Wararka

Madaxweynaha Kenya oo ammaanay Muslimiin badbaadiyay Dad Kirishtaan oo Shabaab ay dili rabeen

0 Visits: 799 | Wednesday December 23, 2015 - 13:00:15
Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta, ayaa ammaanay Dad Muslimiin ah oo bad-baadiyay dad masiixiyiin ah oo ay wada saarnaayeen Bas ay raacaan Bulshada, kadib markii Shabaab ay wadada u galeen Baskaasi duleedka Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Read More »

FBI-da oo muwaadin Somali Maraykan ah ku dacwaynaysa inuu ku biiri lahaa Daacish

0 Visits: 890 | Wednesday December 23, 2015 - 11:34:04
Waxaa shalay mar kale maxkamad la soo taagay C/risaaq Maxamed Warsame oo 20-jir ah, iyadoo uu Sarkaal ka tirsan Waaxda Dembi baarista Federalka ee FBI ku soo eedeysay inuu Eedeysanaha khibrad u leeyahay samaynta Gantaallo lagu cabsi gelin karo Diyaaradaha ku soo degayo Garoonka Diyaaradaha ee Saint…

Read More »

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo Magacaabay Mas'uuliyiin ka tirsan Xukuumaddiisa

0 Visits: 876 | Wednesday December 23, 2015 - 11:17:13
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siillaanyo ayaa xallay xilli dambe soo saaray isku shaandheyn iyo magacaabid masuuliyiin cusub, taas oo qaarna xilkii ka qaaday qaarna isku bedelay.

Read More »

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la-tashiyo ah ka wada magaaladda Beledweyn.

0 Visits: 783 | Wednesday December 23, 2015 - 10:48:33
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa habeenkii labaad ku hoyanaya magaaladda Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiran ayaa kulamo la-tashiyo ah la qaadanaya odayaasha dhaqanka beelaha dega Gobolka, Siyasiyiinta iyo ururada bulshadda rayidka ah.

Read More »

Duqeymaha Ruushka uu ka wado Syria oo lagu laayay ilaa 200 oo ruux

0 Visits: 716 | Wednesday December 23, 2015 - 10:40:40
Warbixin ay soo saartay Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee loo yaqaan Amnesty International ayaa lagu sheegay in Ruushka uu tacadi Bini'aadinimo ka geystay dalka Syria, xilli Diyaaradaha Ruushka ay Duqeymo ka geysanayaan dalkaasi,.

Read More »

Dowladda Jabuuti oo sheegtay Shaqaaqadii ka dhacday dalkaasi inay ku geeriyoodeen 7 ruux

0 Visits: 730 | Wednesday December 23, 2015 - 10:37:10
Dowladda Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday Shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Magaalada Jabuuti inay ku geeriyoodeen 7 ruux oo shacab ahaa, kadib markii Ciidamada ammaanka iyo dadkaasi shacabka ah ay isku dhaceen, xilli dadka ay doonayeen inay dhigtaan Xaflad ku aadan xuska Nabi Muxamed NNKH.

Read More »

Xildhibaan geeriyooday, iyadoo uu socdo kulanka Baarlamaanka

0 Visits: 711 | Wednesday December 23, 2015 - 10:34:38
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Kuwait ayaa ku dhex geeriyooday Xarunta Baarlamaanka dalkaasi, kadib markii Xildhibaankaan uu miyir doorsoomay.

Read More »

WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 23-KA DICEMBAR 2015-KA

0 Visits: 839 | Wednesday December 23, 2015 - 10:19:04
MADAXWEYNAHA OO KULAMO LATASHIYO AH KA WADA MAGAALADDA BELEDWEYN … Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay habeenkii labaad ku hoyanaya magaladda Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiran ayaa kulamo latashiyo ah la qaadanaya odayaasha dhaq anka beelaha dega Gobolka, Siyasiyiinta iyo…

Read More »

Wasiir Koofur Galbeed ka tirsanaa oo Is Casilay

0 Visits: 810 | Tuesday December 22, 2015 - 19:45:51
Wasiirkii Dalxiiska iyo Duur Joogta maamulka Koofur Galbeed Cumar Dheere oo la soo xariiray Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa sheegay in uu iska Casilay xilkiisa.

Read More »

Ra'iisul Wasaaraha Jabuuti oo Maanta ka hadlay rabshadihii shalay ka dhacay Magaalada Jabuuti

0 Visits: 758 | Tuesday December 22, 2015 - 19:43:00
War-saxaafadeed maanta kasoo baxay xafiiska RW dalka Jabuuti, C/qaadir Kaamil Maxamed ayaa looga hadlay rabshidihii ka dhashay shalay xaafadda Balbala ee magaalada Jabuuti.

Read More »

Qarax Ciidamada AMISOM lagula eegtay Magaalada Muqdisho

0 Visits: 670 | Tuesday December 22, 2015 - 19:37:58
Qarax ayaa Kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM waxaa lagula eegtay wada u dhexeysa Ceymiska iyo Carafaat ee degmada Yaaqshid.

Read More »

Hotelada magaalada Muqdisho oo looga digay in lagu qabto xaflado lagu xusayo ciida Chrismiska

0 Visits: 787 | Tuesday December 22, 2015 - 16:04:51
Heyadda Culimada Soomaaliyeed ayaa uga digtay hotelada magaalada Muqdisho in lagu qabto xaflado lagu xusayo ciida loo yaqaano Kirismiska oo ku beegan 25-ka bishan Disembar oo maalmo kooban ay naga xigaan.

Read More »

Garoonka Cusub ee Diyaaradaha Boosaaso oo lafurayo 8-da Janaayo 2016

0 Visits: 835 | Tuesday December 22, 2015 - 15:28:14
Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay xilliga la furayo Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso oo hadda Dhismihiisu uu meel Gabagabo ah marayo.

Read More »

Booliska Koonfur Afrika oo ka dalbaday Ajanbiga iyo Soomaalida inay Amniga kala Shaqeeyaan

0 Visits: 722 | Tuesday December 22, 2015 - 15:08:06
Ku-simaha taliyaha booliiska xaafadda Soomaalidu ay ku badan tahay ee Bellville oo ka tirsan magaalada Cape town ee dalka Koonfur Afrika oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay arimo ay ka mid yihiin amniga deegaanka Soomaalidu ku badan tahay.

Read More »

Beesha Caalamka oo doonaysa inay Somalia ka dhacdo 2016-ka hab doorasho oo meel dhexaad ah

0 Visits: 753 | Tuesday December 22, 2015 - 15:05:24
Iyadoo wada-tashiyadii lala yeeshay qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed ay kasoo baxeen inaysan jirin hal nooc oo doorasho ah; ayaa arrintan waxay u baahan tahay in la isla qaato la islana hirgeliyo hab doorasho oo soo wada koobaysa afarta nooc ee doorasho oo ah mid meel dhexe ah, si loo xaqiijiyo…

Read More »

Muslimiin rakaab ahaa oo bad baadiyay Masiixiyiin la saarnaa gaarigii bas ah

0 Visits: 788 | Tuesday December 22, 2015 - 14:38:39
Muslimiin Rakaab ahaa oo la socday gaari bas ah oo marayay duleedka degmada Mandhera ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa bad baadiyay Masxiiyiin la saarnaa gaariga. Dhacdadan ayaa noqotay hadal heynta ugu badan ee Warbaahinta Kenya, iyagoo wargeysyada dalkaas ay qeybaha hore ee wargeyska kaga jireen…

Read More »

Ciidamo ku dheereeyay howlaha Miino baarista oo Soomaaliya loo soo dirayo.

0 Visits: 725 | Tuesday December 22, 2015 - 14:33:55
Mariniska Maraykanka ayaa soo gebagebeeyey Tababar socday muddo 2 bilood ah oo ay siinayeen Ciiddamo ka tirsan kuwa dalka Uganda ee UPDF, kuwaasi oo la doonayo inay ka howlgalaan Soomaaliya.

Read More »

Tirada Muhaajiriinta ee sanadkan gaartay Yurub oo lagu qiyaasay Hal Milyan oo ruux

0 Visits: 693 | Tuesday December 22, 2015 - 14:09:30
Tirada dadka muhaajiriinta ama Tahriibayaasha ee sanadkan sii dhamaanaya 2015 gaaray dalalka Yurub ayaa gaaraya illaa hal Milyan oo ruux. Sida ay sheegtay Ururka Caalamiga ee Socdaalka IOM tirada sanadkii hore ee muhaajiriinta gashay Yurub ayaa laba jibaarantay.

Read More »

Raggii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Taliyihii Booliska Kismaayo oo xabsiga la dhigay

0 Visits: 780 | Tuesday December 22, 2015 - 14:00:51
Afar nin oo sida la sheegay ka dambeeyay weerar lagu qaaday Taliyaha ciidamada Booliska Magaalada Kismaayo Gaboobe Xasan Barre 19-kii Bishan ayaa lagu xiray Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose.

Read More »

Dadka Kenyan-ka ee Degan Lamu oo bilaabay inay barakacaan, cabsi Shabaab ay ka qabaan

0 Visits: 770 | Tuesday December 22, 2015 - 13:51:46
Dadka Kenyan-ka ee ku nool deeganada ku xeeran Degmada Lamu ee Gobolka Xeebta dalka Kenya, ayaa bilaabay inay halkaasi isaga barakacaan, kadib markii ay cabsi ka muujiyeen Ururka Shabaab oo fariimo hanjabaad ah u diray dadkaasi.

Read More »