Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan gaar ah la yeeshay ra'iisul wasaaraha Hindiya Modi

0
Friday October 30, 2015 - 12:52:06 in Wararka by
  • Visits: 747
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan gaar ah la yeeshay ra'iisul wasaaraha Hindiya Modi

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay la kulmay ra'iisul wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi iyagoo ka wadahadlay sii xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay la kulmay ra'iisul wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi iyagoo ka wadahadlay sii xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya.

Ra’isul wasaaraha India Narendra Modi,kulankaas oo xooga lagu saaray wada shaqeynta iyo soo nooleynta xiriirka ganacsi iyo kan waxbarshada ee taariikhiga ah islamarkaana ahaa mid soo jireen ah, ayaa ballanqaaday inu u soo celin doono xiriirkaas.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa hor dhigay dowladda India sida dalkeenu xiligan uga soo baxayo dhibaatada uu mudada ku jiray ee dagaalada iyo soo afjaridda dagaalada Argagaxisada kula jirtay dowladda Soomaaliya.

Ra’isulwasaaraha India ayaa ballan qaaday in Soomaaliya ay ka taageeri doonaan arimaha waxbarashada,iskaashi laga yeesho la dagaalanka argagaxisada iyo taakuleynta dhanka mileteriga.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in waddankiisu diyaar u yahay soo nooleynta xiriirkii ganacsiga ee Soomaaliya iyo India.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku suganyahay magaalada Delhi waxa uu la kulmi doonaa qaar ka mid ah madaxda dalalka afrika ee shirkan ka soo qeybgashay.

klan madx (1)

klan madx (2)

klan madx (3)

klan madx (4)

klan madx (5)

klan madx (6) klan madx (7)

klan madx (8)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip