Soomaaliya iyo Jabuuti oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab

0
Monday January 30, 2023 - 20:42:30 in Wararka by
  • Visits: 130
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya iyo Jabuuti oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya Mundane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan miro dhal ah kula qaatay magalada Muqdisho dhiggiisa Dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Xasan Cumar Maxamed.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa si weyn loogu gorfeeyay dagaalka dagaalka ka dhanka ah Dagaalamaayasha Al-Shabaab iyo Daacish.

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mundane Cabdiqaadir ayaa marka hore dhigiisa Jabuuti Iyo waftiga la socda uga mahad-celiyay hiilka walaalnimo ee ay mar kasta dadka Soomaaliyeed iyo dalkeenna la garab taagan yihiin, wuxuuna sheegay Wasiir Cabdiqaadir inay walaalaha Jabuuti ka go’an tahay in Soomaaliya laga saara Al- Shabab iyo Daacish.

Wasiirka difaaca ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Xasan Cumar Maxamed ayaa dhankiisa cadeeyay in Jabuuti ay ka go’an tahay ku garab-siinta dowladda Soomaaliya sidii waddanka looga wada xoreyn lahaa AL-shabaab, isagoona hoos ka xariiqay Ciidanka Jabuuti ee HIIL WALAAL ay habeen iyo maalin dhiigooda u hurayaan sidii shacabka Soomaaliyeed u garab istaagi lahaayeen.

Kulanka Labada Wasiir waxaa ku weheliyay Taliyaasha CIidamada Xoogga Soomaaliya iyi Jabuuti, Gen.Odawaa Yuusuf Raage, Gen. Sakariye Ibrahim Sheikh iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaraddaha difaaca.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip