
Daawo Sawirada: Dhibaatada lagu qabo isticmaalka Wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho
Wadada xiriirisa Isgoyska Bakaaraha ilaa Isgoyska Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho inta u dhaxeysa ayaa ah mid aad u bur bursan oo gaadiidka aysan mari karin, waana inta ugu daran ee dhibaatada adag lagu qabo.
Cabdiraxmaan Yuusuf waxa uu ka mid yahay darawalada kaxeeya Gaadiidka dadweynaha ee ka howlgala Wadada Wadnaha waxa uu sharaxayaa dhibaatada ay wadadaan ku qabaan isaga oo sheegaya in ay bixiyaan lacag canshuurta ee dowladdu qaado.
"Waxaan ka shaqeynaa Wadada wadnaha oo bur-bursan waxaan marnaa xaafadaha ka ak dhaw laamiga, mararka qaar waxaa dadka ay naga xirtaan xaafadaha aan mareenno waxaan dowladda ka dalbaneynaa in ay noo hagaajiso wadada ama ay Booyadaha biyaha Dhuuqa ay noo soo dirto” ayuu yiri Darawal Cabdiraxmaan Yuusuf.


0 



Daawo Sawirada: Dhibaatada lagu qabo isticmaalka Wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho
Dhibaato adag ayeey ku qabaan Bulshada Magaalada Muqdisho iyo gaadiidleyda Isticmaalka wadada wadnaha oo ah wado muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka caasimada Muqdisho. Xilligan oo ah waqti roobaad, waxaa adag in si nadiif ah wadada ay u m