Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxda dalka imaneysa uu ka mid yahay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, inkasta oo Eritrea aysan ciidamo ka joogin Soomaaliya, balse ay tababartay 5,000 oo askar Soomaali ah oo qaarkood ay weli dalkaas ku sugan yihiin.

         Inkasta oo si rasmi ah loo ogayn qorshaha ay wafuudan culus u imaanayaan magaalada Muqdisho, ayaa haddana waxay kusoo aadeysa xilli guul wax ku ool ah laga gaaray dagaalka ay kal hore ku dhawaaqday dowladda federaalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

         Soomaaliya ayaa waxaa jooga in ka badan 23 kun oo ciidan shisheeye ah waa marka laga hadlayo kuwa Midowga Afrika.

Madaxda ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee imanaya Muqdisho ayaa sidoo kale waxay kusoo aadayaan xilli ay si weyn su’aallo u dul taagan yihiin ciidamadooda iyo howl-galka ay qeybta ka yihiin oo gaabis badan uu ka jiro.

          Laakiin muuqaalka hadda laga dhex daawanayo ATMIS waa inay yihiin nabad-dhaliyayaal ku kooban xeryaha ku yaalla xeyndaabka amnigooda la adkeeyay ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

     Soomaaliya waxaa sii xoogeysanaya dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, ayada oo kooxda gacanteeda ka baxaan inta badan deegaanada ay gacanta kaga hayeen bartamaha Soomaaliya.

     HirShabelle iyo Galmudug waxaa jooga ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, inkasta oo ay billowgii sheegeen inay howl-galka qeyb ka qaadanayaan haddana xiligaan wax door ah malahan.

        Haddii HirShabelle iyo Galmudug, ATMIS la’aantood looga guuleystay kooxaha argagixiso oo looga saaray waxay dadka is-weydiinayaan sababta joogitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya waqti xaadirkan oo is-weydiimo ay joogaan.