Musharaxa Xisbiga NLD ee dalka Burma oo lagu dhaawacay Mindiyo iyo Seef

0
Friday October 30, 2015 - 14:18:44 in Wararka by
  • Visits: 801
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharaxa Xisbiga NLD ee dalka Burma oo lagu dhaawacay Mindiyo iyo Seef

    Musharaxa xisbiga Mucaaradka ee dalka Burma ama Mayanmar ayaa la weeraray, xilli uu Xisbigiisa qabanayay isu soo bax ballaaran oo ay ugu diyaar garoobayeen doorashada todobaadka soo socda ka dhici doonta dalkaas.Xisbiga NLD ee uu hogaamiyo Musharaxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharaxa xisbiga Mucaaradka ee dalka Burma ama Mayanmar ayaa la weeraray, xilli uu Xisbigiisa qabanayay isu soo bax ballaaran oo ay ugu diyaar garoobayeen doorashada todobaadka soo socda ka dhici doonta dalkaas.Xisbiga NLD ee uu hogaamiyo Musharaxa Naing Ngan Lin ayaa waxaa dhaawacay kooxo ku hubeysan mindiyo iyo seef, Caasimada Yangon.

Musharaxa Naing Ngan Lin ayaa loola cararay Isbitaalka, halkaasoo xaaladiisa lagu baxnaaninayo.

Tiro dad ah ayaa loo xiray falka lagu dhaawacay musharaxa, sidoo kale waxaa horay u jiray hanjabaado xisbiga loogu jeediyay qabashada isu soo baxyo.

Goob joogayaal ayaa u sheegay BBC in nimanka hubeysan ay khamiistii shalay weerareen goob ay isu soo bax ku dhigayeen Xisbiga NLD oo la filayo in doorashada 8-da bisha November ay ku guuleystaan kuraasta ugu badan eeBaarlamaanka Mayanmar.

_86396583_myanmarepa

Doorashadan ayaa la filayaa inay noqoto tii u horeysay muddo 25 sano ah oo si furan doorasho guud dalka Mayanmar uga dhacdo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip