Puntland oo deeganadeeda ka mamnuucday Idaacada VOA laanteeda afka Somaliga
War saaka ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta Maamulka Puntland, ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba deeganada Maamulkaasi uu ka taliyo laga mamnuucay dhageysiga iyo ka howlgalida Idaacada VOA laanteeda afka Somaliga.
Idaacadaha baahiya Idaacada VOA laanteeda afka Somaliga ayaa lagu amray inaysan baahin karin, sidoo kalena waxaa lagu wargeliyay arintaan dhaman Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Puntland.
Puntland ayaa Idaacada VOA ku eedeysay baahinta warar been abuur ah oo lidi ku ah qarannimada Puntland sida ay sheegeen maamulkaasi.

0 