaan Hawlgalka ay Boliska Kenya ku sugayaan…

Read More »

SAWIRRO: Somalida Koonfur Afrika oo Qabtay kulan loogu Duceeyay Ugaas C/raxmaan U. Khaliif

0 Visits: 832 | Wednesday January 06, 2016 - 18:40:05
Iyadoo 03-dii bishan Janaayo 2016-ka uu magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan uu ku geeriyooday ALLAHA u Naraxrsitee Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, isla markaana shalay lagu Aasay Daaro-ugaas ee dulleedka deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa waxay Jaaliyada Soomaaliyeed ee…

Read More »

FAADUMO INSAANIYA: Soomaalida ku Dhaqan Swizerland haka qayb-qaataan dib u dhiska dalka

0 Visits: 766 | Wednesday January 06, 2016 - 18:36:01
Safiirrada Somalia u joogta xarunta QM ee Geneva ee dalka Switzerland, Danjire Faadumo C/llaahi Maxamuud [Insaaniya] ayaa kulan ballaaran oo ay la yeelatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Switzerland kaga dalbatay inay ka qayb-qaataan dib u dhiska xilligan ka socda Soomaaliya.

Read More »

Indonesia: Shinni ku qasabtay Diyaarad in duulimaadkeeda dib u dhaco

0 Visits: 780 | Wednesday January 06, 2016 - 18:20:44
Diyaarad laga leeyahay dalka Indonesia ayaa dib uga dhacday waqtigii ay duuli laheyd, kadib markii mid ka mid ah matoorada diyaarada ay dhex gashay Shinni.

Read More »

Max'ud Axmed Nuur Tarsan: "Al-Shabab bulshada ayay ka mid yihiin dadkuna waxay ka baqayaan in la dilo.."

0 Visits: 849 | Wednesday January 06, 2016 - 18:15:57
Max'ud Axmed Nuur Tarsan oo mar soo noqday gudoomiyaha gobolkaBanaadir iyo duqa Muqdisho oo la hadlay wargeyska The Guardian eeIngiriiska kasoo baxa kana hadlay dhawr arrimood oo xaaladda dalka kajirta ah ayaa waxaa uu sheegay in sababta keeneysa in Al-Shabab aywilli awood ku yeeshaan gudaha dalka…

Read More »

Xildhibaano Baarlamaanka Somaliya ka tirsan oo maanta loo diiday inay galaan Degmada Ceelbarde Ee Gobolka Bakool

0 Visits: 865 | Wednesday January 06, 2016 - 17:59:37
Xildhibaano Baarlamaanka Somaliya ka tirsan, ayaa waxaa maanta laga hor istaagey inay gudaha u galaan Degmada Ceelbarde Ee Gobolka Bakool. Ceelbarde waxaa daba yaaqadii bishii December looga dhawaaqay Maamul ka dhan ah Maamulka Koonfur Galbeed, oo ku magacaaban Gobolada Shabellaha Hoose, Baay & Bakool.

Read More »

Daacish oo weerar xoogan ku qaaday magaalada Xaditha ee dalka Ciraaq.

0 Visits: 781 | Wednesday January 06, 2016 - 17:54:51
Dagaalyahanada Daacish ayaa weerar culus ku qaaday magaalada Istiraatiijiga ah ee Xaditha, halkaasoo boqolaal ruux lagu dilay dagaal socday saddex maalmood. Weerarka Daacish ee Xaditha ayaa yimid, 10 maalmood kadib markii laga saaray inta badan Gobolka Anbar, gaar ahaan caasimada gobolkaas ee Ramadi…

Read More »

Maxkamad ku taala Nigeria oo xukun dil ah ku riday Wadaad aflagaadeeyay Nabi Muxamed (NNKH)

0 Visits: 875 | Wednesday January 06, 2016 - 17:51:29
Maxkamad ku taala Magaalada Kano Ee Waqooyiga Nigeria, ayaa Talaadadii xukun dil ah ku xukuntay Wadaad lagu magacaabo Abdulazeez Dauda, balse loo yaqaano (Abdul Inyass), markii uu bishii May uu aflagaado kula kacay Nabi Muxamed (Caleehi Salaatu Wasalaam).

Read More »

Haweeney u shaqeysa shirkad Turkiga laga leeyahay oo Muqdisho lagu dhaawacay

0 Visits: 861 | Wednesday January 06, 2016 - 17:49:42
Haweeney ka tirsan shaqaalaha shirkad Turkiga laga leeyahay ayaa saakay ka badbaaday isku day dil lala damacsanaa, kaddib markii ay soo weerareen rag hubeysan oo rasaastii ay ku fureen uu ka soo gaaray dhaawac.

Read More »

Ciidamada AMISOM oo kala dhex galay Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku dagaalamay Hodan

0 Visits: 776 | Wednesday January 06, 2016 - 17:47:15
Ciidamada ka tirsan AMISOM ayaa maanta kala dhex galay ciidamo ka wada tirsan dowladda oo maanta barqadii ku dagaalamay degmada Hodan, gaar ahaan Xaafada Zone K, iyadoo iska hor imaad muddo kooban socday uu labada ciidan dhex maray.

Read More »

Kenya oo soo bandhigtay sawirada iyo Magacyada 11 ruux oo Kenya loogu raadis badan yahay

0 Visits: 853 | Wednesday January 06, 2016 - 17:21:18
Dowladda Kenya ayaa soo bandhigtay mar kale Sawirada iyo magacyada Shaqsiyaad ay doon doonayso, kuwaasi oo Kenya ay sheegtay inay xiriir la leeyihiin Ururka Shabaab.

Read More »