
Shabaab oo jiitay diyaaraddii ku soo dhacday duleedka Degmada Afgooye
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa wuxuu xaqiijiyay in Ururka Al Shabaab ay diyaaradaasi ka jiiteen Deegaanka Cumar Beere, oo qiyaastii 10km dhinaca galbeed kaga toosan Degmada Afgooye.
Waxa kaloo uu sheegay in diyaaradaasi ay Shabaabku ku jiideen makiinad buu yiri gaari jiideysay, isagoo intaa ku daray inay diyaaradda u qaateen dhinaca Deegaanka Toora Toorow.
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sababta ay markii hore diyaaradaasi geedo la jar jaray ugu qariyeen uu ku sheegay, si aanay macluumaad kaga helin diyaaradaha wax basaasa.
C/qaadir Maxamed Nuur oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa waxa uu sheegay dadka deegaanka oo ay la xiriireen inay u sheegeen in shidaal uu ka daadanaayay diyaaradaasi, shidaalkaasina lagu arkay geedihii ay dulmartay diyaaraddu, sida uu yiri.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka degan halkii ay diyaaraddu ku dhacday ay u sheegeen in Shabaabku ay indhaha ka xir xireen dadkii diyaaradda la socday, oo qaarkood ku dhaawacmay shilkaasi, sida uu sheegay, isla-markaana ay u kaxeysteen jiho aan la garanayn.
C/qaadir Siidii, ayaa ku waramaya inaanay macluumaad dhameystiran weli ka hayn halkii ay diyaaradda ku timid, waxa saarnaa iyo weliba goobtii kale ay ku wajahneyd, hase yeeshee ay dib ka soo sheegi doonaan, iyagoo weli baaritaano wada, sida uu yiri.
Xigasho:- dhacdo.com


0 



Shabaab oo jiitay diyaaraddii ku soo dhacday duleedka Degmada Afgooye
Warar dheeraad ah, ayaa ka soo baxaaya diyaaraddii ku dhacday duleedka Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose, maalintii Arbacada, taasoona u gacan gashay Ururka Al Shabaab.