
Shiinaha oo joojinaya siyaasadiisa hal cunug qoyskiiba
Siyaasada muranka badan dhalisay ayaa waxa ay soo bilaabatay sanadkii 1979kii si loo yareeyo heerka kororka tirade dadka oo si xowli ah ku socotay. Si kasta ha ahaatee da’ada dadka Shiinaha oo sii duqoobaya ayaa sababtay in cadaadis la saaro xisbiga ka arrimiya dalka Shiinaha.
Qorshaha halka cunug ayaa joojiyay qiyaastii in 400 oo malyan oo carruur ah ay dhashaan tan iyo markii la bilaabay. Lammaanihii ku xadguba sharcigan ayaa waxa uu wajahayay ciqaab isugu jirta ganaax in uu shaqadiisa waayo iyadoo laguna qasbi jirey in ilmaha la soo rido.
Meelaha qaar ayaa laga qafiifiyay sharcigan kadib markii ay soo baxday qiimaha sare u kacaya ee arrimaha bulshada iyo in la waayay dhalinyaro shaqeysa. Xisbiga Shuuciga ah ayaa bilaabay in si rasmi ah uu u dabciyo sharciyadan labo sano ka hor iyadoo loo oggolaanayay lamaanihii hal ilmo kaliya dhala oo aysan ilmihisu mataan ahayn in ilmo labaad loo fasaxo.
Warkan ayaa soo baxay maalintii ugu dambeysay ee shirweyne uu xisbiga Shuuciga yeeshay iyadoo shirkaana guddiga dhexe ee xisbiga ay go’aanadan gaareen. Sidoo kale shirweynaha ayaa la filayaa in uu ku dhowaaqo qorshaha kororka ee la doonayo shanta sano ee socota.


0 



Shiinaha oo joojinaya siyaasadiisa hal cunug qoyskiiba
Dowlada China ayaa go'aansatay inay soo afjarto qorshaha qoys walba loogu oggolaa in uu hal ilmo oo kaliya yeesho. Lammaanaayaasha oo idil ayaa waxaa loo oggolaan doonaa in ay dhalaan min labo carruur ah sida ay sheegtay wakaalada wararka ee do