Mareykanka oo dalab xasaasi ah hordhigay Axmed Madoobe

0
Tuesday June 09, 2026 - 20:25:27 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 44
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo dalab xasaasi ah hordhigay Axmed Madoobe

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Justin Davis iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo u gudbiyay dalab xasaasi ah oo ku aadan inuu yimaado magaalada Muqdisho oo ay ka socdaan dadaallo dhex-dhexaadin ah.

Kulanka labada dhinac oo ay goobjoog ahaayeen saraakiil ciidan oo labada dhinac ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo arrimaha mudnaanta u leh amniga, xasilloonida iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya, sida lagu sheeay qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Jubbaland.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa kulankooda kusoo qaaday arrimo ku aadan xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka iyo sidii xal waara looga gaari lahaa, maadaama dalku galay marxalad xasaasi ah oo haddane kaa guur ah.

 

 

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Danjire Justin Davis uu Axmed Madoobe hordhigay dalab culs oo ku aadan inuu yimaado magaalada Muqdusho, si uu qeyb ugu noqdo dadaallada dhex-dhexaadinta ah ee lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadda u dhexeysa Dowladd Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka

Ilo wareedyo xilkas a ayaa innoo xaqiijiyay in dalabka Mareykanka uu durbo aqbalay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, isla markaana uu ogolaaday inuu yimaado magaalada Muqdisho, si uu ugu biiro wada-hadallada ay garwadeenka ka tahay Beesha Caalamka ee lagu dhex-dhexaadinayo labada dhinac.

Dhaq-dhaqaaqyan ayaa qayb ka ah kuwa ay horkaceyo Beesha Caalamka oo labada maalin ee lasoo dhaafay xoojisay cadaadiska ay ku hayso dowladda iyo mucaaradka, si mar kale looga hortago in dagaal uu ka dhaco gudaha caasimada.

 

 

Si kastaba, Dadaalladan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla markaana ay sii laba kacleyneyso xiisadda dowladda iyo mucaaradka oo dagaal ka dhalisay magaalada Muqdisho, kadib iska hor imaadyo hubeysan oo dhawaan ku dhex-maray degmooyinka Cabdicasiis iyo Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Soomaaliya ayaa mar kasta oo la gaaro xilliga kala guurka waxaa is qabta siyaasiyiinta Soomaaliyeed, kuwaas oo marar badan qaaday tallaabooyin iska soo horjeeda oo halis gelin gaaray dowladnimada curdunka ee Soomaaliyeed.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip