Dowlada Soomaaliya Oo Ku Amartay Hay'adaha Gargaarka In Muddo 3 Bilood Ah Ugu Soo Guuraan Gudaha Dalka

0
Monday January 30, 2023 - 15:00:25 in Wararka by
  • Visits: 143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Soomaaliya Oo Ku Amartay Hay'adaha Gargaarka In Muddo 3 Bilood Ah Ugu Soo Guuraan Gudaha Dalka

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
Wasaaradda Qorsheynta XFS ayaa ku wargelisay in hey’addaha gargaarka iyo kuwa horumarinta ee mashaariicda ka fulinaya Soomaaliya inay si buuxda ugu soo wada guuraan dalka Soomaaliya laga bilaabo (30 Janaayo 2023 illaa 31 Maarso 2023) iyadoo la tixgelinayo xaalada amni ee dalka oo soo hagaageysa kaddib howlgalada guuleystay ee ka dhanka ah Argagixisada.
War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Qorsheynta ayaa lagu sheegay in wasaaradu ay gacan ka siin doonto hay’adaha sidii ay dalka Soomaaliya ugu soo guuri lahaayeen.
    "Wasaarada Qorsheyntu waxa ay tallaabooyinka ku habboon ka qaadi doontaa hay’adaha fulin waayo amarkan,dalkana si degdeg ah ugu soo guuri waaya.”ayaa lagu yiri war saxaafadedka.

Qoraalka ayaa lagu wargeliyay hay’adaha in ay tababaradooda iyo shirarkooda ku qabsadaan gudaha dalka. Inta badan hay’adaha samafalka ayaa xarumo ku leh magaalada Nairobi ee dalka Kenya,mana aha markii ugu horeysay ee dowlada Soomaaliya ugu baaqdo hay’adaha samafalka inay dalka u soo guuraan.

dowlada soomaaliya oo ku amartay hay'adaha gargaarka in muddo 3 bilood ah ugu soo guuraan gudaha dalka




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip