Askari Kenyan ah oo gacanta ugu jira Al Shabaab oo ka hadlay weerarkii Degmada Ceelcadde
Askarigan oo lagu magacaabo Lawrence Rinui Kamau, ayaa ka mid noqday ugu yaraan 12 askari oo ay gacanta ku dhigeen Xoogaga Ururka Al Shabaab, markii ay Jimcihii cagta mariyeen Xeradii ay ku lahaayeen Degmada Ceelcadde Ee Gobolka Gedo.