Wararka

Madaxweynaha Burundi oo ku hanjabay inuu dagaal la geli doono Ciidamada Midowga Afrika

0 Visits: 683 | Wednesday December 30, 2015 - 20:06:15
Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza ayaa ku hanjabay inuu dagaal la geli doono Ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika dalkaas u soo diri doono, si loo joojiyo colaada galaafatay boqolaalka ruux.

Read More »

Wasiirka Warfaafinta oo soo dhaweeyay Ansixinta Sharciga Cusub ee Saxafadda

0 Visits: 803 | Wednesday December 30, 2015 - 18:56:51
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta bahda warfaafinta Shir jaraa'id ugu qabtay Xafiiskiisa ayaa ka hadlay Sharciga Cusub ee Saxaafadda oo dhawaan Baarlamanka Soomaaliya uu Ansixiyay.

Read More »

Dowladda Iiraan oo beenisay in Mad-habta Shiicada ku faafinayeen Soomaaliya

0 Visits: 747 | Wednesday December 30, 2015 - 11:50:04
Dowladda Iiraan ayaa iska fogeysay warar sheegaya in Mad-habta Shiicada inay ku faafinayeen Soomaaliya, kadib markii todobaadkii hore Muqdisho lagu xiray labo nin oo u dhashay Iiraan.

Read More »

Maamulka Puntland oo maanta Maxkamadeynaya Kaluumeysato ajaaniib ah

0 Visits: 715 | Wednesday December 30, 2015 - 11:48:09
Maxkamad ku taal magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal ayaa maanta lagu wadaa in la soo taago Labo nin u dhashay dalka Indonesia, kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay si sharci darro ah ugu kaluumeysanayeen xeebaha Puntland.

Read More »

Arday Soomaali ah oo feer sanka kaga jebiyay Macalimad oo la soo taagay Maxkamad

0 Visits: 844 | Wednesday December 30, 2015 - 11:43:04
Ridwaan Maxamuud oo 17-jir Arday Soomaali ah ayaa 21-kii bishan waxaa uu feer sanka kaga jebiyay Macalim wax ka dhigta Dugsiga sare ee Southwest High School ee degmada Green Bay oo ku yaalla Gobalka Wisconsin ee dalka Maraykanka.

Read More »

Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo deegaano laga qabsaday iyo amisom oo shaacisay inay dileen Sarkaal cadaan ah .

0 Visits: 772 | Wednesday December 30, 2015 - 11:32:45
Wararka ka imaanaya degmada Buulo barde ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Milatariga Soomaaliya oo is garabsanaya inay la wareegeen Degaano hoostaga Degmadaasi , kadib markii ay ka saareen kuwa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Read More »

Akadeemiyo goboleedka Af-Sooomaaliga oo xarun cusub ka furaneysa Muqdisho

0 Visits: 740 | Wednesday December 30, 2015 - 10:40:03
Shir aad u balaaran oo looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta iyo dar-dargalinta hawalaha Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga ee AGA ayaa lagu qabtay Hotelka AMIIRA ee Magaalada Muqdisho.

Read More »

Hogaamiye ka tirsan Daacish oo lala xiriiriyay weeraradii Paris oo lagu dilay Suuriya

0 Visits: 733 | Wednesday December 30, 2015 - 10:31:49
Hogaamiye ka tirsan Ururka Daacish oo si toos ah loola xiriiriyay maskaxdii ka dambeysay weeraradii Paris ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday Suuriya, sida ay xaqiijisay Pentagon-ka Mareykanka.

Read More »

Shirkadda Xawaalada TAAJ oo xafiisyo ka furatay magaalooyinka Netherlands

1 Visits: 4761 | Wednesday December 30, 2015 - 10:29:27
Shirkadda xawaaladda TAAJ oo ka mid ah shirkaddaha xawaaladaha Soomaalida ayaa xafiisyo cusub ka furataday magaalooyin badan oo ku yaala wadanka Netherlands.

Read More »

Faahfaahin: Dagaal Iyo Qarax Ka Dhacay Gedo

0 Visits: 893 | Wednesday December 30, 2015 - 10:15:54
Taliyaha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee gobolka Gedo Jeneraal Cabbaasi Ibraahim Gurey, ayaa VOA-da uga warramay. WASHINGTON DC—

Read More »

Cumar Faaruuq Oo 'Lagu Weeraray Xamar'

0 Visits: 929 | Wednesday December 30, 2015 - 09:55:01
Cumar Faaruuq ayaa VOA-da u sheegay in mid ka mid ah ilaalidiisa uu dhaawac soo gaaray weerarkan.

Read More »

69 Suxufi Oo Sanadkan Lagu Dilay Caalamka

0 Visits: 845 | Wednesday December 30, 2015 - 09:40:39
Warbixin uu soo saaray ururka difaaca suxufiyiinta ee CPJ ayaa sidaas sheegtay, waxaana ay intaas ku dartay in Somalia sanadkan lagu dilay 3 suxufi. WASHINGTON DC—

Read More »

WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 30-KA DICEMBAR 2015-KA

0 Visits: 1284 | Wednesday December 30, 2015 - 09:23:23
HANTIDHOWRKA GUUD "SHIRKADAHA FAVORI IYO ALBAYRAK WAA DIIDEEN IN LALA XISAABTAMO Hantidhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale Faarax ayaa sheegay in dalka aa nay xisaabtiisa xirmi karin, ka dib markii uu ku dhaliilay in Hey'addaha lagu wareejiyay ilaha dhaq aale ee dalka ay diideen…

Read More »

Hanti-dhowrka Guud "Shirkadaha Favori iyo Al-Bayrak waa diideen in lala xisaabtamo

0 Visits: 724 | Tuesday December 29, 2015 - 19:32:59
Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale Faarax ayaa sheegay in dalka aanay xisaabtiisa xirmi karin, kadib markii uu ku dhaliilay in Hey'addaha lagu wareejiyay ilaha dhaqaale ee dalka ay diideen yihiin in lala xisaabtamo.

Read More »

WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 29-KA DICEMBAR 2015-KA

0 Visits: 2632 | Tuesday December 29, 2015 - 19:16:31
XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO SHALAY MEELMARIYAY SHARCIGA SAXAAFADDA SOOMAALIYA

Read More »

Qaybtii labaad ee Wakiilada Golaha Baarlamaanka Koonfur-galbeed oo la Dhaariyay

0 Visits: 878 | Tuesday December 29, 2015 - 19:08:34
Waxaa maanta lau dhaariyay magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay, dufcaddii labaad oo ah 57 xildhibaan oo Baarlamaanka maamul-goboleedka Koonfur-galbeed ka mid noqonaya.

Read More »

Eng Saalax Shiikh Cismaan " Dhismaha Wasaaradda waxaa ku wadnaa si iskaa Wax u qabso ah"

0 Visits: 865 | Monday December 28, 2015 - 10:03:16
"Waa u jeedaan sida uu Dayactirka ugu socdo Wasaaradda Howlaha Guud iyo Wakaaladda Hindisha Soomaaliyeed,, Howshana waa mid iskaa wax u qabso ah" sidaa waxaa yiri Wasiirka Howlaha Guud iyo Gureyeynta oo Shir Jaraa'id ku qabtey Wasaaraddiisa ee uu Dhismaha uu ka socdey waxaa uu sii raaciey

Read More »

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo wafdi uu hogaaminayo oo saaka ku sii jeeda Jowhar

0 Visits: 795 | Monday December 28, 2015 - 09:54:30
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen "Odawaa" iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inuu goor dhow gaaro magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Read More »

Faah faahin ka soo baxaya dagaal culus oo ka dhacay degmada Qoryooley

0 Visits: 780 | Monday December 28, 2015 - 09:52:48
Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo shalay gelinkii dambe ka dhacay degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Read More »

Ciidamada Ciraaq oo Dagaal kula wareegay inta badan Magaalada Ramaadi

0 Visits: 722 | Monday December 28, 2015 - 09:50:56
Millateriga dalka Ciraaq ayaa shaaca ka qaaday inay la wareegeen inta badan Magaalada Ramaadi ee dalka Ciraaq oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen ciidamada Millateriga Ciraaq iyo Ururka ISIS.

Read More »