Guddiga doorashada oo degdeg uga jawaabay cabashada musharaxiinta K/G, soona saaray 3 qodob

0
Tuesday June 09, 2026 - 14:54:56 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 40
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga doorashada oo degdeg uga jawaabay cabashada musharaxiinta K/G, soona saaray 3 qodob

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa degdeg uga soo jawaabay cabashada musharaxiinta qaar ka muujiyeen doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Guddiga oo soo saaray war-saxaafadeed uu cinwaan uga dhigay "jawaab celinta cabashada musharaxiinta” ayaa wuxuu ku sheegay inuu diyaariyay ciidamo gaar ah oo ka madax-bannaan dhamaan musharraxiinta u tartamaya xilka hoggaamiyaha maamulka.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay inuu diyaariyay goob dhex-dhexaad ah oo ka madax-bannaan dhamaan musharraxiinta, ayna u wada siman yihiin imaanshaheeda, si waafaqsan qodobka 74-aad farqadiisa 2-aad ee sharciga doorashooyinka.

 

"Guddiga waxa uu ku wargelinayaa xildhibaannada in ay reeban tahay in ilo xirka codbixinta (voting booth) lala galo mobile iyo wixii la mid ah si loo ilaaliyo qarsoodiga codka si waafaqsan qodobada 3-aad iyo 56-aad ee sharciga doorashooyinka sharci Lr. 28-2024,” ayuu guddiga ku yiri war-saxaafadeedka.

Guddiga ayaa ku wargeliyay xildhibaannada codkooda dhiibanaya inay u hogaansamaan sharciga codkoodana u dhiibtaan si qarsoodi ah, kana fogaadaan wax kasta oo wax u dhimi kara qarsoodi ahaanshaha codka.

Jawaabta guddiga doorashada ayaa imanaysa xilli musharraxiinta hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Prof. Jawaari) ay qaadaceen hanaanka wax u socdaan, xilli qorshuhu yahay inay doorashadu dhacdo maalinta berri ah.



Labada musharax ayaa sheegay in aysan ka qeyb-geli doonin doorashada maamulkaas illaa uu xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka iska casilo musharrax Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Sidoo kale waxay sheegeen in tartanka doorashadu uu u baahan yahay jawi ku dhisan cadaalad iyo sinaan, iyagoo muujiyey walaac ku saabsan in musharrax xil qaran haya uu isla markaana u tartamayo hoggaanka Koonfur Galbeed.

Waxay sheegeen in aanay suurtagal ahayn in si siman loola tartamo musharrax haya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, maadaama uu weli ka tirsan yahay hay’adaha dowladda federaalka.

 

 

 

igasho:-Caasimadda.net


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip