Basma Hegazi iyo Mohamed Hosam ayaa la dhigay xabsiga ka dib markii lagu eedeeyay inay faafiyeen warar been abuur ah iyo inay ka tirsan yihiin urur argagixiso.

Xariga ayaa ah kii ugu dambeeyay ee dhawaan ka dhacay dalka Masar oo lagu xannibay baraha bulshada, iyadoo haweenka qaar lagu eedeeyay inay ku xad gudbeen qiyamka qoyska.

Halka kiis ee sida weyn lo hadal hayo ayaa ah haweeney lagu magacaabo Haneen Hossam, oo sameysa jilliin xagga heesaha iyo qoob ka-ciyaarka, ayaa lagu xukumay toban sano oo xarig ah.

Xukunkeeda ayaa markii dambe laga dhigay saddex sano ka dib markii ay dadweynuhu ka gadoodeen.