Maamulka Galmudug oo ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleed ka dhacay Galgaduud

0
Thursday October 29, 2015 - 11:10:48 in Wararka by
  • Visits: 726
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Galmudug oo ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleed ka dhacay Galgaduud

    Maamulka Galmudug ayaa baaq ka soo saaray dagaal labo maleeshiyo beeleed ku dhex maray deegaano ku dhow dhow degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Maxamed Xaashi Carabey oo ah Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa sheegay inay ka xun yihiin dadkii ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Galmudug ayaa baaq ka soo saaray dagaal labo maleeshiyo beeleed ku dhex maray deegaano ku dhow dhow degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Maxamed Xaashi Carabey oo ah Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa sheegay inay ka xun yihiin dadkii ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay deegaanka Qaa'ib

Waxaa uu sheegay inay u dirayaan ergo nabadeed, si ay u kala dhex galaan labada beelood ee ku dagaalamay deegaankaas

"Maamulka Galmudug waxaa uu ka xun yahay in la daadiyo Dhiiga Dadka Muslimiinta ah hadana Soomaalida ah ee wada dhashay”ayuu yiri Carabeey.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay odayaasha iyo waxgaradka deegaanka inay u istaagaan sidii loo baajin lahaa dagaalka.

Inta la og yahay illaa ruux ayaa ku dhimatay dagaalka ka dhacay deegaano ku dhow dhow Cadaado, waxaana dagaalka u dhaxeeyay dad reer miyi ah.

Deegaanada Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku soo noq-noqonayay dagaal beeleedyada salka ku hayay muranada dhul daaqsimeedka iyo ceelasha, waxaana ku geeriyooday dad fara badan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip