Madaxweynaha: "Falalka fuleynimada ah ee kooxda Al Shabaab ma hakin doonaan hawlgallada milateri ee dalka looga sifeynayo argagixisada"
Kismaayo, 15 January 2016: Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go'an inay si buuxda ugala qeyb qaadato waddamada gobolka dagaalka lagula jiro argagixisada Al Shabaab oo khatar ku ah nabadgelyada Soomaaliya ,iyo tan gobolka.