Madaxweyne siilaanyo oo Kulan Khaas ah la yeeshay Wakiilka itoobiya u Fadhiya Somaliland
Dawladda Somaliland iyo dhiggeeda deriska la ah ee federaalka Itoobiya ayaa maalintii shalay arrimo door ah kaga wada hadlay kulan gaar oo ay ku yeesheen magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xafiiskiisa shalay ku qaabilay wefti heerkiisu
sarreeyo oo ka socday Wadanka Itoobiya. Madaxweyne Siilaanyo oo uu
weheliyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga
madaxtooyada ku qaabilay Saraakiil ka socota Xafiiska Safaaradda
Ethiopia ku leedahay Somaliland iyo dublamaasiyiin kale oo dawladda
dhexe ee dalkaasi kasocday, iyadoo kulankaas lagu faaaqiday arrimo door
ah oo xagga ammaanka iyo iskaashiga labada dal la xidhiidha. Kulankan oo
muddo saacado ah qaatay, ayaa sida wargeyska Hubaal xogo uu helay tibaaxeen, waxa ay labada dhinaca ka wada hadleen isla
markaana kulankooda ku lafo gureen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka
dhinaca ammaanka ee labada dal ka dhexeeya, isla-markaana xuduudda
labada dal looga dhigi lahaa mid ammaan ah oo ka caaggan xaalad kasta oo
amniga wax yeelli karta. Kulankan oo dhinaca safaaradda Ethiopia ay u
metelayeen Saraakiil uu kamid yahay Safiirka dawladda Federalka Ethiopia
u fadhiya Hargeysa Gen. berha tesfaye iyo dublamaasiyiin kale ayaa
xoguhu tibaaxeen in ay hoggaamiyaha dawladda Somaliland ku boggaadiyeen
sida ay xilka iskaga saareen sugida arrimaha xasiloonida iyo ammaanka
ee mandaqada, gaar ahaanna xuduudka ay Somaliland iyo Itoobiya
wadaagaan. waxana uu taas beddelkeeda madaxweynaha hortiisa ka sheegay
in Ethiopia diyaar u tahay inay dhinaceeda kala shaqayso wax kasta
Warku waxaa uu intaas ku darayaa in kulankaas intii lagu gudo jiray ay labada dhinac ku soo qaadeen qaran diidka ka fallaagoobay Somaliland ee Abiibakar Wabar iyo kooxda uu hor joogaha u yahay ee arbushka ku jabhadaynaya. Waxaana uu Safiirku caddeeyey inay goor horeba suldaankaas kasoo caydhiyeen dhinaca xudduudooda oo uu markii hore ku dhuumanayey, isla-markaana haatan uu ku sugan yahay Gudaha Somaliland, isagoo xukuumadda ku dhiirrigeliyey inay u madax bannaan yihiin inay tallaabo qaadaan xataa haddii Gudaha Ethiopia mar kale ku noqdo. Madaxweyne Siilaanyo, ayaa si weyn usoo dhaweeyey sida dawlada Ethiopia oo ay saaxiib gaar ah yihiin diyaarka ugula tahay inay ammaanka kala shaqayso, isagoo arrinta Suldaan Wabar-na Safiirka ugu soo bandhigay in baahi loo qabo sidii soo qabashadiisa la iskaga kaashan lahaa, maadaama loo arko inuu Amniga labada waddan halis ku yahay, isla-markaana xaaladda uu halkaas ka wado ay kusoo dhuuman karaan Kooxo kale oo dano gaar ah lihi. Kulankaas ayaa sida la sheegay ahaa mid uu wax ka ogaa Ra’isal Wasaaraha Dalka Ethiopia Md Hailemariam Desalegn, isla-markaana uu talooyin badan oo madaxweynaha hortiisa laga sheegay iyo farriimoba ka geysgtay. Muhiimadda ugu weyn ee kulankaasi lahaa, ayaa ah in labada dhinacba muujiyeen baahida loo qabo in Suldaan Wabarka fallaagoobay gacanta lagu dhigo, iyadoo waliba Ethiopia dhinaceeda Somaliland u sheegtay inay fasax u haystaan in xataa Gudaha Xadka Ethiopia kasoo qaban karaan. Kulankan waxa kale oo goob-joog ka ahaa Safiirka Somaliland u fadhiyo Magaalada Addis Ababa Md Maxamuud Axmed Jaamac (Galaal), waxana kulankaasi ku dhammaaday Jawi farxadeed, iyadoo dhinacyadu iskaga mahad celiyeen jawiga wada-shaqayneed ee dhexdooda yaalla.
oo looga baahdo.

Jamaal Ibrahim Maxamed
xigasho:-somaliweyn.com

0 

Madaxweyne siilaanyo oo Kulan Khaas ah la yeeshay Wakiilka itoobiya u Fadhiya Somaliland
Dawladda Somaliland iyo dhiggeeda deriska la ah ee federaalka Itoobiya ayaa maalintii shalay arrimo door ah kaga wada hadlay kulan gaar oo ay ku yeesheen magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxame