Shabaab oo saaka Degmada Ufuroow ku weeraray Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda

0
Thursday October 29, 2015 - 12:19:56 in Wararka by
  • Visits: 789
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabaab oo saaka Degmada Ufuroow ku weeraray Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda

    Wararka naga soo gaaraya Degmada Ufuroow ee Gobolka Baay, ayaa sheegaya dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al Shabaab saaka inay weerar ku qaadeen Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda oo ku sugan Degmada Ufuroow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Degmada Ufuroow ee Gobolka Baay, ayaa sheegaya dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al Shabaab saaka inay weerar ku qaadeen Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda oo ku sugan Degmada Ufuroow. Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab oo qorsheeyay weerarkaan ayaa ku qaaday guriga uu Degmada Ufuroow ka degan yahay Sarkaalka qaabilsan ammaanka Magaaladaasi.

Ilaalada Sarkaalka iyo ciidamada Shabaabka ayaa halkaasi ku dagaalamay, iyadoo la soo sheegaayo Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah inuu ka dhashay dagaalka dhexmaray ciidamada Shabaabka iyo ilaalada Taliyaha ammaanka Degmada Ufuroow.

Wararka waxa ay sheegayaan labo Askari oo ka tirsanaa ciidamada ilaalada Taliyaha halkaasi in lagu dilay, sidoo kalena Shabaabka dhankooda uu soo gaaray Khasaaro dhaawacyo oo askartooda ay soo gaareen.

Nooma aysan suuragelin inaan helno magaca Sarkaalkaasi, hayeeshe waxaa la sheegayaa ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Dowladda inay u soo gurmadeen oo ay ka caabiyeen Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Xaalada Degmada Ufuroow ayaa haatan deggan, waxaana dib uga baxay halkaasi ciidamadii ka tirsanaa Ururka Al Shabaab ee weerarka ku soo qaaday Hooyga Sarkaalkaasi uu ka degan yahay Degmada Ufuroow.

Shabaab ayaa weeraro qorsheysan ku qaada guryaha ay degan yihiin Saraakiisha ciidamada Dowladda Federalka Somaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip