
Maamulka Donald Trump oo dhalashada kala laabanaya Soomaaligii ugu horreeyey
Minneapolis (Caasimada Online) – Nin Soomaali ah oo degan gobolka Minnesota ayaa ka mid noqday 17 qof oo dowladda Mareykanka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Donald Trump ay dooneyso in lagala noqdo dhalashada Mareykanka, taas oo qeyb ka ah olole cusub oo Washington ay ku ballaarineyso kiisaska ka xayuubinta muwaadinimada dadka dhalashada qaatay.
Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in Kadiye uu 1997-kii isku dayay inuu dalka ku soo galo aqoonsi kale, isagoo markii hore sheegay in magaciisu yahay Liban M. Degel. Sida ku cad dacwadda, wuxuu markaas sheegay inuu xaas leeyahay balse uusan carruur lahayn.
Saraakiisha Waaxda Caddaaladda ayaa sidoo kale sheegay in Kadiye uu mar u sheegay sarkaal ka tirsan ilaalinta xuduudaha Mareykanka inuu isticmaalay laba aqoonsi intii uu ku jiray hannaanka lagu oggolaanayay inuu dalka galo.
Dacwaddan ma aha xukun dembi, Kadiye ayaana xaq u leh inuu maxkamadda iska difaaco. Hase yeeshee, haddii dowladda Mareykanka ay ku guuleysato kiiska, wuxuu waayi karaa dhalashada Mareykanka, taas oo dib ugu celin karta xaaladdii socdaal ee uu lahaa ka hor inta uusan muwaadin noqon.
Kiisaska noocan ah ayaa muddo dheer ahaa kuwo aad u yar, sababtoo ah waxay u baahan yihiin dacwad dheer iyo caddeyn culus. Xog taariikhi ah ayaa muujineysa in intii u dhaxeysay 1990 iyo 2017 ay Waaxda Caddaaladda Mareykanka sanadkii celcelis ahaan gudbin jirtay 11 dacwadood oo keliya oo lagu dalbanayo in qof lagala noqdo dhalashada.
Laakiin dowladda Trump ayaa hadda si weyn u ballaarineysa ololahaas, iyadoo sheegtay inay beegsaneyso dadka ay ku eedeyneyso inay khiyaano ku heleen jinsiyadda ama ay qariyeen dembiyo culus.
"Dambiilayaal ajaaniib ah ayaa ka been sheegaya dembiyadoodii hore, oo ay ku jiraan kuwa ka ganacsada daroogada, kuwa sameeyey xadgudub galmo iyo khiyaanooleyaal,” ayuu yiri Blanche.
Xoghayaha Amniga Gudaha Mareykanka Markwayne Mullin ayaa isna sheegay in dowladda Trump ay adeegsan doonto waddo kasta oo sharci ah oo lagu baabi’in karo jinsiyadda dadka lagu helo inay been ku heleen dhalashada.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in 16-ka qof ee kale ee lagu daray ololahan lagu eedeynayo falal kala duwan, oo ay ku jiraan xadgudubyo galmo oo ka dhan ah carruur, daroogo, dambiyo maaliyadeed iyo khiyaano socdaal.
Kiiska Kadiye ayaa si gaar ah u taabanaya bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota, oo ah mid ka mid ah jaaliyadaha Soomaalida ugu waaweyn Mareykanka.
Waxaa sidoo kale uu kusoo beegmayaa xilli dowladda Trump ay adkeysay siyaasaddeeda socdaalka, iyadoo ballanqaadday inay si adag ula dagaallameyso dadka ay ku eedeyso inay si khaldan ku heleen sharci ama dhalasho.
Haddii maxkamaddu taageerto dacwadda dowladda, Kadiye wuxuu noqon karaa mid ka mid ah kiisaska ugu dambeeyay ee muwaadin Mareykan ah oo dhalashada lagala noqdo, iyadoo Washington ay sare u qaadeyso adeegsiga tallaabo sharci oo muddo dheer loo arkayay mid naadir ah.
In this May 9, 2017, file photo, U.S. passports lie on a table in Dallas. (AP Photo/Benny Snyder, File)


0 




Maamulka Donald Trump oo dhalashada kala laabanaya Soomaaligii ugu horreeyey
.