Boko Haram oo Dad Barakacayaal ah ku dishay Weerarro ay ka geystay Waqooyi-bari Nigeria
Ugu yaraan 56-qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen, kaddib markii kooxda Boko Haram ay laba weerar oo is-miidaamin ahaa ka fulisay xero ku taalla Waqooyi-bari Nigeria oo ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah.