Wararka

Puntland oo soo bandhigtay maxaabiis iyo meydad ka tirsan Xoogaga Al Shabaab (SAWIRRO)

0 Visits: 1028 | Monday March 21, 2016 - 21:32:29
Saraakiisha Ciidamada Puntland, ayaa waxay maanta siyaabooyin kala duwan ay u soo bandhigeen meydad iyo maxaabiis sida la sheegay ka tirsan Xoogagii Ururka Al Shabaab, ee Isniintii hore soo weeraray qaybo ka mid ah Deegaanada Xeebaha Puntland.

Read More »

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo dib ugu laabtay Garowe

0 Visits: 792 | Monday March 21, 2016 - 21:23:38
Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo maalmahan ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland, iyadoo Mas'uuliyiin iyo dadweyne ay ku soo dhoweeyeen garoonka diyaaradaha.

Read More »

Wasaarada caafimaadka oo dalbatay in baaris deg deg ah lagu sameeyo dabkii ka kacay Isbitaalada Madiina & Banaadir

0 Visits: 794 | Monday March 21, 2016 - 21:04:51
Iyadoo saacadihii la soo dhaafay dab siyaabooyin kala duwan ay uga kaceen Isbitaalada muhiimka ah ee Banaadir iyo Madiina, ayaa Xukuumadda Somaliya, waxa ay dalbatay in Baaris deg deg ah lagu sameeyo, sababihii ka dambeeyay dabka ka kacay labadaasi Isbitaal.

Read More »

Guddi ka soo tala bixinaya dhismaha Gole deegaan uu yeesho Gobolka Banaadir oo la magacaabay

0 Visits: 770 | Monday March 21, 2016 - 20:45:01
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa magacaabay Guddi ka kooban 11 xubnood, kuwaasoo ka soo tala bixinaya dhismaha Gole deegaan uu yeesho Gobolka Banaadir.

Read More »

Axmed Madoobe oo safar kedis ah ku tagay Qooqaani, dibna ugu laabtay Dhoobley (SAWIRRO)

0 Visits: 827 | Monday March 21, 2016 - 20:39:32
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa safar aanan horay loo sii shaacin wuxuu ku tagay Deegaanka Qooqaani oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose, maalin kadib dagaal culus oo ciidanka Kenya ku qabsaday inta u dhaxeysa Afmadoow iyo Dhoobley.

Read More »

Dr. Maxamed Yuusuf: "Shaqada Isbitaalka maanta waa la hakiyay, waayo ma jiro qalab…"

0 Visits: 813 | Monday March 21, 2016 - 20:29:12
Isbitaalka Madiina oo ka mid ah goobaha ugu shaqada badan xarumaha caafimaadka ee ku yaala magaalada Muqdisho ayaa dabka xalay ka kacay wuxuu baabi'iyay qeybtii ugu muhiimsaneyd ee qalliinka lagu sameynayay, halkaasi oo ay ku baaba'een dhammaanba qalabkii qalliinka lagu sameynayay.

Read More »

Madaale "Waa la barayaa waxa isku soo aadiyay gubashada Isbitaalada Banaadir iyo Madiina"

0 Visits: 782 | Monday March 21, 2016 - 20:24:44
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta booqday isbitaalada Banaadir iyo Madiina oo uu xalay dab uu ka kacay qeybo ka mid ah isbitaaladaas ayaa sheegay in la baarayo sababta isku mar isku soo beegtay inuu dab ka kaco isbitaaladaas.

Read More »

Booliska oo qabtay maandooriye lagu beeray kaam ku yaala Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

0 Visits: 1018 | Monday March 21, 2016 - 19:52:26
Booliska Gobolka Banaadir, ayaa waxaa uu gacanta ku dhigay maandooriye lagu beeray kaam ku dhex yaala Degmada Hodan Ee Bartamaha Magaalada Muqdisho.

Read More »

War murtiyeed laga soo saaray Shirkii geeddi socodka dib u eegista Dastuurka

0 Visits: 818 | Monday March 21, 2016 - 19:41:13
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war martiyeed ka soo saaray shir socday saddex cisho oo ka dhacay magaalada Baydhabo, kaasoo looga hadlayay geeddi socodka dib u eegista dastuurka qabyada ah.

Read More »

Ra'iisul Wasaaraha "Looma baahno in AMISOM xilligan la geeyo Puntland"

0 Visits: 834 | Monday March 21, 2016 - 19:32:41
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar uu ku tagay dalka Talyaaniga ayaa ka hadlay dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab.

Read More »

Guddiga Somali Peace Award ee dalka Norway oo abaal-marin gudoonsiiyay Prof Dufle

0 Visits: 800 | Monday March 21, 2016 - 18:06:31
Hey'adda Somali Peace Award ee dalka Norway ayaa abaal-marin gudoonsiisay Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ka dib xaflad balaaran oo xalay lagu qabtay magaalada Oslo ee wadanka Norwey.

Read More »

Ra'iisul wasaaraha oo dalbaday in loo gurmado dadka baarta halakeysay

0 Visits: 724 | Monday March 21, 2016 - 10:45:54
Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, ayaa codsi u jeediyay beesha caalamka in ay gurmad u fidhiyaan dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen isagoo sheegay in xukuumadiisu qorsheynayso sidii loo caawin lahaa dadka dhibaateysan.

Read More »

Faahfaahin weerar xalay ka dhacay Laanta-buuro

0 Visits: 910 | Monday March 21, 2016 - 10:42:09
Taliska ururka koowaad guudtada shanaad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed gaashaanle Axmed Absuge Cabdulle, oo la hadlay Radio Mqudisho ayaa sheegay in maleeshiyaadka ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen deegaanka Laanta-Buuro ee gobolka Shabeelaha hoose halkaas oo fadhiisan ay ku lahaayeen…

Read More »

Nairobi oo Ammaankeedu Soo Hagaagay

0 Visits: 860 | Monday March 21, 2016 - 10:32:42
Nairobi oo aad falal dambiyeedku ugu badnaan jiray waayihii hore ayaa haatan waxaa aad u wanaagsanaaday amnigeeda.

Read More »

SAWIRRO: Jabuuti oo lagu soo Xiray Shirka Culumada Bariga Afrika ee looga hadlay Xag-jirnimada

0 Visits: 804 | Monday March 21, 2016 - 10:30:48
Shirkan oo ay isugu yimaadeen culumada Bariga Afrika oo looga hadlayay ka-hortaga falalka Argagaxisada, Xag-jirnimada iyo ku dhaqanka Diinta islaamka ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Jabuuti.

Read More »

Ciidamada Amniga dalka Masar oo boqolaal Soomali Tahriib ah ku qab qabtay beer u dhow magaalada Aliskandariya iyo amniga oo baadi goob ugu jira muqalisiinta Soomalida dadka waday

0 Visits: 1567 | Monday March 21, 2016 - 10:20:02
maal mahii u danbeeyey ayaa Soomali badan oo tahriib ah waxay ku soo qul qulaayeen dalka Masar kuwaa oo lug ahaan kaga soo galo xadka ay Masar la wadaagto dalka Sudaan

Read More »

Dagaal culus oo dib uga qarxay duleedka Garacad ee Gobolka Mudug

0 Visits: 867 | Monday March 21, 2016 - 10:10:38
Wararka saaka ka imaanaya Duleedka deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in mar kale uu dib halkaasi uga qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Maamulka Puntland iyo Ciidan ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Read More »

Qaxooti wali doomo ku tagaya Giriiga

0 Visits: 732 | Monday March 21, 2016 - 09:57:55
Doomaha soo galootiga wada ayaa wali dad gaynaya dalka Giriiga iyadoo uu dhaqangalayo heshiis dib loogu celinayo dalka Turkiga. Labo gabdhood oo hal iyo labo sano jir ah ayaa geeriyooday kaddib markii ay ka dhaceen doon maraysay jasiiradda waday dad afartan ruux ku dhaw.

Read More »

Dagaal ka dhacay Laanta Buuro

0 Visits: 854 | Monday March 21, 2016 - 09:55:39
Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan xarakada Al-Shabaab ay xalay saqdii dhexe weerar culus ku qaadeen saldhig ay ciidamada dawladda Soomaaliya ku lahaayeen xerada Laanta Buuro ee gobolka Shabeellaha Hosse.

Read More »

Maamulka Degmada Kuntuwaareey Oo Baaraya Dableey Rasaas Huwiyay Gaari Rakaab ah

0 Visits: 888 | Monday March 21, 2016 - 09:51:46
Kuntuwaareey ( Sh.M.Network)-Guddoomiyaha deegaanka Kuuntuwaareey ee Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdiraxmaan Sabdow Daahir oo la hadlay Radio Shabelle ayaa sheegay in ay baarayaan dableey hubeysan oo shalay rasaas ooda kaga qaaday gaari dad shacab ah ay saarnaayeen oo marayay duleedka deegaanka Buulomareer…

Read More »