
10-guuraddii ka soo wareegtay aasa aaska Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Bariga Afrika oo la xusay
Dr. Hassan Shire Sheekh oo in ka badan 10-sanno ka hor ka qaxay dalka Hooyo ee Somalia ayaa nasiib u yeeshay inuu degenaansho ka helo magaaladda Toronto ee dalka Canada.
"Xilligaas Waxa aan La-tashiyo la yeeshay Saaxiibadihii Afrikaanka ee Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee ku jiray masaafuriska, waxaana xaqiiqsaday inay jiraan kuwo badan oo aan wadaagayno Xanuunka iyo xanaaqa ay ka qaadeen Hawsha Xuquuqda Aadanaha ee ay hayaan, iyagoo ku jira Nolosha masaafurinta” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika.
Mar uu ka hadlayey Dhacdooyinkii uu goobjoogga u ahaa waxaa uu tilmaamay in ka Agaasimaha EHAHRDP iyo Guddoomiyaha PAHRDN, waxaan goobjoog u soo ahaa gacanta koowaad ee ciriiriga baaxadda ee Bulshadda Rayidka iyo Khatarta kordhi karta haddii Difaace Xuquuqda Aadanaha laga noqo dalka iyo Qaaradda.
Dr. Hassan Shire Sheekh waxaa uu intaasi ku daray inay Dowladda iyo Hoggaamiyayaal aan ka tirsanayn Dowladda caqabad ku ahaayeen Hawlaha Difaaca Xuquuqda Aadanaha, iyadoo ay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha waxay si joogto ah ula kulmayaan Weeraro maskaxeed, ilaalayn Dijital ah, Dacwado, Xabsi iyo wax ka xun.
Guddoomiyaha Guddiga Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, waxa uu hadalkiisa ku aadan Munaasabadda 10-guuradda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha, ku qiray inay jiraan Dowladdo badan ee qeyb ka ah Afrika oo soo saaray Sharciyo cusub, oo xadiday fasaxa Dhaqdhaqaaqyadda ee Ururradda Bulshadda Rayidka, Hay’addaha aan Dowliga ahayn ee Xuquuqda Aadanaha.
Waxaa uu carabka ku dhuftay inuu Ururka ku-dhawaad 1,000 qof oo Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha u tababaray in lagu shaqeeyo in sare loo qaado Cododka Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha, iyadoo loo sii marayo Taageeradda Qaranka, Gobalka iyo Heer Caalami.
Dhinaca kale, Agaasimaha Fulinta ee Xuquuqda Aadanaha ee Bartamaha Uganda, ahaana Baarihii Khaaska ee QM ee Xaalladda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha, Margaret Sekagga waxay ka hadashay qiimaha Munaasabadda loogu dabaaldegayo 10-guuraddii ka soo wareegtay MashruucaDifaaca Xuquuqda Aadanaha ee Bariga Afrika "theEast and Horn of Africa Human Rights Defenders Project (EHAHRDP.
Ugu dambeyn waxay walaac xoogan ka muujisay baahida loo qabo Nidaamka lagu badbaadinayo Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha(HRD), waxayna ku baaqday Nidaam lagu difaaci karo Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee ka hawlgala Waddamadda Somalia, Burundi, Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Rwanda, , Sudan, South Sudan, Tanzania iyo Uganda.


0 



10-guuraddii ka soo wareegtay aasa aaska Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Bariga Afrika oo la xusay
Waxaa Caasimadda dalka Uganda ee Kampala lagu qabtay munaasabad lagu xusayay 10-sano guuradii ka soo wareegatay aas aaska Mashruuca difaaca xuquuqda aadanaha ee Bariga Afrika (EHAHRDP). Munaasabadda ayaa waxaa lagu soo bandhigay Documentary iyo mu